Wednesday, January 5, 2011

Wiil uu dhalay boqorkii hore ee Iran (Boqor Shah) oo is dilay.




(Burcotoday)  Arbaca, Jan.5.2011  . Waxaa  maalinimadii shalay  is daldalay wiil  uu dhalay boqorkii hore  ee Iran boqor SHah,isagoo isku dilay gurigiisa oo ku yaalay magaalada Boston ee gobolka Massachusetts ee dalka Maryakanka.
  Nikan oo lagu magaaci jiray Alireza Pahlavi oo 44 jir ahaa ayaa waxaa dhalay Mohamed Reza Pahlavi oo lo yaqaanay  Boqor  Shah, kaasoo  uu xukunka ka tuuray wadaadkii la odhan  jiray Ayatulaha KHumaeyni sanadkii 1979,isagoo sanadkii ku xigayna isagoo mastaafuris u jooga dalka Masar  caasimadiisa Qaahira ku geeryooday.

     Boqor Shaah  ayaa xaaskiisii iyo caruutiisaba degeen dalka Maryakanaka, halkkasoo ilaa hadda ay ku nool yihiin.

   Maaha markii  ugu horaysay ee qoyska  boqor SHaah ay  is dilaan, hasa yeeshee sanadkii 2001 ayaa iyaduna waxaa is deldeshay gabadh  uu dhalay oo la odhan jiray Layla Pahlavi.
  
      Ilaa  hadda  lama  garanayo sababta dhabta ah ee  keentay in labadan walaaha ahi is dilaan

0 comments:

Post a Comment