Sunday, January 16, 2011

Golahiisa Wasiirada ku sameeyey isku bedelid iyo Xil Qaadis.


PDF Print E-mail
Saturday, 15 January 2011
Madaxweyne Siilaanyo oo Maanta Golahiisa Wasiirada ku sameeyey isku bedelid iyo Xil Qaadis.
JAMHUURIYADDA                 SOMALILAND
   Republic of                         SOMALILAND
Xafiiska Af-hayeenka Madaxtooyada  JSL

Email:
: private) cukuse@hotmail.com This e-mail address is being protected from spam bots, you need JavaScript enabled to view it afhayeenka_jsl@yahoo.com This e-mail address is being protected from spam bots, you need JavaScript enabled to view it , afhayeenka@hotmail.com This e-mail address is being protected from spam bots, you need JavaScript enabled to view it ,(E-m
 Date: 15/01/2011
War-Saxaafadeed

Madaxweynaha JSL Mudane: AXMED MAXAMED MAXAMUUD (SIILAANYO)  Waxa uu maanta  Digreetooyin Madaxweyne Xilkii kaga  Qaaday laba Wasiir, sidoo kalena ku Magacaabay  laba Wasiir  oo Cusub,  Waxa kale oo uu Madaxweynuhu Wasaaradihi hore ee ay hayeen ka bedelay labada Wasiir ee Wasaaradaha ee Warfaafinta iyo Xanaanada Xoolaha oo uu u Magacaabay Wasaarado Cusub.

Madaweynaha JSL. Mudane Axmed Maxamed Maxamuud “Siilaanyo”

Markuu Arkay:                          Qodobka 90aad, faqradiisa (2)aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland,

Markuu Tixgeliyey:                    Ahmiyadda wayn ay Wasaaraduhu u leeyihiin Dalka iyo Dhismaha Qaranka,
Markuu Arkay:                          In baahi loo qabo buuxinta jagooyinkan hoos ku xusan,

Markuu Ka Fiirsaday:                 Kartidooda, aqoontooda iyo hufnaantooda shaqo,

Markuu ku Qancay:                   In ay hanan karaan xilalka loo magacaabay.

Wuxuu go’aansaday


1.        In Mudane, Axmed Cabdi Xaabsade, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta iyo Wacyigelinta ee JSL.

2.      In Mudane, Dr. Cabdi Aw Daahir Cali, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, Deegaanka iyo Horumarinta Reer Miyiga ee JSL.

3.      In Dr. Axmed Xaashi Oday,oo hore u ahaa Wasiirka Wasaarada Xanaanada Xoolaha, Deegaanka iyo horu-marinta Reer Miyiga laga Bilaabo Maanta uu  ahaado Wasiirka Wasaaradda Boosaha iyo Isgaadhsiinta JSL.

4.      In Mudane, Cabdilaahi Jaamac Cismaan (Geel-Jirre), oo hore u ahaa Wasiirka Wasaarada  Warfaafinta iyo Wacyi-gelinta laga bilaabo maanta uu ahaado  Wasiirka Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda JSL.

Madaxwweynaha JSL isagoo uga Mahad celiyey Mudadii ay Xilka soo hayeen  waxa uu Xilkii Wasiir-nimo ka Qaaday isla  markaana Faray in ay Wasiirada Cusub ku wareejiyan Xilkii Wasaaradaha ee ay hayeen.

 Wasiirkii Wasaarada  Kalluumaysiga iyo Khayraadka  Badda
         Dr. Maxamed Yaasiin Xasan


 Wasiirkii  Boosaha iyo isgaadhsiinta
       Cabdirisaaq Ibraahim Maxamed







ALLAA                         MAHAD                             LEH

Cabdillaahi Maxamed Daahir  ( Cukuse )
    Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.

0 comments:

Post a Comment