Monday, January 17, 2011

Barnaamijkii Xayawaanka Iyo Duurjoogta.

China(Burcotoday) Barnaamijka Xayawaanka iyo Duurjoogta ee todobaadkan waxaan ku soo qaadaneynaa Quruxda Bisadaha(Mukulaal) iyo Dacawada Yurub joogta Haddaba akhriste sida lawada ogyahay Bisada ayaa ah xayawaan hadyo goor dadku u adeegsadaan rabaayad ahaan iyagoo u jeedooyin kala duwan u adeegsada oo ay kamid tahay in dadka ay ka dhigtaan wehel gaar ahaan bulshooyinka reer Galbeedku ayaa u isticmaala sida ubadka oo kale iyagoo korsada lagana yaabo iney uga dhintaan hantida ay dhaqanayeen intii ay noolaayeen iyagoo uu micnahoodu yahay in xayawankaas ay korsadeen ay uga dhigantahay xagooda sida ubad ay dhaleen oo kale .

Sikastaba ha ahaatee waxa uu xayawankaas loo korsanaayo ubadka oo kale ay ku leeyihiin xuquuqda uu ilmuhu ku leeyahay waalidkiis oo dhan ,waa in sida ubadka oo kale loo xanaaneeya ,haddaba sida aad ku arki doontaan sawirada waxa aan idiin soo qaadeyna dhowr sawir oo ah sida loo korsado mukulaasha ama Bisada kunuul wadamada horu marey taas oo ku tuseysa quruxda Bisada marka si fiican loo xanaaneeyo.

Tani waxay ina tuseysa in laga faa’ideysankaro xayawaanada aynu cadowga u aragno iyadoo la rabaayadeysan karo oo lala saaxiibi karo.Wadamada qaarkood ayaa ugaadha duurjoogta ah u adeegsada sida ciidamada militaryga oo kale amaba sida ay saxaafaduhu dhawaan faafiyeen in loo adeegsado hawlo Basaasnimo iyadoo loo tilmaami karo baltilmaameed cayimana si ay u soo uruuriso macluumaadka loo direy ,hadda Duurjoogta ayaa ah xayawaan leh caqli iyo garaad taas oo laga faaideysan karo caqligoda iyo garaadkooda,halka dadka bini’aadamka ahi ee ilaahey siiyey garaadka iyo cagligu ay dayaceen maskaxdii iyo xoogoodina ku lumiya fadhi iyo waxan faa’ido ugu jirin.
Gebagabadii Barnaamijkan ayaa xambaarsan in ugaadha laga faa’ideysto oo loo isticmaalo in la rabaayadeyso oo aan loo arag xaywaan uu ilaahey iska abuure ee waa in laga faa’ideysto garaadkooda iyo xoogoodaba.




0 comments:

Post a Comment