Thursday, January 27, 2011

Nelson Mandela oo Isbitaalka la Dhigay Kadib Markii Xanuun Ku Soo Boodey & Mas,uuliyiinta Dalkaa oo Shacabka Ka Dalbaday Inay Is Dejiyaan Iyagoo Saxaafadana u Sheegey In Aaanay Buun-Buunin

JOHANNESBURG(BCT)- Madax weynihii hore ee dalka South Africa Nelson Mandela ayaa isbitaalka la dhigay kadib markii xanuun ku yimi. Mandela oo 92 jir ah ayaa Jackson Mtheinbo Enioz oo af-hayeen u ah hay,ada The Mandela Foundation uu sheegay in hogaamiyahaa oo lagu tilmaamo inuu yahay ninka ugu qaalisan aduunka in la dhigay isbitlaaka,


Mr: Enioz ayaa ka dalbaday shacabka dalka Koonfur Africa inay is dejiyaan isla markaana aanay arin weyn u qaadan sidoo kalle waxa uu ka dalbaday saxaafada in aanay buun buunin dadkana aanay khal khal ku ridin, Mr. Enioz ayaa cadeeyey in Mandela uu la kulmay xanuun isla markaana baadhitaan loogu sameynayo isagoon si cad shaaca uga qaadin xanuunka la soo dersay Nelson Mandela,


Jariirada Star newspaper ayaa iyaduna sheegtay in Dr:  Zelda la Grange oo ku takhasusay xanuunada sanbabka inuu ku mashquulsan yahay baadhitaanka madax weynihii hore ee Mandela, Booliska dalka Koonfur Africa ayaa iyaguna sheegay inay aad u xoojiyeen amaanka Isbitaalka la dhigay Mandela oo Boqolaal suxufiyiin ah iyo dad badan oo ka wer wersan xaalada hogaamiyahooda ay isa soo tubeen,



Dadka Reer Koonfur Africa oo aad u jecel Siyaasiga Ruug cadaaga ah ee Mandela ayaa Suxufiyiintu sheegeen in iskuul ku dhegen isbitaalka la dhigay Mandela in daaqadihiisa ay ardeydu ku dhejiyeen boodhah waaweyn oo ay ku qoreen (Waanu ku Jecelnahay Mandela) iyo waliba iyagoo shacabka dalkaasi ku dhejiyey sawiro aad u waaweyn laamiyada iyagoo u rajeynaya mandela inuu caafimaad deg deg ah hello,



Mandela oo hore ugu guuleystay abaal gudka Nabada Ee Nobel Peace Prize ayaa ahaa madax weynihii ugu horeeyey ee madow ah ee uu yeesho dalka Koonfurta Africa sanadihii 1994 illaa 1999 kadib markii uu mandela ku guuleystay inuu soo afjaro xukunkii cadaanka ahaa ee sanadada badan ka talinayey dalkaa Koonfurta Africa, mandela ayaa markii ugu danbeysay ee fagaarayaasha lagu arko ay ahayd Xafladii furitaanka koobka aduunka 2010 ee lagu qabtay dalka Koonfur Africa,



 

0 comments:

Post a Comment