Saturday, January 29, 2011

Xusni Mubaarig oo Wax Yar Ka Hor Sheegay Inuu Xukuumadiisii Casilley & Mareykanka oo Sheegay In Tallada dalkaasi Ay Faraha Madax Weyne Mubaarig Ka Baxday

MASAR(BCT)- Madax weynaha dalka Masar Xusni Mubaarik ayaa sheegay inuu Casillay xukuumadiisii isla markaana uu soo dhisi doono bar xukuumad cusub si uu u dejiyo shacabka dalkaa ee gadooday, Madax weynaha ayaa arintaa ku sheegay khudbad  si toosa looga daawanayey Telefishinka dalkaa oo uu goor dhaweyd kasoo jeediyey,


Xusni Mubaarik oo aan wax hadal ah laga maqal afar maalmood oo mudaharaadyadaasi ay ka soconayeen dalkaa ayaa isagoo ay ka muuqato Beer-laxawsi badan waxa uu sheegay inuu yahay nin u  damqanaya shacabkiisa isla markaana uu doonayo inuu wax ka bedello noloshooda,


Madax weynaha ayaa sheegay inaan loo dulqaadan karin rabshadaha ay dadkiisu sameynayaan isagoo intaa ku daray in dimoqraadiyadu aanay ahayn in dalka la burburiyo ama la billiliqeysto,

Khudbada Xusni Mubaarig oo saacado ka hor ay sheegeen mas,uuliyiin ka tirsan xukuumada Masar inay shacabku maqli doonaan go,aamo kasoo bixi doona xukuumada, Khudbadaa oo la sugayey ayaa dadka siyaasada la socdaa ay sheegeen in aanay ahayn mid ay ku qanci doonaan shacabku iyagoo waxa ay u mudaharadayaan ay tahay in madax weynuhu ka dego xukunka laakiin aanay ahayn in wasiiro la casillo,


Mucaaradka ayaa markiiba ka jawaabay khudbadaa iyagoo sheegay in hadalkaasi yahay mid caruureed isla markaana ay berito sabtida sameyn doonaan mudaharaadkii ugu weynaa,


Xukuumada Mareykanka ayaa iyaduna sheegtay in madax weyne Xusni Mubaarig ay taladu farihiisa ka baxday ugana digay inuu ciidamada Millateriga u adeegsado dadka shacabka ah ee mudaharaadaya, Maxad weyne Obama ayaa sheegay inuu in badan kulla taliyey Xusni Mubaarig inuu sameeyo isbedel siyaasadeed iyo mid dhaqaale laakiin aanuu waxba ku qaadan, Mareykanka ayaa waliba sheegay inay hakin doonaan kaalmadii lacageed ee ay siin jireen dalka Masar Iyagoo ay ka muuqato inay ku dirqinayaan Xusni Mubaarig inuu go,iisa ka qaato xukunkana baneeyo,,


Mudaharaadyadan oo kasocda magaalooyinka waaweyn ee dalka masar ayaa Ilaa iminka ay ku dhinteen dad badan oo Shicib ah iyadoo wararku sheegayaan in magaalada Iskandariya kuligeedba ay la wareegeen dadka shicibka ah, Midowga yurub ayaa iyaguna dhinacooda ka dalbaday xukuumada Masar in aanay u isticmaali karin dadka shacabka ah awooda ciidamada,

Laakiin Shicibka Masar ayaa qaadaya Waddadii Reer Tunisiya Iyagoo ku musanaabaya ama u sheegaya inay arintan uga horeeyeen iyaguna ay ku xiggaan, Ugu Danbeyntii Waxaa Caalamka oo Dhan ay Isha ku hayaan waxa ka dhici doona dalkaa Masar ayaamaha soo socda,

0 comments:

Post a Comment