Saturday, January 8, 2011

Xukuumadda Waxa ka Go’an in Mudnaanta 1aad la Siiyo Nabadda oo ah Hantida ugu Qaalisan ee aynu haysa

PDF Print E-mail
Wasiirka arrimaha gudaha oo sheegay in beesha caalamku indhaha ku hayso, isla markaana qiimaynayso nabadda Somaliland



Hargeysa (TogdhNews)-Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland, ayaa ku dhawaaqay in xukuumadda madaxweyne Siilaanyo hoggaamiyo ay ka go’an tahay in mudnaanta koowaad la siiyo ilaalinta nabadda oo uu ku sifeeyey hantida qudha ee dalku haysto.
Wasiirka arrimaha gudaha oo hadal ka jeediyey kulan odayaasha isku haya deegaanka Ceelberdaale shalay heshiis ku kala saxeexdeen, waxa uu sheegay in beesha caalamku indhogaar ah ku eegayso Somaliland, isla markaana la qiimaynayo nabadda deegaanka ka jirta.
“Nabaddu shakhsi kasta waa u dan, dalkeena Somaliland maanta indho gaar ah ayaa lagu eegayaa oo doorasho xor iyo xallaal ku dhammaatay ayeynu ka soo baxnay, maamul si nabad ah look ala wareejiyey ayeynu soo marnay, markaa caalamku indho gaar ah ayuu inagu eegayaa nabadeenana wuu qiimaynayaa, xukuumadda oo uu hoggaaminayo madaxweynuhu waxa ka go’an in nabadda oo ah hantida ugu qaalisan ee aynu haysanayo la siiyo mudnaanta koowaad, maadaama aan wax kale la’aanteed la qaban Karin,”  ayuu yidhi wasiirka arrimaha guduhu.
Hadalkan ka soo yeedhay wasiirka arrimaha gudaha, ayaa u muuqda in xukuumadda madaxweyne Siilaanyo muhiimad gaar ah siinayso ilaalinta iyo adkaynta nabadda ka jirta Somaliland, maadaama xasiloonida iyo degannaanshaha ay ammaan iyo sumcad badan Somaliland kaga kastabay beesha caalamka, isla markaana ay jiraan kooxo cadaw ah oo doonaya inay khalkhaliyaan degannaansha dalka iyo mandaqada Geeska Afrika.

0 comments:

Post a Comment