Saturday, January 8, 2011

CAAFIMAADKA BINU-AADAMKA, GAAR AHAAN RAGA OO AAD U SII XUMAANAAYA, MAXAY TAHAY SABABTU?


 

Melbourne, Australia: (Burcotoday) Waxa run ahaantii caafimaadku yahay waxyaabaha qofka binu-aadamku ku faani karo, Waxa hadaba aduunyadan aynu ku nool nahay ka jira dad la itaal daran caafimaad daro, oo hadii ay maanta heli karaana ay wax kasta oo ay awoodaan ay siisan kari lahaayeen. Hadaba waxa jira ninka magaciisa la yidhaahdo Manual Uribe Garza, oo dhalasho ahaan ka soo jeeda dalka Mexico in uu qaaday koobka qofka aduunka ugu buuran oo runtii aan ahayn wax lagu faano, hadaba arintaas oo taagan ayaa waxa hadana dhacday in isla ninkani uu aroostay gabadh ay in mudo ah is jeclaayeen oo magaceeda la yidhaahdo Claudia Solis, oo iyaduna isla wadankaas Mexico ka soo jeeda. Walow aan qabo in aan loo baahnayn in aynu ku sii dheerano ama aynu is waydiino nolosha ay wadaagi doonan lamaanahan amaba aanay haboonayn in laysku wareeriyo ama lays waydiiyo oo la yidhaahdo, Waa maxay ninka caynkan ah ee hadana dumarka islaameed afka iskula galay. Waxaan hadaba filayaa waatii uu hore wariyaha caanka ah ee Ahmed Hassan cawke ugu soo qaatay barnaamijkiisa ka baxa Universal TV ee yidhi isagoo arintan mid la mid ah ka hadlaaya isla markaasna ku soo hal qabsaday odhaahdii ahayd "Nin tuur lihi tab uu u seexdo waa yaqaan".

Waxa hadaba jirta in run ahaantii caafimaadku yahay waxa keliya ee binu aadamku ku faano,
sababtoo ah caafimaad la´aan waxa hubaal ah in aanay nololi jiri karin. Bal hadaba aynu maanta qoraalkeenan aynu ku soo qaadano maqaalkan aynu ku lafo gurayno caafimaadka binu-aadamka. Waxa hadaba hubaal ah in maanta Somali ukala qaxday afarta beenu jaho, iyagoo nolol raadinaaya. Hadaba waxa jirtay in beri samaadkii ay caadiyan dhaqan iska ahayd in qofkii miisan culusi saaran yahay ama aad u buuran in loo yaqaanay in uu yahay qof ilaahay wax siiyey isla markaasna gaajo iyo baahi buur dheer ka fuulay. Dhanka kalana qofka dhuuban ama caatada ahna waxa aynu ka haysanay fikrad ah in uu yahay qof gaajo la luudaaya oo dabcan aan haysan wax u cuno, amaba mararka qaar lagu xanto in uu xanuun qabo iyo waxyaalo kale oo la mid ah. Waxaan hadaba anigu aan qabaa waxa eedan oo dhan iska leh maaha dadka ee waa baahida xad dhaafka ah ee xeryaha melateriga ka samaysatay guud ahaan qaarada Afrika.

Hadaba siday wax ka qoreen dhakhaatiirta dalka maraykanku waxay dhawaan sheegeen in tobankii sano ee ugu danbeeyey ay xad dhaaf noqotay miisanka dadka oo sii koraaya gaar ahaan xaga raga, taas oo ay ilaa hadana baadhitaan ku wadaan, Hadaba warbixin dhawaan lagu qoray joornaalka loo yaqaano "The Journal of the American medical Association" (JAMA) ee ka soo baxa dalkaasi maraykanka ayaa sheegay in dhibaatadani ugu wacan tahay in qofku uu gaadho heer isagoon aan baahi ama gaajo midna aan qabin in hadana jidhkiisu rabo oo uu ku qasbo in uu wax kale cuno, taas oo keliftay in ay cunaan macmacaan ciidaas ka badan, sida Chocolate-ka, Ice cream-ka, Junk Foods, sida McDonalds, KFC iyo Hungry Jacks, iyo dabcan wixii kale ee macmacaan ama cunto fud fudud ah ee la hal maala. Taasina ay dhaliso in qofka calooshu sii fido oo uu yeesho miisan aan la xadidi karin, taas oo sabab u noqon karta in uu xanuuno badan keeno, sida wadna xanuunka, iyo macaanka iyo xanuuno kale oo soo raaca. Hadaba sida uu joornaalku qoray dadkan la il daran buurnaanta waxay badankoodu ku nool yihiin qaarada yurub iyo Amerika.

