Tuesday, January 4, 2011

Dalka Iran oo Lagu Del-Delley Todoba Qof oo lagu Eedeeyey Inay Ka Ganacsanayeen Maan-dooriyaha Daroogada & Iran oo Sheegtay In Nidaamkaa lagu Illaalin karo Nabad Gelyada Guud

IRAN(BCT)- Dalka Iran ayaa maanta lagu del-delley todoba qof oo la sheegay inay iibinayeen Darooggo. Mas,uul ka tirsan maxkamada sare ee dalka Iran ayaa sheegay inay maanta Del-deleen Todobadaa qof oo lagu soo Eedeeyey inay ka baayac-mushtareynayeen Daroogada iyo waxyaabaha maanka dooriya, Todobadaa qof ayaa lagu del delley magaalada lagu magacaabo Karminshaah ee galbeedka dalka Iran,

Wakaalada wararka ee FARIS ayaa shegtay in mas,uulka ka tirsan maxkamada oo lagu magacaabo Mujtabi Maaliki uu u sheegay wakaalada in maxkamadu diiday dallab ku saabsanaa in nimankaa la saamaxo ama laga dhaafo in la dillo, Maaliki ayaa intaa ku daray in Todobadaa qof mar qudha la wadda del-delley iyadoo dilkaa ama del-dellaadaa lagu fulliyey saldhig Boolis oo ku yaalla magaaladaa kadib markii maxkamadu soo amartay in la khaarajiyo,



Wakaalada Wararka ee FARIS ayaa sheegtay in todobadaa qof lagu soo Eedeeyey inay dalka soo galin jireen daroogada gaar ahaan maandooriyayaasha  Heroin & Cocaine,
Dalka Iran ayaa sanadkan cusub ee 2011 dadka lagu del delley ay illaa iminka gaadhayaan 11 qof warbixin ay soo saartay wakaalada wararka ee AFP oo ay sheegtay in lagu daabacay wargeysyada maxaliga ah ayaa lagu qoray in 179 qog lagu del delley dalka Iran sanadkii 2010, Halka sanadkii 2009 lagu del delley 270 qof,



Dalka Iran ayaa kamida waddamada ugu badan caalamka ee fulliya dilka nooca del-dellaada ah iyadoo ay lamid yihiin waddamada Shiinaha & Sucuudiga & Mareykanku, Mas,uuliyiinta dalka Iran ayaa sheegay in qaanuunkan ah in la dillo dadka lagu qabto Tuugada & Sinada & Daroogada  uu yahay mid munaasib ah isla markaana ah dariiqa kalliya ee lagu illaalin karo nabad gelyada dadka shicibka ah ee Reer Iran,
Xukunkan dilka ah ayaa lagu fulliyaa dalka Iran dadka lagu qabto ama sameeya denbiyada ay kamidka yihiin Dilka & Kufsiga & Ka ganacsiga Daroogada & Qofka lagu qabto hub billaa sharci ah,



0 comments:

Post a Comment