Wednesday, January 12, 2011

Bandhig Ballaadhan Oo Lagu Daah-furayay Diwaan-maanseedka Salaan Carrabey Ee Toloow Colka Jooja Oo Hargeysa Lagu Qabtay + SAWIRO

Hargeysa (OWN)- Bandhig ballaadhan oo lagu gardaadinayay diiwaan-maanseedka uu qoray Yuusuf Cismaan Cabdille “Shaacir” ee uu ku uruuriyey qaybo badan oo ka mid ah gabayadii iyo geeraarradii Abwaankii weynaa ee Salaan Maxamed Xirsi “Salaan Carrabey”, ayaa xala lagu qabtay xarunta Jaamacada Hargeysa.

Bandhigaas oo ahaa mid si weyn loo soo agaasimay, ayaa waxa ka soo qayb-galay Gudoomiyaha Jaamacada Hargeysa Muuse Cadbi Cilmi, Awbaan Maxamed Xaashi Dhamac [Gaariye], Awbaan Cabdiraxmaan Caaro-dhuub, qoraayaasha kala ah Boobe Yuusuf Ducaale iyo Cabdalla Xaaji Cusmaan Ceeleeye, martisharaf iyo arday aad u tiro badan oo ka mid ah Jaamacada Hargeysa.

Guddoomiyaha Jaamacada Hargeysa Muuse Cadbi Cilmi oo halkaa ka hadlay, ayaa si weyn ugu bogaadiyey qoraaga buugga Toloow colka jooja Yuusuf Shaacir dadaalkii wax-ku-oolka ahaa ee uu u galay uruurinta iyo isku dubbaridka diwaan-maanseedka Salaan Carrabey, oo uu ku tilmaamay buug aad u qiimo badan isla markaana xambaarsan sugaan aad u fac-weyn.

“Jaamacad ahaan waxa aanu mar kale qaban doonaa tartankii suugaanta, si da’yartu ugu dhiirato inay hal-abuurnimadooda horumariyaan.” Ayuu ydihi Muuse Cadbi Cilmi, oo intaa raaciyey”Buuggaagta la qorayo haddii aan la iibsan wax qiimo ah yeelan maayaan ee buugaagta ha la iibsado.”

Abwaan Maxamed Xaashi Dhamac [Gaariye] oo isna madashaas hadal dhinac kala duwan taabanaya ka jeediyey, ayaa si weyn su soo dhaweeyey diwaan-maanseedka Salaan Carrabey, isla markaana qoraaga buugga uga mahadceliyey tacabka wax tarka leh ee uu u huray qorista buugga.

Awbaanku waxa uu ku booriyey da’yarta iyo dadka kaleba in la iibsado buugaagta ay qoraayaashu qoraan, si ay ugu dhiiradaan inay waxa badan qoraan, isla markaana waxa uu si gaar ah u xusay in xilligan lagu jiro uu qofku fursad u helayo waxa uu doono inuu qori karayo, balse xilligoodii aanay haysan jirin oo ay si weyn loo caabudhin jiray.

Waxa kale uu ku booriyey da’yarta inay baadhitaan xoogan ku sameeyaan dadka la dhimanaya sugaanta iyo xigmada ay ummadu u baahan ahay. “Waxa aan idin leeyahay maalinta oday amma islaani dhintaan makbad dhan oo xikmad iyo dhaqan ah ayaa duntay. Waxa aan idin leeyahay bal haddii aydaan wax kale qaban karayn inta aad wax isu tihiin ee dhimaysa waxa ka qora oo wax ka reeba. Waxa kale oo aan leeyahay wixii la qoraa, quruuma hadhee, muxuu hadal qiimo leeyahay.”

Waxa isaguna halkaa ka hadlay qoraaga Boobe Yuusuf Ducaale, oo uu aad ugu dheeraaday qiimaha weyn ee ku duugan diwaan-maanseedka Salaan Carrabey, isaga Yuusuf Shaacir ku ammaanay dadaalka xil-kasnimadu ku dheehan tahay ee uu u galay uruurinta iyo qorista diwaanka salaan Carrabey. “Caawa waxa aynu halkan u fadhinaa gardaadinta amma daah-furka diwaan-maanseedka Salaan Carrbey.” Ayuu yidhi Boobe.

Waxaana uu intaa raaciyey oo uu yidhi “Dhibta qoraalka haysataa waxa ay tahay, haddii aad buug qorto daabacadba heli maysid, haddii aad hesho oo aad soo daabacdo, cid kaa iibsataba heli maysid.”

Boobe waxa ay mahadcelin ballaadhan u jeediyey qoraaga reer Somaliland ee Jaamac Muuse Jaamc, oo uu xusay inuu daabacaadda iyo suuqgeynta buugan uu u hawlgalay, isla markaana waxa uu tilmaamay inuu ku ammaanan yahay daabacaada buugaagta.

Cabdallada Xaaji Cusmaan Ceeleeye oo ka mid masuuliyiinta Telefishanka Jabuuti ahna qoraa ku xeel-dheer arrimaha suugaanta oo isna halkaa ka hadlay, ayaa yidhi “Buugga magaca loo bixiyey ee Toloow colka jooja, waxa ay ina tusaysaa in Abwaanka laga qoray uu ahaa abwaan nabadeed. Salaan Carrabey waxa uu ka mid ahaa gabayaashii ugu fiicnaa gabayaashii hore ee soomaaliyeed.”

Waxa kale oo Cabdalla Xaaji sheegay in qoraaga buuggu ku mahadsan yahay dadaalkiisa la xidhiidha soo uruurinta gabayadii Salaan Carrabey oo muddo aad u dheeri ka soo wareegtay, isla markaana waxa uu da’yarta ku adkeeyey inay nabadgelyada ilaaliyaan.

Ugu dambayntii qoraaga buugga Toloow colka jooja Yuusuf Cismaan Cabdille, oo halkaa ka hadlay ayaa aad ugu dheeraaday maraaxilkii uu la soo maray qorista buugga, “Muddo 20 sano ka badan ayaan ku guda jiray qorista buuga. 13 sano oo ka mid ahi waxa ay igaga baxeen nin keliya oo aan intaa raadinayay oo hayay gabayadii Salaan oo qoraal ah, laakiin ninkaas waxba maan ka helin oo xitaa Hadraawi oo aan u diray wuu diiday, oo sidii ayuu kula dhintay.” Ayuu yidhi Yuusuf Shaacir.

Waxaana uu intaa caariyey oo uu yidhi “Ilaahay naxariistii janno ha ka waraabiyee Salaan Maxamed Xirsi ‘Carrabey’, waxa uu dhashay xilli ku beegan  1850-kii. Waxaana uu ku dhashay deegaanka Beer oo 30 Km dhiba bari ka xigta magaalada Burco. Waxaana uu dhintay sannadkii 1943.”

Yuusuf Shaacir waxa uu halkaa ka akhriyey qaybo badan oo ka mid ah gabayada ku qoraan buugga, isaga oo sharraxaadna ka bixinayey gabay kastaa sidii uu ku soo baxay iyo ujeedadii uu ka lahaa.  

 

   


XIgasho Oodweynenews

0 comments:

Post a Comment