Saturday, January 22, 2011

Ururka Al-Shabaab oo Xilkii Ka Qaadey Qaar Ka Tirsan Mas,uuliyiinta Ururkaa Ee Magaalada Kismaayo

KISMAYO(Burcotoday)- Mas’uuliyiin ka tirsan Xarakada Al Shabaab ee gobolada Jubooyinka ayaa xil ka qaadis lagu sameeyey, iyadoo qaar ka mid ah Mas’uuliyiintii xilka laga qaaday ay arintaa ka biya diideen.
Sida ay sheegayaan wararka saaka laga helayo gobolada Juubooyinka, waxaa xil ka qadaasi lagu sameeyay qaar ka mid ah Mas’uuliyiintii gobolada Jubooyinka ee Xarakada Al Shabaab, iyadoo qaar ka mid ah saraakiishii xilka laga qaaday ay arintaasi kasoo horjeesteen.
Wararka ayaa  intaa ku daraya in shalay galinkii dambe magaalada Kismaayo ee Xarunta gobolka Jubada hoose ay gaadheen Mas’uuliyiin sar sare oo ka tirsan Al Shabaab, kuwaasi oo ku dhawaaqay xil ka qaadista lagu sameeyey Mas’uuliyiinytii ka tirsaneyd Shabaab.
Goob jooge yaal ku sugan magaalada Kismaayo  ayaa  sheegey in shalay galinkii dambe halkaasi ay gaadheen Mas’uuliyiin ka tirsan Al Shabaab islamarkaana gabi ahaamba ay xilkii ka qaadeen Mas’uuliyiin kale oo joogay magaaladaas kuwaas oo aan ilaa iyo iminka la’ogayn wax looga qaaday Xilkaasi.
Majiro Mas’uul ka tirsan Al Shabaab oo ka hadlay xilka qaadista lagu sameeyay qaar ka mid ah saraakiisha Shabaab ee magaaladaas, waxaana markii xilkaasi laga qaaday xooggaa xiisado kacsanaan ah laga dareemay shalay galinkii dambe degmada Saakoow ee Xarunta gobolka Jubada dhexe.

0 comments:

Post a Comment