Monday, January 17, 2011

Wasiirka Maaliyada Oo Shaaca Ka Qaaday In Ay Xukuumada Somaliland Lacag la’aan Ka Dhigtay Dhamaan Dugsiyada Hoose/Dhexe Ee Dawliga Ah Kana Hadlay Arimo Kale Oo Aad U Muhiim Ah

Hargeysa (Burcotoday)- Wasiirka wasaarada Maaliyada Eng. Maxamed Xaashi Cilmi.  ayaa maanta shaaca ka qaaday in ay Xukuumada Somliland joojisay Dhamaan lacagihii laga qaadi jiray ardayda dhigata dugsiyada Hoose/Dhexe ee dawliga ah .

Wasiirku wuxuu sidaasi ku sheegay shir jaraa’id oo uu maanta ku qabtay  Xarunta wasaarada maaliyada ee magaalada hargeysa, waxa kale oo uu ka hadlay odoroska  miisaaniyada 2011-ka, iyo amuura kale oo aad muhiim u ah.

Wasiirka oo ka hadlayay odoraska Miisaaniyad sanadeedka dawlada ee 2011-ka ee ay gacanta ku hayaan diyaarinteedii wuxuu yidhi “Xukuumadan maanta jirta ee uu Hoggaaminayo Axmed Maxamed Siilaanyo, xiligii olalihii doorashada madaxtooyada waxay balan qaaday inay mushaharka u kordhiso ciidamada iyo shaqaalaha dawlada 300%, balse sidaad ogtihiin waxaanu dhaxalay meel madhan oo dayn  faro badan ayaanu la wareegnay, dayntaasina inteeda badani may jirin oo waa tii gudidu baadhay ee caddaysay inaanay wax jira ahayn oo wax lagu qabtay ahayn.odoroskii miisaaniyad saneedka 2011-ka waxaanu rajaynaynaa inaanu dhawaan horgeyno Golaha Wakiilada. Waxaan filayaa  Guddida Dhaqaalaha ee Wakiiladdu (Wasaarada) nagula naaqishaan oo ay wixii ay ku darayaan iyo wixii ay ka bedalayaanba ku sameeyaan. Ka dibna ay Golaha Wasiirrada laga ansixiyo si loogu gudbiyo Golaha Wakiilada. Balan qaadkii KULMIYE ee ahaa in mushaharka la kordhiyo 300% waa la heli lahaa haddii aanay jirin dayntaasi badan ee aanu la wareegnay. Waxaanu imika kordhinay 100% sida Madaxweynuhu sheegay.”

Waxa kale oo uu Wasiirku tilmaay in  Xisbiga Klmiye ay ka go an tahay in uu fuliyo balandaaydii wakhtigii Ole-olaha Doorashada waxa uu yidhi “ Xisbiga KULMIYE wuxuu fuliyay inta badan balan qaadkii boqolka maalmood ee u horeeya, oo waxaanu bixinay mushaharkii shaqaalaha  sadex bilood iyo ciidamada raashinkoodii oo aan muddo la bixin, Boqolkii maalmood ee u horeeyay waxaanu ku  talaabsanay inaanu tiro koobno shaqaalaha iyo ciidamada dawlada,Ayuu yidhi Wasiirka Maaliyaddu.

Wasiirka Maaliyadu wuxuu sheegay inay joojiyeen feegii laga qaadi jiray ardayda dugsiyada Hoose/Dhexe ee dawlada waxaanu yidhi “Maanta laga bilaabo waxaanu dugsiyada dhexe ee dawlada aanu ka dhaafnay fiigii laga qaadi jiray (lacag bileedkii).macalimiintuna waxay ka mid yihiin shaqaalahaasi dawlada iyo Ciidamada ee 100% mushaharku u kordhay.”

Wasiirka Maaliuyada Eng . Maxamed Xaashi wuxuu ugu baaqay Ganacsatada dalka inay iska bixiyaan cashuuraha ku waajibay ganacsigooda, isaga oo arintaasi ka hadlayan waxa uu yidhi  “Ganacsatada dhawr jeer ayaanu u yeedhnay oo aanu ugu baaqnay inay iska bixiyaan cashuuraha ku waajibay ganacsigooda, balse noomay iman, sida sharcigu ii ogolaanayo waxaanu awoodi karnaa inaanu liisanka ka qaadno oo aanu taqsiirno (ganaaxno), balse taas yeeli mayno oo waxaanu jecelahay inay macaashaan oo khasaare waxba ma soo kordhiyo, laakiin ay iska soo bixiyaan cashuurtii waajibka ahayd ee lagu lahaa.”

Wasiirka oo ka hadlayay shaqaalaha dawlada wuxuu yidhi “Shaqaalaha imiku wuxuu u badan yahay dhalinyaro oo waxay taagan yihiin xiligii kor loo qaadi lahaa waxbarashadooda iyo mihnadooda shaqo,Anagu waxaanu nidhi shaqaalaha da’yarta ah hala tababaro, idinkuna (saxaafada) siyaabo kale ayaad u dhigteen. Waxaan idinku dardaarayaa inaad ilaalisaan mihnadiina iyo sumcada saxaafadiina,” ayuu yidhi Eng. Maxamed Xaashi.

Wasiirku wuxuu u soo jeediyay dhalinyarada tahriibaysa inaanay u tacabirin dalal shisheeye waxaanu kula taliyay inay dalkooda wax ka qabsadaan oo ay aaminaan.

0 comments:

Post a Comment