Monday, January 17, 2011

Mudaharaadyo Ka Billaabmay Dalka Yaman oo lagu Dalbanayo Inuu Madax Weyne Cali Saalax Xukunka ka Deggo Kadib Markii Shacabku Riday Madax Weynihii Tunisia Bin Cali

SANCA(BCT)- Kadib markii shacabka Reer Tunisiya ay ku rideen madax weynahoodii mudaharaadyo ayaa sidoo kalle shacabka Dalka Yaman ay billaabeen Mudaharaadyo ay ku dalbanayaan in madax weyne Cali Cabdalla Saalax uu xukunka ka deggo, Mudahaeaadka maanta ka dhacay dalöka yaman ayaa waxaa sameynayey Ardeyda Jaamacadaha iyo Aqoonyahano dalkaa u dhashay iyo hay,adaha xuquuqda u dooda iyo walliba Ragb baarlamaanka dalka Yaman ka tirsan,



Dadka mudaharaadkan ka qeyb qaadanayey ayaa socodkooda ka billaabay jaamacada magaalada Sanca iyagoo ku tegey safaaradda Tunisiya ay ku leedahay dalka yaman, dadkan ayaa ku dhawaaqayey hadallo ay ku taageersan yihiin gadoodkii shacabka Tunisiya ay ku Rideen madax weynahoodii iyo iyagoo dalbanayey in madax weynaha dalka yaman uu isaguna xukunka ka deggo inta dalka yamana aanay ka billaabman kacdoonkii lagu ridey madax weynihii Tunisiya Zaen El Caabidiin Bin Cali,


Shacabka Yaman ee maanta mudaharaadyada sameynayey ayaa fariin u diray madaxda dalalka carabta oo ay ku tilmaameen inay yihiin Kalli-taliyayaal iyagoo ka dalbaday inay xukunka isaga degaan, dadka mudaharaadayey ayaa fariinta ay madaxda carabta u dirayeen ay ahayd inay iska tagaan inta aan la Eryin, Mudaharaadayaashaa ayaa oo buux dhaafiyey wadooyinka ayaa gudoonsiiyey warqad safaarada dalka Tunisiya ee Sanca Iyadoo booliska dalka yaman ay si xoog ah u illaalinayeen dadkaa iyo gfuud ahaan amaanka dalka,



Madax weynaha dalka yaman cali cabdalla Saalax oo xukumayey dalka yaman  Illaa 17/06/1978 oo ah muddo 30 sanadood ah ayaa dedaal weyn ugu jirra sidii uu u ahaan lahaa madax weynaha dalkaa inta uu nool yahayba iyadoo baarlamaanka dalaaksi ay soo hor dhigeen mooshin arintaa lagu hir galinayo laakiin ay mucaaradku gaashaanka ku dhufteen, mudooyinkii ugu danbeeyey ayaa dalkaa yaman waxaa kaga kacsanaayeen dowlada mucaarad badan oo qaarkood la galeen dagaallo xukuumada yaman,

  

0 comments:

Post a Comment