Monday, January 17, 2011

Puntland Oo Ku Dhawaaqday In Ay Xadhiga U Jartay Xidhiidhkii Ay La Lahayd Dawlada Fadaraalka Ku Meel-gaadhka Ah Ee Somalila

Garowe (BCT)- Kulan ay maanta yeesheen golaha wasiiradda maamul goboleedka Puntland ayaa waxa lagu sheegay in lagu Go’aamiyey in gebi ahaanba ay dawladda Puntland joojisay xidhiidhkii  ay la lahayd dawladda KMG ah ee Soomaaliya.


kulanka maanta ay yeesheen Golaha Wasiirada Maamul Goboleedka Puntland ayaa waxa uu ka qabsoomay xarunta Madaxtooyada ee magaalada Garoowe, waxa ka qayb galay dhamaan xunbaha halahaasi, kulnka maanta ayaa waxa ay wararku tibaaxayaan in uu shir gudoominayey Madaxweynaha Puntland Cabdiraxmaan Sheekh Maxmed (Faroole), waxa kulankaasi maanta ka soo baxay Go’aamo.


Wasiirka qorshaynta iyo xidhiidhka caalamiga ee Puntland Md. Daa’uud Maxamed Cumar oo warsaxaafadeed ka soo baxay kulanka golaha wasiiradda ka hor akhriyay saxaafadda ayaa sheegay in maamulka Puntland uu xidhiidhka u jaray dawladda Soomaaliya tan iyo inta laga helayo dawlad federal ah.

Wasiirka qorshaynta xiriirka caalamiga, waxa uu warsaxaafadeedka ku sheegay in Beesha Caalamka ay u soo jeedinayaan inaysan u aqoonsan TFG ah mid wakiil ka ah maamul goboleedka Puntland, isagoo ka codsaday xafiiska Qaramada Midoobay ee siyaasadda Soomaaliya (UNPOS) inay dib uga fiirsato mowqifkeeda iyo taageerada ay siiso dawladda Kumeel gaadhka ah ee Soomaaliya.


Wasiirka ayaa sidoo kale warsaxaafadeedk  ku sheegay inay soo dhoweynayaan siyaasadda ay soo bandhigtay dawladda Maraykanka ee lagu taageerayo maamul goboleedyada ka dhisan Soomaaliya, isagoo sidoo kalana sheegay in Puntland ay diyaar u tahay fidinta gogol dib u heshiisiineed.


Ugu danbeyntii waxaa warsaxaafadeedka lagu sheegay in Puntland ay ka soo horjeedo in dawladda Ku meel Gaadka ah  loo kordhiyo waqtiga, iyadoo dhanka kalana sheegtay inay doonayso inay si gaar ah ula macaamisho Beesha Caalamka iyo ururada sida IGAD, Midowga Afrika, Jaamacadda Carabta iyo Midowga Yurub iyo dhamaan deeq-bixiyeyaasha.


Go’aankan ka soo baxay maamul goboleedka Puntland ee xidhiidhka ay uga jaratay dawladda Soomaaliya ayaa ka dambeeya safar uu maanta ka baaqday madaxweynaha Puntland oo uu ku aadi lahaa dalka Jabuuti si uu uga qeyb galo shir ballaaran oo ka dhici doona Jabuuti kaasoo lagu casumay madaxweynaha dawladda Ku meelgaadh ka ah ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

0 comments:

Post a Comment