Saturday, January 15, 2011

War DegDeg Ah: Madax Weynihii Dalka Tunisia Zeinadiin Caabidiin Bin Cali oo Ka Cararay Dalkaa & Reysal Wasaarihii oo La Wareegay Xukunkii Dalka Tunisia

TUNISIA(Burcotoday)- Madax weynihii dalka Tuuniisiya Zeinadin Caabidiin Bin Cali  ayaa ka baxay dalkaa isagoo u baqoolay dhinaca dalka Faransiiska, Madaxweynaha ayaa la sheegay inuu si kedis ah diyaarad uga raacay caasimada dalkaa ee Tunis iyadoo Reysal wasaarihii dalkaa Tunisiya Maxamed Ganuushi uu si ku meel gaadh ah ulla wareegay tallada dalkaa,


Booliska faransiiska ayaa u sheegay saxaafada in lagu amray inay ku sugaan madax weynaha oo kasoo degi doona garoon diyaaradeed oo u dhow caasimada Faransiiska Ee Paris,

Reysal Wasaaraha dalka Tunisiya oo isagu iminka la wareegay xukunka dalkaa ayaa galabta isagoo ka hadlaya Telefishinka dalka Tunisiya sheegay inuu la wareegay xukunkii dalkaa isla markaana uu illalin doono qaanuunka iyo in wadankaasi amaankiisii ku soo noqdo,


Maxamed Ganuushi ayaa sheegay inuu sameyn doono isbedello waaweyn oo ah dhinacyada Siyaasada iyo dhaqaalaha, Wararka caawa fiidkii kasoo baxay dalkaa Tunisiya ayaa sheegay in madax weyne Bin Cali uu dalkaa isaga cararay isla markaana uu xukunkii ku wareejiyey ciidamada qalabka sida iyadoo aan illaa iminka la hubin sida ay ku danbeyn doonto xaalada dalkaasi,



Dalka Tunisiya ayaa waxaa kasocday ayaamihii lasoo dhaafay kacdoono iyo mudaharaadyo ay sameynayeen shacabka dalkaa Tunisiya iyagoo dadkaasi ka cabanayey xaaladda nololeed ee ay ku jiraan iyo dhaqaalaha dalkaa oo aad u liita & xukuumada oo aan sameyn wax xal ah

Mudaharaadyadan ayaa waxaa ka dhashay iska hor imaad xooggan oo dhex maray Booliska iyo shacabka iyadoo ay ku dhinteen dad kor u dhaafaya 20 qof oo boolisku rasaas ku furray,

Rabshadaha ka socday dalka Tunisiya oo ayaamihii lasoo dhaafay beesha caalamku indha ku haysay waxa ay ku danbeyn-doonto ayaa waxaa maanta oo jimce ah ka dhacay mudaharaadkii ugu weynaa oo ay ku hor sameeyeen shacabka Tuuniisiya wasaarada arimaha dibada iyadoo arintaasi soo dhaweysay in madax weynuhu ka baxo dalka,

Warar goor dhaweyd kasoo baxay dalka Tunisia ayaa iyaguna sheegay in la xidhay dad ka tirsan qoyskii madax weyne Bin Cali ee dalkaa xukumayey. iyadoo aanuu warku sheegin sababihii loo xidhay 





Barkhad Cabdillaahi Maxamed
Oodweynenews.com / SWEDEN
Barkhad5@hotmail.com

0 comments:

Post a Comment