Monday, January 17, 2011

Kooxaha Budhcad Badeeda oo Qabsaday Markab Kiimiko Siday oo Laga Leeyahay Dalka Koonfurta Kuuriya

SOMALIA(BCT)- Kooxaha budhcad baddeeda Soomaalida ayaa  gacanta ku dhigay Markab laga leeyahay dalk Koofurta Kuuriya. 


Wasaaradda arimaha dibadda ee dalka Kofur Kuuriya ayaa xaqiijisay in Markab laga leeyahay dalkaasi uu gacanta u galay kooxaha budhcad badeeda Soomaalida xili uu marayay xeebaha wadanka Cuman. 
Markabka ayaa waxaa la sheegay in ay saarnaayeen 21- shaqaale oo badmaaxeyaal ah kuwaas oo 8-ka mid ah ay u dhasheen Koofurta Kuuriya halka 2-kalana ay u dhasheen Indonesia, iyadoo 11-ka kalan ay ahaayeen muwaadiniin u dhashay dalka Barma. 
Sida ay ku waramayso wasaaradda arimaha dibadda ee dalk Koofur Kuuriya, Markabka aya waxaa uu siday kiimiko gaadhaysa 10-kun oo tan, waxaana la sheegay in uu kasoo shiraacday Wadanka isu taga Imaaraadka Carabta, isagoo kusii jeeday Dalka Sri lank. 
Makabka ay qafaasheen kooxaha budhcad badeeda Soomaalida ayaa la tilmaamay in ay leedahay shirkadda lagu magacaabo MV SAMHO Shipping oo xarunteedu tahay dalka Koofur Kuuriya, waxaanan  la’ogayn ilaa iyo hadda halka ay ula dhaqaaqeen kooxahaasi markabka. 
Qeybo ka mid ah badweynta Inida ayaa waxaa ku sugan ciidamo la sheegay inay la dagaalamayaan kooxaha budhcad badeeda Soomaaliya hase’ ahaatee ilaa iyo hada majirto wax is hortaag ah oo lagu sameeyay kooxaha budhcad badeeda Soomaalida oo inta badan si badheedh ah u afduubta maraakiibta gar gaarka iyo kuwa ganacsi ee isticmaala gacan biyoodka cadmeed,

0 comments:

Post a Comment