Wednesday, January 12, 2011

Gobolada Somaliland Oo Maanta Laga Tukaday Salaad roob-dooneed Oo Alle Lagu Baryey + SAWIRO

Hargeysa (BCT)- Gobolada Somaliland, ayaa maanta laga tukaday salaad roob-dooneed oo ilaahay laga baryay roob, isla markaana dembi-dhaaf iyo ducooyin badan ilaahay loogu gudbinayay.

Tukashada salaadda roob-dooneed oo ay dadweynaha kala qayb-galeen madaxda waddanka ugu saraysa sida Madaxweynaha oo dadweynaha reer Berbera kala qayb-galay tukashada salaada, madaxweyne ku xigeenka oo isnada dadweynaha reer Hargeysa kala qaqb-galay iyo madax kale, iyada oo culimadii kala duwanayd ee dadka tukinaysay ay dadweynaha ku u akdaysay inay ilaahay dembi-dhaaf weydiistaan, isla markaana ay la isi-saamaxo iyo ilaahay si dhab ah loo baryo.

Inkasta oo dadweynuhu sidii la filayay aanay isugu soo bixin, haddana magaalooyinka waxa salaadii hore laga dareemayay qur’aan iyo ducooyinka laga baahinayay sameecadaha goobaha lagu tukanayay iyo masaajidada.

Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Silaanyo, ayaa todobaadkan ina dhaafay ugu baaqay dadweynaha JSL inay isugu soo baxaan tukashada salad roob-dooneed oo ilaahay lagaga baryayo inuu abaarta iyo biyo la’aanta daran ka soo furto addoomihiisa dhibaataysan.

0 comments:

Post a Comment