Wednesday, January 5, 2011

Madaxtooyadda Somaliland oo Amartay inay Hubka ay haystaan soo xareeyaan Ilaalada Madaxweynihii iyo ku-xigeenkiisii hore

Madaxtooyadda Somaliland oo Amartay inay Hubka ay haystaan soo xareeyaan Ilaalada Madaxweynihii iyo ku-xigeenkiisii hore Waxa ay ka mid yihiin Masuuliyiinta uu Dastuurku siiyey maamuuska gaarka ah

Taliyaha Ciidanka ilaalada Madaxtooyadda Somaliland Faysal Kaamil Ciise ayaa ku Amray Ilaalada Madaxweynihii hore iyo ku-xigeenkiisii Daahir Rayaale Kaahin iyo Axmed Yuusuf Yaasiin inay soo xareeyaan Baastoolada ay haystaan ee la siiyay wakhtigii Xukuumaddii hore ay talada haysay.
Ilaalada uu Taliyuhu Amray inay soo xareeyaan Baastooladahaasi oo dhan 11 Askari oo ka tirsan Ciidanka ilaalada Madaxtooyadda ayaa imika ka hawlgala Guryaha Masuuliyiintaasi xilka ku wareejisay Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku-xigeenka hada talada haya, waxaanay sida ay noo sheegeen qaar ka mid ah Askartaasi ay ku joogaan shaqada ay hayaan heshiis ay wada gaadheen masuuliyiinta xilka haysa iyo kuwa wareejiyay
Hase yeeshee waxa ay Ilo xogogaal ahi sheegeen in ay ilaalada labada masuul ee talada Dalka hore u hayn jiray ay Taliyaha Madaxtooyadda ee ka soo dalbaday inay Hubkaas soo xareeyaan u sheegeen inaanay soo xaraynayn ilaa iyo inta ay Ogolaansho ka helayaan cida la soo raaciyay ee ay u shaqeeyaan.
Balse Taliyaha ayaa la sheegay inuu ka diiday Codsigoodaas, waxaanu shalay u keenay Amar kale oo uu ku Amrayo inay maanta Toddobadda Subaxnimo soo xareeyaan Haddii kale uu talaabo ka qaadi doono, isagoo ugu hanjabay inuu Ruqsayn doono shaqada ay hayaana ciidan kale keeni doono.
Ilaa hada arrintan kama uu hadal Madaxweyne ku-xigeenkii hore oo imika Dalka ku sugan isla markaana Madaxtooyadu wax wargalin ah isaga may siin ee waxay toos ula xidhiidheen Askarta u shaqaysa hase yeeshee Taliyaha Ciidanka Illaalada Madaxtooyadda oo ay waaheen wax ka weydiisay Arrinkaasi ayaa u sheegay inuu isagu Amarkaas bixiyay oo uu kaga qaadayo Baastooladahaasi, waxaanu sheegay inay ka ururinayaan wixii aan Saraakiil ahayn ee Ciidanka ka tirsan.
Macadam sababta ay xukuumadu talaabadan u qaaday iyadoo masuuliyiintaasi ka mid yihiin dadka uu dastuurka Somaliland siiyey maamuuska gaarka ah.

0 comments:

Post a Comment