Monday, January 24, 2011

Dalalka Sudan & Falastiin oo Laba Nin Isku Gubeen & Nidaan Cusub oo Shacabka Carabtu La Soo Baxeen Kadib Markii Dad Hore Isku Gubeen Wadamada Tunisia, Masar & Al-jeeriya

KHARTOUM(BCT)- Baryihii ugu danbeeyey ayaa shacabka carabtu ay la soo baxeen nidaam cusub oo ay ka helleen faa,iido kaasoo ah inay dab iyo gaas  isku qabtaan dadku iyadoo ninkii dabkaa billabay oo lagu magacaabo maxamed Bu Casiis oo sabab u noqday inuu dhaco madax weynihii Tunisiya,



Hadaba dalka Sudan ayaa nin dhalinyaro ah oo 25 jir ah uu isku qabtay dab iyo batrool iyadoo wakaalada wararka ee AFP ay sheegtay in ninkaa oo ka shaqeyn jiray dhismaha guryaha (Wastaad) uu isku gubay badhtamaha suuga lagu magacaabo Um-Durmaan ee magaalada Khartuum,


Wakaalada ayaa sheegtay in ninkan uu ku noolaa nolol aad u xun iyadoo ninkaa oo xaaladiisu aad u liidato loo qaaday isbitaalka si loogu daweeyo, dhakhtarada ayaa sheegay in iminka ninkaa lagu hayo qol gaar ah oo la dhiggo dadka xaaladoodu aad u xun tahay (Intensive Care), Booliska dalka Sudan ayaa sheegay in ninkaasi uu sakhraansanaa markii uu is gubay laakiin dhakhtarada ayaa cadeeyey inuu ninkaasi caadi ahaa kadib markii ay dhiigiisa ka waayeen wax maan-dooriye ah,


Dalka Falastiin ayaa sidoo kalle maanta uu isku gubay magaalada Ramallah nin afartan jir ah isagoo ninkaasi gaas iyo kabriid isulla tagay maxkamada magaalada horteeda, ninkaa oo ka cabanayey nolol xumo iyo shaqo la,aan ayaa warku sheegay inay ku soo yaaceen booliskii maxkamadu iyagoo bakhtiiyey ninkaa oo ololaya, Ninkaa ayaa isagana loola cararay isbitaalka si loogu daweeyo,

Dalka Yaman ayaa isagana waxaa walli ka socda mudaharaadyo ay sameynayaan shacabka dalkaasi gaar ahaan ardeyda jaamacadaha kuwaas oo dalbanaya inuu xukunka ka deggo madax weyne Cali Cabdalle saalax, Laakiin Madax weynaha oo maanta hadlay ayaa sheegay in Yaman aanay ahayn Tunisiya oo kalle isla markaana ay gacan adag ku qaban doonaan dadka mudaharaadaya oo uu ku tilmaamay qaar rabshad wadayaal ah,


Falalkan is gubbida ah ayaa noqonaya nidaam cusub oo ay lasoo baxeen dadka carabtu markii ay garan waayeen si ay isaga kiciyaan kali taliyayaal dalalkaa xukumayey labaataneeyo sano ka badan, Iyadoo ay hore rag isugu gubeen wadamada Tunisiya & Masar & Al-Jeeriya,

Laakiin waxa aan la garaneyn sida ay kaartadaa cusub uga hir-galeyso wadamada carabta oo dhan iyadoo ay jiraan Rag madax ah oo hadii dadka wadankooda oo dhan ay is gubbaan aan dan ka lahayn kana jecel xukunkooda,
 

0 comments:

Post a Comment