Hargeysa (BCT) Madaxweynaha Somaliland Md.Axmed Maxamed Siilaanyo la filayaa inuu horaanta todbaadkan safar shaqo ugu kiciimidoono Gobolada Saaxil iyo Togdheer.Wararka ayaa waxa ay kale oo ay sheegayaan in uu madaxweynuhu safarkiisan uu ku tagayo goboladaasi uu ku hor maridoono Magaalo madaxda Gobolka saaxil ee Berbera, halkaasina uu kulan kula yeealn doono masuuliinta iyo cuqaasha gobolkaasi, inkastoo aanu jirin ilaayo hada xog rasmi ah oo arinta safarkan la xidhiidha oo ka soo baxaday Qasriga madaxtooyada Somaliland.
Safarkan Madaxweynaha oo ah kii ugu horeeyey ee uu ku gaalaabixiyo gobolada Somaliland tan iyo intii loo dhaariyey xilka madaxtinomo, ayaa si weyn looga dareemayaa magaalada Berbera halkaasi oo ay ka socdaan daldaalo loogu jiro soo dhaweyntiisa, iyo abaabul ku saabsan sidii cuqaashada Gobolkaasi ay kulan garnaqsi ah ula yeelan lahaayeen Madaxweyne Siilaanyo.
Waxa la filayaa in Madaxweyne Axmed Siilaanyo mudada uu ku sugankyahay magaalada Berbera uu kormeer ku tagidoono dakada caalamiga ah ee Magaaladaasi, kalkaasi oo uu indhawaalena ay ka socdeen dayactiro balaadhan oo xaga dhismaha ah.
Wararka ka imanaya Magaalda Burco ayaa waxaay sheegayaan inuu hada ku sugan yahay Chief of Cabinetka Madaxtooyadda Somaliland Xirsi Cali X Xasan , waxaanu halkaas ka wadaa diyaar garow balaadhan oo uu ugu sii gogl xaadhayo Waftiga Madaxweynaha iyadoo laga dareemayo magaaladaasi dhaqdhaqaaq xoogan oo uu wado.

0 comments:
Post a Comment