Thursday, January 27, 2011

War Saxaafadeed Xisbiga UCID oo Ku Eedeeyey Qaar Kamida Mas,uulityiinta Xukuumada Inay Shaki Galinayaan Gooni Isu Taagga Somaliland

Xisbiga Cadaalada Iyo Daryeelka

                                              UCID

Justice And Welfare Party

___________________________ 

        Date: January 27, 2011

Ujeeddo: War-Saxaafadeed

HARGEYSA(OWN)- Muddooyinkan dambe waxaa soo ifbaxaya dhawaaqyo kasoo yeedhaya masuuliyiin xukuumadda ah iyo shakhsiyaad siyaasiyiin ah oo u dhashay Somaliland.

Dhawaaqyadaas oo shaki galinaya gooni isu taaga Somaliland, Jaahwareerna ku ridaya shacbiga Somaliland. hadaladaas oo ay ka mid yihiin qoraal kusoo baxay Wargeyska Jamhuuriya cadaadkii 4403 ee soo baxay 26/01/2011 kaas oo dulucdiiso ahayd in aqoonsiga Somaliand ku xidhanyahay wadahadal lala galo dawladda shariifka.

Waxaa nasiib darro ah oo wax aad looga xumaadana ah in masuul xil qaran haya, kana tirsan Xisbiga Kulmiye in uu maanta soo qaato heshiis 20 sanno ka hore jabhadihii halganka ku jiray wada galeen, waxba kama jiraana ka dhigo guushii SNM iyo go’aankii 1991 ee gooni isu taaga ay ku wada gaadheen beelaha Somaliland ee shirkii Burco, shir-weynihii Boorama ee lagu dhisay nidaamka dawladnimo, aftidii distoorka Somaliland ee shacbka ku ogolaaday 97.8% gooni isu taaga Somaliland iyadoo ay goob joog ahaayeen goobjoogayaal ka tirsan beesha caalamka, geedisocodkii dimuqraadiyadda iyo doorashooyinka kala dambeeyey ee dalka ka hirgalay.

Xisbi ahaan waxaanu qabnaa in arrintaasi tahay fidno cusub iyo khatar ay soo maleegayaan cadawga Somaliland loona adeegsanayo dad u dhashay Somaliland.

Xisbiga UCID wuxuu aaminsanyahay in arrinta qadiyadda koonfurta iyo waqooyiga Sudan iyo qadiyadda Somaliland aanay ahayn laba lays barbar dhigikaro sababtoo ah in markii dagaalkii Sudan 20 Sanno socday dad hal milyan lagu qiyaasayna ku dhinteen in aduunku xal u arkay laguna dhex-dhexaadiyay in afti la qaado dagaalkana la joojiyo hase ahaatee dagaalkii Somaliland ay la gashay soomalia ee 10 sanno socday ay ku jabisay ciidamadii soomalia ee siyaad barre maantana Somalia awood kuma leh arrimaha Somaliland oo inagu khasbaya in aynu gacmaha hoos dhigano, maadaama aynu ahayn laba dal oo isku biiray dibna u kala noqday.

Hadaba qadiyadda iyo ictiraafka Somaliland ma yaalo Soomalia ee aduunka kale ayuu yaala waxaanay ku xidhantahay dadaalkeena. taas oo aanu u aragna arrimahan dhawaan soo ifbaxaya in ay tahay fidmo laguna wiiqayo qarannimadeena iyo gooni isku taageena islamarkaana ay tahay arrin aan maanta taagnayn.

Xisbiga Cadaaladda iyo Daryeelka (UCID) wuxuu ugu baaqayaa Xukuumadda iyo Xisbiga talada haya in ay ka waantoobaan arrimaha dhabar jabka ku keenaya qadiyaddeena iyo rabitaanka Shacabka Somaliland, waxaanuna leenahay waa in aad gudataan xilkii laydiin igmaday.

Alla mahad Leh

          Afhayeenka Xisbiga UCID

Md Xasan Xusen Maxamed (Codyare)

   Yasmin Raygal

     Secretary of UCID Party

 Cell Phone  00252-2-4427304

 Office Phone 00252-2-528866

       Hargeisa- Somaliland

0 comments:

Post a Comment