Wednesday, January 12, 2011

Wasaaradda Maaliyadda oo ku Guulaysatay inay Kordhiso Dakhliga Dalka + Xogo Muujinaya Korodhka Dakhliga Kastamada Somaliland

Hargeysa (bct)- Xukuumadda Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa ku guulaysatay inay kordhiso dakhliga Cashuuraha kastamada wadanka %24.3 marka loo eego jaantuska hoos ku qoran ee ay ku xusan tahay isbarbar-dhiga Bishii December 2009 oo ay talada wadanka haysay Xukuumada Madaxweynihii hore Daahir Rayaale Kaahin iyo December 2010 oo ay Xukuumada Axmed Siilaanyo haysay talada wadanka Muddo Shan Bilood ah.

Sida ka muuqata jaantuskan oo dabal-gal badan ka dib ay shabakadda Somalilandpress u suurto-gashay inay hesho, waxa jira kastamo badan oo uu kor u kac dakhli ku yimi, wallow kastamada qaarkood uu hoos u dhac kooban ku yimi dakhliga.

Wasiirka Maaliyada Somaliland, Eng. Maxamed Xaashi Cilmi ayaa sameeyay isku-bedel badan oo hawl-wadeenada iyo madaxda kastamada la xidhiidha, si loo dardar-geliyo hawlaha dakhli-ururinta.

Agaasimaha maamulka Kastamada ee Wasaaradda Maaliyada ayaa sidoo kale loo magacaabay wiil dhalinyaro ah oo muddo ka soo shaqaynayay Wasaaradda, khibrad dheerna u leh hawlaha shaqo Cali-dhagoole.

Korodhkan Dakhligan ayaa waxa uu ku soo beegmay xilli ay xukuumadu maalmo ka hor ku dhawaaqday inay %75 mushaharada u kordhinayso dhamaan shaqaalaha dawlada marka ay dhamaato bisha January ee aynu ku jirno, si ay qayb ahaan u fuliso balanqaadkeedii ahaa inay %300 u kordhin doonto mushaharka shaqaalaha iyo ciidamada.

Inkasta oo uu korodh badani ka muuqdo dakhliga dawlada mudadii koobnayd ee ay xukunka haysay, hadana korodhkan ayaan ahayn mid saamayntiisu taabatay bulshada caadiga ah. Waxaana suuqyada magaalooyinka waawayn ee wadanka laga dareemayaa busaarad baahsan, xilli ay abaaro ba’ana ka jiraan dhulalka miyiga ah.

0 comments:

Post a Comment