Wednesday, January 5, 2011

"Madax Banaanida Koonfurta Suudaan Waxay Si Dhab Ah Ugu Gogol Xaadhaysa Aqoonsi Buuxda Oo Si Hubaal Ah Gacanta Ugu Gallay Somaliland:"Wergeyska The Daily Star

London Beirut (Burcotoday.blogspot.com)-- Wergeyska ugu weyn wergeysyada ku soo baxa luuqadda afka ingiriisiga ee dalka Lebnon ayaa maanta Boggiisa hore wuxuu ku daabacay Qoraal uu ugu magac darray "Ma Madax Bannaani Mise Dagaal Ayaa Laga Sugaya Suudaan?, Adduunyada Oo Neef Kulul Ku Taagantahay", Wergeysku wuxuu qormadiisa oo aad u xiiso badnayd ku bilaabay 1990-maadkii Adduunyadu waxay Indhaha la heshay Xasuuqii Ruwaanda iyo Dagaalkii Biyo Xidhaneeda waaweyn ee Jamhuuriyadda Congo kuwaasi oo tiro ahaan galaaftay nolosha 5 Malyuun oo qof oo Afrikaan ah taasi oo noqotay dhimashadii ugu badnayd ee koonkani ka dhacda tan iyo dagaalkii labaad ee dunida.


Waxay ahayd mid Dunidu dayacday si badheedh ahna uga aamustay balse su´aasha taagani ma waxay tahay Aamusnaantaasi ay dunidu afka gacanta uga saaratay indhahana uga jeedisay Afrika tusaale ma u noqon doonta dagaal Sokeeye oo ka qarxa markale dalka Suudaan?

Heshiiskii Naivasha ee Dawladda Sudan iyo kooxdii xornimo u dirirka ahayd ee koonfurta dalka Suudaan SPLM ay ku gaadheen dalka Kenya sannadkii 2005-tii ayaa wuxuu baajiyey collaad ka holcaysay dalka ugu weyn Qaaradda Afrika ee Suudaan ku 20 neeyo sannadood waxaanay taasi u dirtay farriin cad dunida inteeda kale inay Afrika gaadhi karto heshiis iyadoon u baahnayn gacan shisheeye isla markaana ay Afrika ku bedeli karto dagaal Midnimo, taasi waxay sidoo kale ay dhabbada u jeexday hilaw, kalgacal iyo riyo aad u weyn oo dadka Koonfurta Suudaan ay 50-kii sannadood ee ugu danbeeyeyba ay u qabeen helitaanka dal ay u madax bannaan yahiin, Heshiiskii loogu yeedhay Heshiiska Isfahamka iyo Nabadda (Comprehensive Peace Agreement) ee labada dal ku gaadheen dalka Kenya ayaa wuxuu dhallay in loo ogolaado  dadka ku nool koonfurta Suudaan inay aayahooda ka taliyaan oo madax banaani helaan iyo  inay midnimadii ay waqooyiga kula jireen ku qanacsanyahiin 

Aftida dadka koonfurta Sudan ay u dareerayaan 9-ka January waa mid sida daruurta u cad halka codku marayo isla markaana ay rajadu siiba muujinayso dalkii labaad ee afrikaan ah ee xornimadiisa qaata tan iyo wixii ka danbeeyey gumaystayaashii xornimada u celiyey dalalka Afrika inuu ka dhex dilaacayo Sudan, waxaa Aftidaasi barbar socon doona mid kale oo dadka ku nool Gobolka Saliidda ku qaniga ah ee Abbey ay dhiiban doonaan oo ah inay ka mid noqonayaan koonfurta Suudaan iyo inay ku hadhi doonaan Waqooyiga dalka Sudan.

Wergeyska The Daily Star isagoo qormadiisa sii wata wuxuu sharaxaad dheer ka bixiyey kala duwanaanshaha dhinaca diinta iyo fekerka siyaasiga ah ee u dhexeeya labada Sudan in xalku noqdo sidii labada dhinac waa waqooyiga Sudan oo dadka ku nool yahiin Muslimiin asal ahaan lagu tiriyo inay ka soo jeedaan qoomiyadaha Carabta iyo Koonfurta oo aaminsan iinta Kiristaanka asal ahaana Afrikaan ah ay midnimadoodu noqotay madhalays, Wergeysku wuxuu sidoo kale ka hadlay in dareenka xamaasadaysan ee labada dhinac u dhexeeya ay kala jiidanayaan dalalka Maraykanka iyo Shiinaha oo mid weliba u hunguri taagaayo sidii uu uga manaafacadsan lahaa kheyraadka saliidda jamhuuriyadda Cusub ee koonfurta Sudan.

Wergeyska The Daily Star wuxuu farta ku fiiqay in xornimada Koonfurta Suudaan aanay keliya gundhig u ahayn kala fogaanshaha mabda´a diimeed iyo midka siyaasadeed ee labada Suudaan balse sidoo kale qayb ay ka tahay collaadda siyaasadeed ee gamuurtay ee u dhexaysa dalalka wadaagga Webiga Nile, sida Masar, Ethiopia iyo Yuganda.

Wergeysku isagoo qormadiisa sii wata wuxuu diiradda saaray muhiimada ugu weyn ee ay Xornimada Jamhuuriyadda Koonfurta Suudaan u leedahay Qaaradda Afrika inteeda kale isagoo arrintaasi Wergeysku sii faah faahinaya wuxuu yidhi Xornimada Koonfurta Suudaan waxay dalalka reer galbeedka ku sandulayn doonta isbedel siyaasadeed oo gebi ahaanba saamayn ku yeesha qaaradda Afrika Gaar ahaana dalalka aaminsan mabda´a kala go´a ama kala madax banaanshiyaha sida Soomaaliya iyo Nigeria  dalalkaasi oo la daala dhacaya collaado ay dawo u noqon karto in la kala madax banaaneeyo, Wergeysku isagoo qormadiisa sii wada wuxuu xaqiijiyey in Madax Banaanida Koonfurta Suudaan ay dammaanad qaad cad u tahay xornimo iyo Madax banaani ay hesho Jamhuuriyadda Somaliland oo ah gobol horumar iyo xasilooni ku naaloonaayay 20-kii sannadood ee ugu danbeeyey, Madax banaanidiisiina kala soo noqday 18 May 1991-kii dalka Soomaaliya.

Wergeysku Wuxuu Qormadiisani oo aad u xiiso badnayd ku soo gunaanaday Adduunyada waxaa ku taagan neef kulul, Koonfuurta Suudan waxay u jeexi doonta Afrika inteeda kale waa iyo waayo cusub oo u barya oo laga yaabo inay faraj u noqoto afrika oo boqolaal sannadood hurdo ku jirtay

Qormadani Waxaa Daabacay Wergeyska The Daily Star ee Ka Soo Baxa Caasimadda dalka Lebnon Ee Beirut maanta Iyadoo afka ingiriisiga ku qoran halkani ka akhriso

http://www.dailystar.com.lb/article.asp?edition_id=1&categ_id=5&article_id=123233#axzz1A7Hn3rZk

0 comments:

Post a Comment