Saturday, January 29, 2011

“Xukuumada Maanta Jirta Waxa Lagu Dhaliilayaa Mid Is Bar-Bar Socota, Ninka Leh Ma Dulqaadanayo Waxbana Yaan La Iga Sheegin Xil-Qaaday Dhibaatadeeda Ayay Leedahay” Sh. Aadan Siiro

Hargeysa(Burcotoday)- Sh. Aadan X. Maxamuud Xirsi (Siiro) ayaa khudabadii Jimaca ee maanta xukuumadda ugu baaqay in ay la timaado dulqaad, isada oo kalena waxa uu ka hadlay arimo kale oo mihiim ah.


isagoo arrimahaasi ka hadlayana wuxuu yidhi “Xukuumadda waxaan ugu baaqaynaa in ay dadka daayaan waayo Xukuumaddii hore waxay ku badaleen wixii la qori jiray ee iyagu (Dawladdu) qori jireen ayay maanta dadka ku haystaan wax la yeeli karayo maaha, jaraa’idkii waa Documentary (Kayd) wixii oo dhan waa qoran yihiin Internet-ka ayay ku jiraan ordoo gala Xukuumaddii hore intii aan la badalin wixii la qori jiray, haddii rubuceed la qoro wixii ay qori jireen oo ay xukuumaddu tidhaahdo waanu la dagaalamaynaa adeer waa Contradiction (wax iska hor-imanaya) wixii ay sheegi jireen ayaanay waxba ka jirin, Cumar Binu Khadaab oo taagan ayaa lagu yidhi kuma dhagaysanayn.” 


Sheekhu isagoo ka hadlaaya xadhiga ay xukuumaddu dadka xidhayso wuxuu yidhi  “Qaar baa jira wuxuu iska soo xidhaya oo la leeyahay hebel soo xidh ka fiirsan maayo, kuwaasina waxaan leenahay waar caqli ku dara waa maxay sharciyada qofka lagu xidhayo, dadku way hubaysan yihiin”.


Waxa kale oo uu Sheekh Aadan X Maxmuud intaas ku daray “Xukuumadda waxa laga doonayaa dulqaad sida ay u doonayso in loo dulqaato oo wakhti loo siiyo in ay iyaduna u dulqaadato, xoriyaduna waa in ay xad leedahay shareecada ayaanu ku jirtaa waxaynu ku heshiinayna way ku jirtaa oo xuduud ayay leedahay, dhaliisha waxa keenaya qofka mas’uuliyadda qaada, dawladdana waxaanu leenahay wixiin uruursada, xkuumaddii hore waxay doonaan ha ahaadaane may ahayn function (kooxo) taladooduna meel ayay ka soo baxaysay.”


Mar uu sheeku ka hadlayey Xukuumada maantana waxa uu yidhi “ laakiin xukuumada maanta jirta waxa lagu dhaliilayaa waxaanan u tilmaamaynaa is bar-bar socod ayaa jira, taladana waxaanu leenahay hala ururiyo dadkuna waxqabad ayay doonayaan waad arkaysan masaajidka way wada timo madaw yihiin qof shaqaynayaa ma jiro mudaharaadadaasi maanta ka dhacay caalam al-islaami wax kale maaha baahi ayaa dadkii haysata dadka ku dhex jira ayaanu nahay waliba xaga hoose, busaarad ayaa jirta baahi baahsan ayaa jrta waa la soo ootay, xukuumadu in ay ku mashquusho hebel ayaa hadlay iyo hebel baa hadlay baahida haysa darteed baa ka hadlinaysa waa in shaqo la abuuraa haddii kale isbedelkii lagu baaqayna ma imanaayo, dulqaad ayaa loo baahan yahay qofkii aan dulqaadanayni xukuumada ha iskaga tago, ninka maanta leh ma dulqaadanayo haddana yaan waxba la iga sheegin ee haddana talo qaaday dhibaatadeeda ayay leedahay.” Sidaana waxa yidhi Sh. Aadan X. Maxamuud Xirsi (Siiro).

0 comments:

Post a Comment