Sunday, January 9, 2011

Madax Weyne Bashiir oo Sheegay In Laga Yaabo Koonfurta & Waqooyiga Sudan Inay Midoobaan Kalla Go,a Ka Dib oo Ay Sameystaan Itixaadka Reer Yurub oo Kalle

KHARDOUM(BCT)- Iyadoo Maanta loo dareeray aftidii Aayo ka tashiga ee shacabka koonfurta dalka Sudan ayaa Madax weyne Cumar Al-Bashiir oo u waramayey Telefishinka Al-Jaziira uu sheegay inay suuro gal tahay inay dib u midoobaan koonfurta iyo waqooyiga dalka Sudan Hadii maanta oo axad ah ay go,aansadaan shacabka Koonfurtu inay ka go,aan dalka Sudan,



Madax weyne Bashiir ayaa sheegay in dadka Reer Koonfurta ah ee degen ama ku nool dhinaca waqooyiga ee ay ka go,ayaan inay helli doonaan xuquuq la midda ta dadka Reer Sudan ee waqooyiga dalka, Bashiir ayaa intaa ku daray inay Reer Koonfurku marka ay go,aan ay ka helli doonaan dalka Sudan Ciqamado iyo Shaqooyin, Bashiir ayaa sheegay in aanay suuro gal ahayn in dadka Reer Koonfurka ah hadii ay go,aan ay wadda haystaan labada dhalasho ee Sudan iyo Koonfurta go,aysa,



Madax weyne Bashiir ayaa sheegay in iminka aanuu ka hadlayn inay sameysan doonaan difaac ama ciidamo ay ku midoobaan labada dal, laakiin laga yaabo inay ka wadda hadlaan arimo badan oo dan u ah labada dal oo ay kamid yihiin dhinacyada Dhaqaalaha iyo Amaanka & Siyaasada, Bashiir ayaa sheegay inay isku dayi doonaan inay sameeyaan midow la mida ka Reer Yurub oo kalle oo iyagoo laba dowladood kalla ah ahadana ay dhex maraan arimo badan oo ay ku midoobaan,



Mas,uuliyiinta labada dhinac ee waqooyiga iyo koonfurta ee kalla go,aya ayaa la sheegay inay iminka u socdaan wadda hadallo ku saabsan sidii ay u qeybsan lahaayeen Naftada dalkaa iyo waliba Amaahi-hii ama deyntii lagu lahaa dalka Sudan,



0 comments:

Post a Comment