Wednesday, January 12, 2011

Kooxda Al-shabaab Oo Xadka Ka Talaabinaysa Xoolihii Iyo Dadkii Dhaqan Jiray Ee Ku Noolaa Miyiga Gobolada Jubooyinka Ee Somalia, Isbaarooyinka Dhigtay Ceelasha Iyo Waraha Xooluhu Ka Cabaan.

Barakacii ku habsaday dadka Somaalida ah ee ku noolaa magaalooyinka, waxa ku soo biiray barakac iyo cidhib-tir ku jahaysan xoolo dhaqatadii Somaaliyeed ee ku noolayd dhulka daaqa hodan-ka ku ah ee Miyaga. Xooluhu waa laf dhabarta dhaqaalaha ee Soomaalida, Degaanada Miyiga ee xoolaha lagu dhaqao, waxay ahaan jireen meel ka caagan dhaca, boob-ka iyo Isbaarooyinka siyaasadaysan…Tusaale Qabqablayaashii Manaxaanka ahaa ee muddada dheer ka talin jiray koonfur-ta Somalia waligood Xoolo nool may ka soo dhicin degaanada Miyiga ee xoolo-dhaqatada. Dhacan iyo boobkan ku habsaday xoolo dhaqatada Somaalida waa mid abaabulan oo ay Argagixisada Al-shabaab ku xaalufinayaan xoola dhaqatada, iyaga oo ku been abuuranaaya ZEKO ayaan u uruurinaynaa. Qaar kamid ah xoolo  dhaqatada gobalka Jubada Hoose ayaa sheegay in ay isu diyaarinayaan in ay ka talaabaan xadka dalka Kenya kaddb markii kooxda  Al-shabaab ay kala kulmeen dhac joogto ah oo ay ku hayaan xoolahooda. Mid ka mid ah Xoolalayda ayaa radio Muqdisho u sheegay in Argagixisada Al-shabaab si joogto ah u dhacayaan xoolahooda, wuxuuna tilmaamay in hadda wixii ka danbeeyey ay noqon doonto in la iska dhiciyo ama looga tago dalka guud ahaan inta iyagu ay ka talinayaan.

Sida uu sheegay Oday xoolo-dhaqato ah oo la yidhaahdo Xaaji Baafow ayaa ahayd…. Dhibaatooyinka na haysta waa iyada xoolahayaga la iska baadaayo haddii aan diidnana nala dilaayo iyo dadkii xoolaha la joogay oo duurka ama miyaga lagu weeraraayo ayuu yidhi Oday Baafow oo uu waramaaya warbaahinta guduha. Ceelsha iyo Waraha Xooluhu ka cabaan ee ku teedsan Deegaanada kala ah Buulo Xaaji, wadajir, Malkajiira, Kaamjiiroon iyo deegaano kale oo miyiga ah ayey Kooxda Al-shabaab dhigteen Isbaaro ay Xoolaha nool ku boobayaan. Nin isna la dhashay Oday Baafow oo laga dhacay 15 neef oo Geel ah ayaa yidhi Geelaygu wuxuu dhamaa 30 neef 15 ka mid ah ayey Al-shabaabtu ka xaysteen……15-kaa neef ma ZEKO aan hor ILaahay u bixiyeye-baa???. Adigu ka jawaab……dadkii duurka joogay iyo xoolahoodii ayaa loo soo dhigtay, hadda waxaan go’aansanay in aan is difaacno oo maalka iyo nafto meel, sidaas ayuu ku calaacal Dhaqane oo ah Baafow walaalkii. 
Maleeshiyaadka Argagixisada Al-shabaab ayaa lagu tilmaamaa mooryaantii ugu naxariista darayd ee soo marta koonfur-ta Somalia oo hoy u ah kooxo xalaashaday maalka iyo dhiiga dadka Islaamka ah, Al-shabaab waxay iminka oo lagu jiro Xili Abaar aha isku fidiyeen degaanada Miyiga, iyaga oo Xoolihii iyo Beerihii ay leeyihiin dadka shacabka ahi ka qaada Baad joogto oo ay ku mgacaabeen Zeko.

0 comments:

Post a Comment