Monday, January 3, 2011

Guddiada Xidhiidhka Ciyaaraha Fudud Ee Somaliland Oo Ku Dhawaaqay In Ay Qabanayaan Tartanka Orodada Ee half maratonka +SAWIRO

Hargeysa(Burcotoday)- Wasaarada Dhaliyada Iyo Ciyaaraha iyo gudida xidhiidhka ciyaaraha fudud ee Somaliland ayaa maanta si wada jir ah ug dhawaaqay in 20. Bishan la qabanayo tartanka orodada oo ay ka soo qayb galayaan dhamaan dhaliyarada reer Somaliland.

Tartankan oo uu maalgalinayo Ururka wadaniga ah ee ODXA isla markaana ay fulinayso Guddida xidhiidhka ciyaraaha Fudud, ayaa waxa ka qayb galaya Guud ahaan dhalinyarada reer Somaliland, waxa tarankan sadexda qof ee ugu sareeyaa ay ka qayb galidoonaan tartan orodeed caalami ah oo lagu qaban doono wadanka Djabuoti 21.bisha labaad ee sanadkan.

Munaasibada loo qabatay ku dhawaaqista tarankaas oo maanta ka dhacday Xarunta Waaxda Dhaqanka ee Wasradaasi ayaa ka soo qaybg galay Agaasimaha Guud ee Wasaaradaasi Md.Mustafe Maxmuud Qodax, Gudoomiyaha Ururka OXDA marwo Faadumo Saciid, Gudoomiyha Gudida xidhika ciyaha Fudud Cumar Qoobwanaaje.

Ugu horayn waxa munaasibadaasi ka hadalay Agaasimha waaxda Olombikada Somaliland Md.Maxmed Ciro waxa uu sharaxaad ka bxiyey tarankan hadaladiisina waxa ka mid ahaa “ waxaan maanta halkan isugu kiin yeedhany in aan ku dhaqano tartanka Oradeed oo lagu qabanayo 20 ka bishan magaalada Hargeysa, waana tartan furan oo laga soo wada qayb galidoon, waxaan ka soo wada qayb galidoona dhamaan cidii ay u suuroobayso, waxana hawshaas maaligalinaya ururuka OXDA oo ay hormood u tahay Marwo Faadumo Saciid waxana fulinaya Xidhiishka kubada cagta, waxana aanu rajayanayaa in dhamaan Cidi walaba gacan ka gaysato arintaas.”

Waxa kale oo halkaasi ka  hadalay Agaasimaha Guud ee Wasaarada dhaliyarada Ciyaaraha Hidaha Iyo Dhaqanka Md.Mustafe Maxmuud Qodax waxa hadaladiisii ka mid ahaa “ waxa aynu maanta halkan kaga dawaaqaynaa tartanka orodada, waxana aanu aad ugu mahad naqaynaa marwo faadumo saciid oo maalgalinaysa hawshan, waxa kale oo wax weyn noo ah in ay marwalba na tusayso dhiiri gallin, waxana ay taasi na tusaynaa rajo weyn, waxana aanu rajaynaynaa in tartan kani uu ka duwanaan doono tartanadii hore isla markaana la bixindoono abaal marino qiimo leh, sidii ay Faadumaba hore ugu dhawaajisay, taranakna waxa uu socondoonaa mudo waxana loo samyeey jadwal wanaagsan, waxa kale oo aan aad ugu mahadnaqaynaa Faadumo sida ay mar walba noo garab taagan tahay.”

Intaasi ka dibna waxa halkaasi ka hadashay Marwo Faadumo Saciid hadaladeediina waxa ka mid ahaa “ muhiimada aan shirkan jaraaid u qabanay waxa weeye in aan ku war galino dhaan dhalinyarada reer Somaliland in magaalada hargeysa laga qabanayo Taranka oroda ee (Half maratonka), bishan koowaad labaatankeeda waxan aanu tartankaas ugu talagalnay in aanu ku  bixino abaal marino aad u wanaagsan, waxa kale oo muhiimad gaara leh in sadexda qof ee uga sareeye tartankan in ay ka qayb galyaan Taratan kale oo caalami ah oo 21ka labaad lagu qaban doono wadanka Djabouti, waxan aaanu rajaynayaa in xubanahaasi ay taratankaas ku matali doonaan Somaliland isla markaana iyaga oo calanka Somaliland sita ay ka qayb qaadan doonaan taratankaas oo Afrika oo dhan looga imanayo, waxan aynu rajaynayaa in hadii aynu taratankaas aynu ku guulaysano waxa anu u gudbi doonaa tartamada wadamad kale, waxa kale oo hubaal ah in qaban qaabada tartankaasi uu yahay wax weyn una baahan hawl balaadhan waayo waa 21 mayl, waxan ay tahay in aynu dadaalno oo aynu dhalinyaradeeda tusno in ay aduunyadu tahay waxa weyn.”

Ugu damayntiina waxa halkaasi ka hadalay Gudoomiye ku xigeenka Guddiada Xidhiidhka ciyaara fudud Somaliland Md.Saciid Mire Sh Yoonis waxa uu sheegay in ay muhiim tahay in ay dhalinyara Reer Somalliland ka faaiidaytaan, isla markaan ay ka xidhiidh ahaan ka qayb qaatayaasha  tartankaas u diyaariyaan tababaro kala duwan oo la xidhiisha tartankaas, waxa kale oo uu sheegay in ay aad ugu dadaali doonaan in ay sii diyaariyaan ciyaartoyga ka soo baxa tartankan kuwaas oo ka qayb qaadanaya tartanka kale ee lagu qabanayo wadanka Djabouti si ay u noqdaan kkuwo u hanta guulo la taaban karo .

0 comments:

Post a Comment