Wednesday, January 5, 2011

Waxa kale oo aad ogtihiin in gudiyadii gobolada bariga inay Widh-Widh iyo Laascaanoodba gaadheen oo ay shirar qabsoomeen, ilaa haddana gacmaha ayay kula jiraan.”

Afhayeenkii xisbiga Talada dalka haya ee KULMIYE Mujaahid Maxamed Kaahin Axmed, ayaa sheegay in xukuumada Madaxwayne Axmed Maxamed Siilaanyo aanay ku habsaamayn qodqodka masuuliyiintii hore ee xisbiga UDUB balse ay dadaal u galayso sidii sare loogu qaadi lahaa dhaqaalaha iyo amniga guud ee dalka. Md Maxamed Kaahin Axmed, waxa uu tilmaamay in xukuumada cusub ee Somalilad wax badan ka qabatay sidii loo kobcin lahaa dhaqaalaha isla-markaana mushaharooyinka shaqaalaha dawlada la bixiyo aakhirka bil walba, taasina ay tahay dadaal la sameeyay.
Maxamed Kaahin oo wareysi kooban siiyay Geeska Afrika, ayaa sidoo kale wax ka tilmaamay waxqabadka hanti-dhowrka guud qaranka, waxaanu sheegay in hanti-dhowrku uu imikaba baadhayo maamulka ka soo jeeda xisbiga KULMIYE “Anagu anaga ayaaba is qodqodeyna oo waadiga arkay xisbiga KULMIYE sida uu u wada hadlayo hanti-dhowrkuna cida uu baadhayo waa maamulka xisbiga KULMIYE gacanta ku hayo, markaa inta aan cidba na qodqodin anaga ayaa is qodqodayna.” Ayuu yidhi isagoo ka jawaabay sida uu u arko baadhista hantidhawrka ee masuuliyiintii xukuumadii hore, “Xisbiga KULMIYE waajibka ugu horeeya ee xukuumadiisa saarani maaha inay dawladii hore qodqodo, markaa waaanu qabnaa in hanti-dhowrku hawl-wayn qabtay, laakiin siyaasada xisbigu maaha inuu xisbigu ku habsaamo oo la yidhaahdo xisbigii hore iyo xukuumadii maxay qodqod lahaayeen, maxay dhaliil lahaayeen iyo hebel waa sidee iyo hebelka kale ee waa sidee, taasina maamuuskeeda iyo meesheeda ayay leedahay.”
Md Maxamed Kaahin waxa uu sheegay in dawlada Somaliland dhaqdhaaqyo siyaasadeed oo xal ah ka samaysay gobolada bariga “Waxa kale oo aad ogtihiin in gudiyadii gobolada bariga inay Widh-Widh iyo Laascaanoodba gaadheen oo ay shirar qabsoomeen, ilaa haddana gacmaha ayay kula jiraan.” Ayuu yidhi waxaanu intaas sii raaciyay isaga oo sharaxaya caqabadaha dawada Afrika fadhiidka ka dhiga iyo saamaynta uu ku leeyahay musuqmaasuqa “Waa dhab oo xisbigu barnaamij ayuu lahaa, dawlad wanaagana waxa aasaas u ah maamulka, waxa aasaas u ah waxa maanta caalamku la wada dagaalamayo oo la aaminsan yahay caalamka saddexaad gaar ahaan qaarada Afrika, waxa ugu badan ee fadhiidka ka dhigay ee nidaam-yadooda aad iyo aadka u burburiyay waa musuqmaasuqa, waanad la socotaan taa oo xisbiga KULMIYE xukuumada ka dhisnayd aad iyo aad ayay u tayeysay oo hay’adaha dabo-galka hantida oo ay ka mid tahay hay’adda la dagaalanka musuqmaasuqa ayay samaysay, waxay samaysay dawlad kooban, waxay samaysay in hay’adda hanti-dhowrka la dardargaliyo oo hawlo faro badan ayay qabteen”
Md Maxamed Kaahin Axmed waxa uu tilmaamay in dhaqaalaha dalka wax badan laga qabtay “Dhaqaalaha wax badan ayaa laga qabtay oo kor ayuu u kacay dhaqaluhu, mushaharooyinka shaqaalaha ayaa bil walba dhamaadkeeda la bixiyaa, waxaanuna rajaynaynaa in kasta oo mudadu yar tahay in dadaalku halka uu imika marayo laga sii kordhiyo.” Ayuu yidhi waxaanu intaa sii raaciyay “Sidii aynu dhaqanka u lahayn nabadgalyada aynu u xoojin jirnayna aynu u xoojino, meelaha

0 comments:

Post a Comment