Waxa hadaba jirta in maanta fikirkaas ah in lays naaxiyo aanu ka jirin aduunka intiisa kale oo qofkii karayaa iskaga cararo, laakin uu weli Afrika ku sii hadhay, Hadaba maanta aduunka intiisa kale waxa runtii ka jirta in laga faano ama laga cararo oo aad layskaga ilaaliyo in la naaxo, iyadoo aad looga cabsi qabo in uu caafimaad daro keeno, taasna in badan la arkay.  Hadaba waxa jirta in maanta meelo badan oo Afrika ka mid ah aad arkayso dad badan oo cunaaya raashin aan isku dheeli tirnayn, ama aad wax u cunaaya si ay u naaxaan, hadaba waxaad maanta wadankeena ku arkaysaa dad badan oo ku qadaynaaya raashin runtii aad u dufan badan isla markaasna aan samaynayn wax jimicsi ah (Exercise) oo uu iskaga saaro dufanka intaas leeg ee jidhkiisa ku maqan. Hadaba waxa ilaahay lagu mahadiyaa in maanta dadka wadankii joogaa ay yihiin dad wax kasta oo ay cunaan iskaga jira jimicsi rabaani ah oo intaas lugaynaaya, markaas waxaaba la odhan karaa iyagaaba ilaa hada u sii baahan dufan dheeraad ah, si jidhkoodu u helo aaladaha kala duwan ee qofka jdhkiisu u baahan yahay. Waxa dadka wadankii joogaa ay ku odhanayaan waxaanu nahay "caato caafimaad qabta"
 

Hadaba meesha dhibtu taala waa qurbaha oo runtii cunista raashinka dufanka leh aanu ka maqnayn isla markaasna aanad arkayn wax lugaynaaya ama jimcisi samaynaaya si uu iskaga ilaaliyo khatarta uu keeni karo raashinka uu cunay iyo baaxada dufanka uu wato ee jidhkiisa ku maqan, waa marka laga hadlaayo gaar ahaan Soomaalida ku dhaqan qurbaha, kaas oo dhliyey in cuduro badan laga qaado oo uu ugu horeeyo xanuunka loo yaqaano macaanka. Waxa qurbaha iska caadi noqday in la cuno wax kasta oo macaan leh, wax kasta oo dufan leh isla markaasna fadhi siyaado ah lagu sii darsaday, oo aad mararka qaar arkayso qof dukaanka deriskiisa ah, hadii dani ka soo gasho ilaa uu gaadhi u qaato aanu u lugayn karin. Waxa kale oo aad arkaysaa dad badan oo wakhti badan ku bixinaaya cunista jaadka taas oo ay ka dhigteen maalin walba, waxa kale oo jirta oo maanta aad yurub iyo Amerika aad ku arkaysaa dad badan oo gawaadhi wata ama tagsiilayaal ah oo gaadhigaas saaran mudo ka badan toban saacadood maalin kastaba.  Waxa hadaba yaab leh oo maanta yurub iyo Amerika ka furan intaas oo meelood oo jimicsi lagu sameeyo, laakiin nasiib daro arki maysid maanta cid tagta marka laga hadlaayo gaar ahaan dadka Soomaaliyeed ee qurbaha ku nool, rag iyo dumar isku soo wada duub. waxa xusid mudan in dad yar oo Soomaali ah oo fara ku tiris ah oo degan yurub iyo Amerika ay fursadahan jimicsiga ka faa"iidaystaan si ay wax uga qabtaan caafimaadkooda iyagoo iskaga baqaaya in ay aakhirataanka ku danbeeyaan sida sawirada kor ku xusan.

Hadaba siday doontaba ha ahaate, waxa filimo badan uu maraykanku ka sameeyey dhibaatada haysata dadka buur buuran waxaana ka mid ahaa filimkii caanka ahaa ee uu jilaayey aktarka caanka ah ee Eddy Murphy ee la odhan jiray "The Nutty Professor". walow Filimkani uu ahaa mid ay aad uga cadhoodeen isla markaasna ay ka dacwoodeen dadka buurbuuran ee u dhashay dalka maraykanka. Waxa kale oo xusid mudan in uu dalka maraykanka uu ka jiro urur u dooda xuquuqda dadka buur buuran ee maraykanka ah oo loo yaqaano "The American Fat People´s Association of America". (AFPAA)

Waxa hadaba  shabakada wararka ee caalamiga ah ee Hadhwanaagnews.com ay hore idiinku soo diyaarisay waxyaalo badan oo runtii aad idiin cajab geliyey, Bal hadaba waxaad maantana aad hoos ka daawataa Video ka war bixinaaya dhibaatada haysata dadka buur buuran ee aduunka ku nool iyo mid dadkaas buurbuuran ka mid ah oo aroos galay.
 
http://www.youtube.com/watch?v=pU_Rhw9BE44

http://health.ninemsn.com.au/menshealth/8192200/the-real-reasons-men-are-getting-fatter
 

0 comments:

Post a Comment