Wednesday, January 26, 2011

"Xukuumadda Dulqaad Ayaa Looga Baahan Yahay… Qadiyadeediina Way Soo Dhawaatay….Ururrada Siyaasadana anaga Oo Dawlada Ah Ayaanu Diidnay…Wasiirka Arrimaha Dibaduna Ha Nala Tasho Oo Ayaanu Odhan…..”Axmed Yuusuf Yaasiin

Hargeysa (BCT)- Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Somaliland, ahna Guddoomiye Ku Xigeenka Xisbiga UDUB Mud. Axmed Yuusuf Yaasiin, ayaa sheegay in wakhtigii ay Xukuumaddii UDUB ay xilka haysay ay u dulqaadan jireen waxyaabaha ay Saxaafadu ka qorto, iyaga oo ilaalinaya sida uu yidhi in Beesha Caalamka ee ay Somaliland  ka raadinayso Aqoonsigu u arkaan meel lagu tunto Xoriyatul Qawlka iyo saxaafada horta ah.


Mudane, Axmed Yuusuf Yaasiin waxa uu Xukuumadda MAdaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siillaanyo) ugu baaqay in ay dulqaad u muujiso Warbaahinta, waxaanu cambaareeyey Xukunka Maxkamada Gobolka Hargeysi ku riday Tafaftirihii Wargeyska Madaxa banaan ee Waaheen.


Guddoomiye ku xigeenka Xisbiga UDUB Mudane, Axmed Yuusuf Yaasiin oo shalay Wareysi khaas ah, Gurigiisa Magaalada Hargeysa ku siiyey Wargeyska Saxansaxo, waxa kale oo uu ka hadlay Ururrada, Diiwaan gelintii codbixiyayaasha Doorashooyinka, Aftida Koonfurta Sudan iyo Siyaasada Arrimaha Dibedda ee Somaliland.


Ugu horeyn Guddoomiye ku xigeenka Xisbiga UDUB oo ka jawaabayey su’aal ahayd sida ay u arkaan Xidhiga Tafaftiraha Wargeyska Waaheen, waxa uu ku jawaabay  “ Horta Saxaafaddu sida aad ogtihiin waa kuwii wakhtigii aanu xilka ahaynay calaashadeen ee oo waxba noola hadhin, qof walba oo masuul ahna sharciga waa loo siman yahay. sharciga Saxaafaddana wax badan baanu ka ognahay oo markii aan ku jiray golihii wakiilada ee hore in badan ayuu na hor yaalay, in badana waxa nalagu canaanan jiray Saxaafadda way cabudhiyaan, markaa dawlada KULMIYE hogaaminayo waxaan leeyahay dulqaad badan baa laydinka baahan yahay, wakhti xaadirkan xittaa haddii la khaldamo, waayo ictiraaf ayeynu raadinaynaa intaasi waxbay ina yeelaysaa, inkasta oo aan filayo in dawladayadii cid dulqaad ku gaadhaysaa aanay jirin.


Xadhigan Suxufiga lagula kacayna raali kama nihin, maxaa yeelay waddanku wuu inaga dhaxeeyaa waxanaanu leenahay waa in Saxaafadda la koriyo.”

Mudane, Axmed Yuusuf Yaasiin oo aanu waydiinay sababta ay ta badan uga soo horjeesteen in dalka laga furo ururro siyaasadeed, waxa uu ku jawaabay “Sanadkii 2007-kii markii uu soo baxay Ururkii Qaran, dawlad ahaan waanu diidnay, markaa haddii Ururo la furayo maalintaas ayaanu ogolaan lahayn anagoo Xukuumaddii wakhtigaa talada haysay ahayn, dib baa loogu noqday asbaabaha waxan keenay wakhtigii dastuurka la sameynayey 1997-kii waa la xidhay Xisbiyo waxaana lagu xidhay Saddex Xisbi.

1999-kii  ayaa dib layskugu yimid Guurtida iyo Wakiiladu way isku yimaadeen dib ayey u xidheen wakhtigii saddexda urur la ansixiyeyna qoladii diiwaangelinta waa la baabiiyey, qaar baa leh sharcigu wuu shaqeynayaa. Waan leeyahay ma shaqeynayo ururo haddii la xidho way xidhan yihiin.

Wakhti xaadirkan asbaabaha aan loogu baahneyn baan idiin sheegayaa inta ay dalka ka jiraan xagjir la furi maayo ururo siyaasadeed, waayo waxa lag yaabaa inay inagu soo baxaan ururo xag jira, iyada oo aynu waliba ognahay Somalia waxa ka jira maaha in la furo ururo siyaasadeed, haddii la furana labada Xisbi ee kale maaha wax shaqeynaya, tusaale ahaan saddexdii Xisbi ee kale mid baa talada ku guulaystay labadii Xisbi ee kale ma shaqeynayaan Xisbigii laga guulaystay oo haddana shan sanno ka dib la la tartamayo wax shaqeynaya maaha.

Markii arrinkaa la go’aamiyey ee la xidhayna waa tii ururadii SAHAN,HORMOOD,ASAD l yidhi ku biira ururada markaa soo baxay.

Doodayadii furashada ururada Siyaasada waxa ka mid ahaa war maant haddii la furo ururada siyaasadda odaygu waa KULMIYE ayuu ka soo baxay oo waa Madaxweynihii wakiilada waxa fadhiya Saddex Xisbi ee KULMIYE, UDUB, UCID waxa dhici karta inay saddex xisbi oo kale soo baxaan, markaa waxa isugu yimid lix Xisbi waayahee sidee loo kala gurayaa.”


