Saturday, January 29, 2011

“Aan Fool-Xumadee Waxaan Doonayaa Inaan Noqdo Hoobiyeyaasha Aad Sidatid…Madaxweynahana Waxaan Leeyahay Yaanad Gaadhi Raacin Sidii Odaygiiy Tunis… Idinkuna Hanagu Qarxina” Abwaan Gaariye

Hargeysa(BCT)- Abwaanka weyn ee caanka ah Maxamed Xaashi Dhamac (Gaariye), ayaa ugu baaqay Xukuumada, Ganacsatada iyo Shirkadaha gaarka loo leeyahay in ay shaqo u abuuraan Dhalinyarada tirada badan ee ka soo qalin jabinaya Jaamacadaha dalka si aanay Mushkilad iyo dhibaato dalka ugu horseedin.

 

Maxamed Xaashi Dhamac (Gaariye), waxa uu si mug leh uga waramay xaalada shaqo la’aaneed ee dalka ka taagan isaga oo hoosta ka xariirqay in looga baahan yahay Shirkadaha gaarka loo leeyahay iyo Ganacsatada in aanay dadka ku shaqaaleysiin Ehelnimo balse ay u eegaan Aqoontooda oo ay ku shaqo geliyaan.


Abwaan Gaariye oo xalay ka hadlayey munaasibad loo sameeyey Arday dhamaysatay Mashruuca barnaamujka Shaqo doonka ee Jaamacada Hargeysa oo lagu qabtay Hotel Maansoor, ayaa waxa kale oo uu kaga hadlay in dhibaatooyinka ka taagan Tunisa iyo Masar aya ka dhasheen shaqo la’aan ka jirta.


Ugu horeyn isaga oo munaasibadaasi ka hadlaya waxa uu yidhi Abwaan Gaariye “Aniga Farxad weyn ayey ii tahay oo meesha Ardeydaydiibaa  ayaa ku badan mar kasta oo aan ka soo qayb galo meesha ay Samsam ka talinayso Sankaan yar taagaa, waayo Samsam (Wasiirka waxbarashada) waa Ardeyadaydii idinka horeysay, waana ILAAHAY mahadii in maanta ILAAHAY i joojiyo meel iyadu ka talinayso, waxa la yidhaahdaa Waalidka oo keliya ayaa ogol in la dhaafo, marka la yidhaahdo inankaagii cirka ayuu marayaa farxad uun baad ka sii qaadaa, balse Walaalkaa waxba kuuma ogola oo wuu kula tartamayaa. Waxa Aniga ii sharaf ah inay maanta Madax ii tahay, idinkana waxaan ILAAHAY idiinka baryayaa inuu igu kiin simo idinka oo madax ah”.


“Dawladdu intay qaban karto waa wax yar, Wasiirka Shaqada ee Ilhaan markaynu la hadlayno halkay ololaha ka gelayso Wasiir uun maahee oo Wasaaraduhu waa wax kooban hawlaheeduna way kooban yihiin, waxaan leeyahay yara talaw oo qolada Telesomada iyo Dahabshiilada u talaw oo hawshaadu way balaadhan tahay oo shaqada iyo Bulshadu way isku xidhan yihiin, Wasiiraduun kuumaanu dirine adiga oo isticmaalaya kartidaada Aniguna aan iska fool-xumaadee qof baan ahaye waxaan kuu balan qaadayaa inaan kuu raaci doono markaad u talaabayso qolooyinkaa oo Hoobiyeyaasha aad sidato aan ka mid noqonayo ee kula jiidhaysa Nimankaas.”

 

waxa kale oo uu Abwaan gaariye intaas ku daray “Nimankaa ganacsatada ah ee faraha badan ee Nin walba qortay Inaadeerkii Telesom iyo Dahabshiil waan ka reebayaaye, sababta oo ah iyagu way dedaaleen, waxa se jira qaar kale oo fara badan oo Nin walba qortay Inaadeerkii oo waxaad odhan hadaad Ninka Inaadeerkaa ah qoratay dadka kale maxaad ugu talo gashay, waxaanan leeyahay Wasaaradda Waxbarashada ee Wasiir Samsam inagala joogto waxa u sharaf ah inay sanad walba intaa in le’eg wareejiso, fadlan Dhalinyarada waxa loo raadinayaa ayaanay ku koobnaanin Shaqo, waxaan leeyahay halagu daro Scolar Ship, waxaan leeyahay ha la sii kordhiyo Tacliintooda, Shaqo doon dad badan ayaa ku hawlan, balse anigu waxaan ka tirsanahay, oo waxa la I yidhi Maalinta Hoobiye loo baahan yahay ayaa lagu soo jiidanayaa, diyaar waxaan u ahay ilaa iyo Madaxweynaha ilaa iyo Dawladda iyo ilaa iyo Ganacsadata in aynu la hadalano, haddii aynaan Caruurteena Dhiirigelin oo aynan riixin oo aynaan taagteen wax ugu qaban, waxa inagu abuurmaya Dad inagu qarxa”.


Abaan Maxamed Xaashi Dhamac (Gaariye), waxa uu sheegay in shaqo la’aanta baahsan ee ka jirta Caalamka ay sababtay in hogaamiyeyaal Carab ah awooda shacabkoodu ka tuureen halka qaar kalena ay ka socdaan Mudaharaadyo lagaga soo hor jeedo Shaqo la’aanta.

“Ninkii Xusni Mubaarig waxa haysta waad ogthiin, Ninkii Tunisiya waxa helay waad ogtihiin, Axmed Sillaanyo-na waxaanu leenahay yaanad Gaadhi raacin sidii Odeygiiye, hawl badan ayaa jirta Ciidan aad iyo aad u fara badan ayaa halkaas inagaga soo socda, Ninkii Xusni Mubaarig ayaa Maanta I qariya leh, wax dhaliil ah oo aan dawladda ku dhaliilo ma hayo oo waxaan ogey Taagteeda,  balse haddii aan la iska meelayn waxa soo baxaya oo aan la barbar wadin sidii loo meelayn lahaa, waa Mushaakilad, waxaan leeyahay waar waanigii idin hadlaye ha nagu qarxina”. Sidaa ayuu yidhi Abwaan Gaariye.

0 comments:

Post a Comment