Wednesday, January 26, 2011

Wasiirka Xanaanda Xoolaha Somaliland Oo ka Hadlay Laba Markab oo Xoolo Siday Oo Laga Soo Celiyay Wadanka Sucuudiga

Hargeysa (BCT)- Wasiirka Wasaarada Xanaanada Xoolaha iyo Deegaanka Dr. Cabdi Aw Daahir Cali, ayaa sheegay  inay ku hawlan yihiin sidii ay xal uga gaadhi lahaayeen laba markab oo xoolo ka qaaday dekada Berbera oo laga soo celiyay dalka Sucuudiga, ka dib markii lagu soo celiyay xanuunka Cabeebka oo aan hore ugu jirin shuruudihii dhoofka xoolaha.


Waxanuu Wasiirka Xanaanada Xoolaha sidaa ku sheegay mar uu  maanta u waramayay Laanta Af soomaaliga ee Idaacada VOA-da, isaga oo arintaa faah faahin ka bixinayana waxa uu yidhi  “Horta waa run  oo laba Markab waa la soo celiyay oo labaduba adhi siday oo mid waxa saarnaa 7 kun halka ka kalena uu siday 5 kun oo neef, waxa lagu soo celiyay xoolahan xanuunka la yidhaahdo Cabeeb markii hore xanuunkaasi kumuu jirin shuruudihii Sucuudiga. Ilaa hadda waanu ku dabo jirnaa sidii arrintaasi xal loogu heli lahaa.”


Wasiirka  wuxuu sheegay inaanay haynin war la xidhiidha in Sucuuudigu joojiyay dhoofkii xoolaha, waxaanu yidhi   “Xukuumadda, Ganacsatadeena iyo Ganacsatada Carbeedba iyagoo midaysan ayay ka shaqeeyeen sidii Xoolaheenu ay u gaadhi lahaayeen dalka Sucuudiga, way jiraan duruufo adag oo ay waayuhu keeneen waxaanu raadin doonaa  sida ugu dhakhsaha badan xalkii arrintaasi, ma hayno war la xidhiidha in Sucuudigu uu joojiyay Xoolihii loo iib geyn jiray, waxase aanu haynaa in labadaasi markab ee inaga la inagu soo celiyay hase iyo Markab laga soo celiyay Suudaan.”


Dhinaca kale, siday faafisay idaacada VOA-du Ganacsade  Cabdi  Weli Budh yare oo ka mid ah ganacsatada xoolaha  ayaa ka hadlay labadan markab ee la soo celiyay waxaanu yidhi  “Waxa la soo celiyay laba Markab oo mid waxa la yidhaahdaa Malik 1 ka kalena waxa la yidhaahdaa Biter. Markabka hore xoolihiisii dekada Berbera ayaa laga soo dejiyay habeen hore kii  Ilaa 7 kun iyo dheeraad ayuu siday. ka kalena caawa ayuu soo gelayaa dekada Berbera sida lanoo sheegay waxaanu siday shan kun iyo dheeraad. Xoolahan laga soo celiyay dekada Berbera waxa hore loo baadhis caafimaad loo mariyay maxjarka caafimaadinta xoolaha ee Al-Jaabiri. Illaa imika ma cadda sababta loo soo celiyay xanuuno aan hore loo aqoon oo aan la baadhi  jirin ayaa la sheegayaa.”


Waxa kale oo uu Md. CabdiWali intaas ku daray “Shaki badan ayaa ku jira soo celinta xoolaha oo ay Ganacsatadu ka qabaan, dawlad waliba waxay leedahay qaab ay  xoolaha u baadhaan, qaabkii Sucuudigu xoolaha u baadhi jiray waanu marinay arrintani waa wax cusub oo ay imika la yimaadeen, waxa kale oo shakiga keenay in xoolahan ay wada leeyihiin dad Soomaaliya,”ayuu yidhi Ganacsadahaasi

0 comments:

Post a Comment