Saturday, January 15, 2011

Saddex Nin Oo Caawa Lagu Xidhay Magaalada Burco

Burco(BCT)- Wararka laga helayo Magaalada Burco ee Xarunta gobolka Togdheer ayaa sheegaya in caawa howlgalo ay ka sameeyeen magaaladaasi Ciidamada amaanka ee gobolka Togdheerb  ay ku qab qabteen Saddex  Qof oo lagu tuhunsanyahay in lagu xidhay arimo la xidhiidha Argigixisnimo.
Ciidamada amaanka ayaa Caawa Saddex qof  ku  qab qabteen Agagaarka Xaafadla   candle-light  loo yaqaana ee ku taala  Magaalada Burco, iyagoo loo taxaabay dambiilayaashaas   saldhiga wayn ee magaalada Burco, waxana ay ciidamada ka gaabsadeen inay sheegeen ilaa iyo inta ay baadhayaan arinta ragaas lagu xidhay.
Wixii  warar ee dheeraad ah ee la xidhiidha arintaas kala soco Oodweynenews.com.

0 comments:

Post a Comment