Madaxweyne ku xigeenkii hore oo ka hadlaya Aftida Koonfurta dalka Sudan, ayaa waxa uu yidhi “Shacbiga waxaan u soo jeedin lahaa qarrankeenani wali waa geedi waxaanan filayaa inaynu taaganahay meelihii u danbeeyay inaga iyo dalka Koonfurta Sudan qaddiyadeenu aadbay isugu eeg tahay, inaga  caqabada u weyn ee ina haysatay waxay ahayd Carabta, marka Somalida laga yimaado. Maanta carab baa kala go’aysa markaa qaddiyadeenu way soo dhawaatay.

Waxaan xusuustaa 1991-kii Madaxweynihii u horeysay Somaliland C/raxmaan Tuur waxa uu yidhi markii aynu goosaneynay maanta arrinkeenan aad go’aamiseen labaatan sano ayuu qaadanayaaye ma u adkeysaneysaan, waxaan leeyahay shacaboow labaatankii sannadood waa gebogebo, laakiin waxaan filayaa C/raxmaan  wuu ina tawafufee, laakiin tawaafufkii ILLAAHAY inaga soo gudbi labaatankii sannadood, waxa ka hadhsan waa bilo.

Waxaan leeyahay arrinkeenii waa dhaw yahay  laysku dulqaato oo ha la dhabar adaygo dawladana waxaan leeyahay dulqaad oo Dawladdi waa tii shicibkeeda u dulqaadata.”

 

Guddoomiye ku xigeenka Xisbiga UDUB  oo aanu wax ka waydiinay Siyaasada Arrimaah Dibeda ee dalka, waxa uu ku jawaabay “Horta dhamaanteen waxbaa inag dhaxeeya dawlad iyo xisbiba waxa inaga dhaxeeya ee inaga go’an waxa weeyaan inuu dalkeenu ictiraaf ka helo Beesha Caalamka, waxa jira waxyaabo aan gorgortan geli karin oo ah Nabadgelyada iyo asbaabaha aynu u mareyno ictiraaf raadinta,  waxa loo halgamayaa ee aynu dhamaanteen u xiiqsanahay waxa weeye inuu dalkani ictiraaf helo oo aynu Caalamka ka mid noqono, imika anagu waxaanu awooda saareynaa Koonfurta Sudan oo aanu u dirnay Wefti waxaanay ujeedadayadu tahay in qaddiyada Somaliland laga midho dhaliyo, imika qudheeda kamaanaanu caajisin sidii uu dalku ictiraaf  u heli lahaa, waayo ictiraafka inaga ayaa u baahan waa arrin qof walba oo reer Somaliland ah taabanayo.

Ninka maanta Wasiirka Khaarajiga ah waxaan qabaa in la kabo, anaguna waanu garab taganahay oo waanu la shaqeynaynaa, isaguna waa in aanu is ururin ee tallada adaa ku noole iyadu kuguma noola, hadaad tidhaahdo waa dawladii hore taasi waa inay meesha ka baxdaa waddanka waa la wada leeyahay, waxaana loo shaqeynayaa waa waddanka anagu dalka meel ayaanu soo gaadhsiinay, waxaana idinku waajib ah inaad noo mahad celisaan oo aad tidhaahdaan waad mahadsan tihiin.”


Mudane, Axmed Yuusuf Yaasiin waxa uu ku tilmaamay Diiwaan gelintii codbixiyeyaasha ee dalka ka qabsoontay, waxaanu yidhi “ Waxa jirta arrin aanay ummadeenu dareensaneyn oo ah diiwaangelintii dalka ka qabsoontay waxay ahayd mid khaldad ku jiro oo kuwii shaandheeyey ay yidhaahdeen dib loogu geli maayo, qoladii qiimeynaysay ee Mareykanka ahaana waxay yidhaahdeen dib loogu geli maayo, arrint maanta talaa waxa weeye in dib loogu noqdo (Sarver) diiwaangelintii oo halka hoose laga soo bilaabo ee qofka loo sameynayey ID-Card maanta ID-card-keenii waxa sita ummado kale.

Weli caalamka i arag qof sit toban ID-Card qalabkii l keenay wuu liitay oo wakaa maanta waxba soo saari waayey maanta ragbaa ku dooday in doorashada lagu galo, waxaanaanu soo saarnay war murtiyeed odhananaya waa arrin dhintay ee dib ha loogu noqdo, dhaqaale dibadna uma baahnin oo ninka goobta ID-Cardka ka qaadanayaa ha iska bixiyo tobanka kun oo ha noqoto Diwaangelin aynu inagu leenahay oo aynu xogteena haysano.

Waxaanu arrinkaa u gudbinay Golayaasha Qaranka, isla markaana Golayaash Qaranku u sameeyaan Guddi baadhitaan oo arrinkaa daba gal ku soo sameysa oo ka midho dhaliya waxa weeyaan maaha in ummadda wax xumaaday loo huuriyo ma fiicna, ummadan waxa ka wakiila Guurtida iyo Golah Wakiilada Xukumaduna siyaasadii fulinta ayay haysataa  arrinkaasi iyaga ayuu u yalaa waxa ay ka yeelayaan.”


Xigasho.Saxansaxo

 

0 comments:

Post a Comment