Saturday, January 22, 2011

Midowga Afrika oo Soo Dhawaynaya Dalal Cusub oo Ku Soo Biira Qaarada Ka Dib Go,idii Jamuuriyada Koofurta Sudan

ADDIS ABAB(BCT)- Guddoomiyaha Midowga Afrika Jean Ping oo shalay shir jaraa´id ku qabtay xarunta Midowga Afrika ee magaalada Addis Ababa oo ay shirkiisa ku wehliyeen kormeerayaashii caalamiga ahaa ee dhawaan ka qeybgalay aftida koonfurta Suudaan oo todobaadkii hore dhammaadkiisii la soo afjaray ayaa shaaca ka qaaday markii ugu horeysay tan iyo sanadkii 1964-tii in Midowga Afrika uu dhawaan dib ugu noqon doono qaraar uu ururku soo saaray sannadkii 1964-tii oo ixtiramaayey Xuduudaha Afrikaanka in loo daayo sidii gumeystayaashii xukumaayey ay kaga tageen.

 

Mr. Jean Ping waxa uu ammaanay shacabka Koonfurta Sudan oo uu heegay inay u codeeyeen waxay xaq u leeyahiin, wuxuuna ku ammaanay qaabkii shacabka gobolkaasi ay ugu  soo baxeen aftidii ay aayahooda kaga tashanayeen wuxuuna sheegay in ay aftidaasi u dhacday si xor oo xalaal ah.

 

Mr. Ping waxa uu sheegay in tilmaantu bixinayso in shacabka koonfurta Sudan ay go´aansadeen in ay noqdaan dal madax banaan, wuxuuna intaasi ku daray in Ururka Midowga Afrika uu gacan ka geysan doono sidii Jamhuuriyadda cusub ee Koonfurta Sudan ay cagaheeda isugu taagi laheyd.

Mr. Ping wuxuu shirkaasi jaraa´id ku sheegay inay u diri doonaan Koonfurta Sudan koox soo kormeerta dhammanba baahiyaha aas-aasiga ah ee lagama maarmaanka ah ee hadda u baahan in lala qabto dowladda cusub ee Koonfurta Sudan, wuxuuna xusay in Midowga Afrika uu gacan ka geysan doono tababaridda ciidamadda iyo Booliiska Jamhuuriyadda Koonfurta Sudan, wuxuu sidoo kale sheegay in Ururka Midowga Afrika ay ka caawin doonaan dadka koonfurta Sudan sidii ay ugu gacmo furnaan lahaayeen kheyraadkooda.

 

Dhinaca kalena Madaxweynaha Midowga Afrika wuxuu ka dhawaajiyey in Muddo 45-sannadood ah ka dib uu ururku Midowga Afrika dib uga fiirsan doono qaraar uu ururku gaadhay sannadkii 1964-tii oo dhigaayey in Afrika lagu ixtiraamo xuduudahii uu gumaystayaashu kaga tageen wuxuuna si cad Madaxweyne Ping u sheegay inay soo dhawaynayaan dalal cusub oo afrika ku soo biira.

 

“Arrintani aftida Koonfurta Sudan dabcan waa mid aan dib uga fiirsan doono Midowga Afrika ahaan inaanu dib ugu noqono qaraarkii 1964-kii ee ahaa in xuduudaha afrika loo daayo qaabkii uu gumeystahu kaga tagay, taasi waa mid lagama maarmaan ah, waana hubaal in dib u eegista arrintani ay keeni doono in dalal cusub oo aan la aqoonsan oo Afrikaan ahi ay dhawaan iyaguna Afrika iyo caalamka ku soo biiraan” ayuu yiri Guddoomiyaha Midowga Afrika Jean Ping.

 

Hadaba waxaa miiska saaran soomaliland oo ka go,day somaliya  waxaana dhagaha loo taagayaa oo la sugayaa go,aanka midawga Afrika ka qaadan doono go,oni Isutaaga somaliland oo ku biiratay somaliya lixdankii iyagoo markaa xornimo ka qaatay Mustacmarkii biritain ee xukumi jiray somaliland 

0 comments:

Post a Comment