Monday, January 17, 2011

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Oo Maanta Si rasmi Ah Xadhiga Uga Jaray Dhismaha Cusub Ee Wasaarada Diinta Iyo Awqaafta.

Hargeysa(bct)- Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Md.Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa maanta si rasmi ah xadhiga uga jaray dhismaha Cusub ee Wasaarada Diinta Iyo Awqaafta.

Dhismahan ayaa waxa lagu sameeyey dib u habayn balaadhan waxana  hore u daganaan jirtay intii aanay ka guurin Wasaarada Qorshaynta Qaranka, munaasibad balaadhan oo maanta loo sameeyey furitaanka dhismahaasi ayaa waxa ka soo qayb galay Masuuliyiin uu ka mid yahay  Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Md.Cabdiraxmaan Saylici, Wasiirada Diinta iyo Awqaafta, Maaliyada, Gaadiinka iyo Guryeynta, Ganacsiaga iyo Warshadaha, Wasiirka Cusub ee Warfaafinta Md.Xabsade, Xogahaya Guud ee xisbiga Kulmiye, Ganacsato, Xildhibaano, Ganacsato iyo Culimo Awdiin.

Furitaankii munaasibadaasi ayaa waxa ka hadlay Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Md.Cabdiraxmaan Saylici hadaladiisiina waxa ka mid ahaa “ Maanta farxad weyn ayey ii tahay in aan ka soo qayb galo munaasibada xadhiga laga jarayo dhismaha Cusub ee Wasaarada diinta iyo awqaafta, waana halkii inoogu saraysay diintu, in diinta la wanaajiyaan waa wax aad u qaali ah, waana wax aad loogu faano in aan hagaajinaa, Wasiirka Sheekh Khaliil runtii aad ayuu u dadaalay waana uu ku mahad sanyahay, sidoo kalena waxa aad u muhiima in uu Sheekhu dhul aad u weyn u helay Wasaarada, sidii dhulkaas loo dhisi lahaana Xukuumadu diyaar ayey u tahay waanay ka hawl galaysaa, in la helo Wasarad ka dhismo weyn tan na waa mid aad u muhiim ah.”

Waxa Kale oo uu Md. Saylici intaas ku daray “ waa in aan shareecada ku dhaqanaa, maaha in aan gaadh ka hayno, Wasaarada dhismaha aan u dhisayno waxa ay tahay in cid walliba doorkeeda ka qaadato, anaga Xukuumad ahaan waxa naga go’an, in wixii kolba la badali karo la badalo dalkan halkii aanu ugu nimid  qabyo badan in wixii isbadal lagu samayn karo  qabyadaasna lagu sameeyo anaga oo la kaashanayna Bulsho weynta reer Somaliland.”

Waxa kale oo uu Madaxweyne ku xigeenka Somalilan ka hadaly abaaraha dalka soo food saaray waxana uu yidhi “ waxa aad la socotaan in dalka ay abaaro iyo biyo la’aan soo food saareen, waanad ogaydeen in aynu salaadii roob doonta tuknay ,waxana aan fursadan maanta uga faaiiidaysanayaa in aan

Baaq ugu diro bulshada reer Somaliland, waxana aad la socotaan in maanta magaalda hargeysa foostada biyaha  in 10’000 oo shilig la kala sii sanayo, waxa aad qiyaasi kartaan dadka ku nool meelahaas tuulooyinka ee ay Ceeladhii biyhuna ka gudheen inta biayaha siinayo, waxa ay tahay in maadaama aynu Umada Islaama nahay in aynu iskaashano.”

Waxa kale oo isaguna halkaasi ka hadalay Wasiirka Wasaarada Diinta iyo Awqaafta Sheekh Kaliil Cabdilaahi Xasan waxa hadaladiisii ka mid ahaa “ walaalayaal waad ogtihiin masuuliyada Diintu waa mid aad u weyn, waana la socotaan taariikhada Wasaaradan maamuladii ka horeeyey maamulkan Wasarada cagta hoosteeda ayey galiyeen, waxa ay ka tageen waxa ay qabsan karaan, oo aanu angauba maanta qabsanay,  oo diintii IlAAHAY oo ahayd tii ugu qiimaha badnayd, culimadii joogay weydadaalayeen laakiin lalama wadin hadaan lagula wadinta waxaba kuu hagaagi maayaan”

waxa kale oo uu Sheekhu intaas ku daray “ wixii ugu horeeyey ee aanu ku fakarnay anaga oo Madaxweyanah la kaashaneyna waxa ay ahayd sidii Wasaarada Godkaas looga soo saari lahaa Madaxweynuhuna balantaas uu oofiyey oo maanta waa ta halkanka muuqata, waxana walaayaal ay himiladayada koowaad ay ahay in meeshii ay ku Culimadu ku kulmi lahaayeen, ku fakari laaayeen , ku wada tashan layaayeen loo diyaariyo, intii aanaa soo guurin waxa aanu dayrnay dhul  aad u balaadhan waxa dhulkaas oo aad u qiimo badnaa waxa lagu soo wareejiyey Wasaarada, waxa aanu isku danay in aanu Dhisme ka hirgalino qorshahaasina waa uu noo socdaa.” Ayuu yidhi Sheekh Khliil.

Waxa kale oo halkaasi ka hadlay Sheekh Maxamed Aadan Muxumed waxan uu tilmaamay in ay waxa wanaagsan oo aad u qaali ah  la wanaajiyo Dhisama wasaarada, isaga oo tilmaamy in ay tahay in iyadan la hagaajiyo dadka ka hawlgalaya.

Waxa kale oo uu baq u diray Sheekh Maxamed Aadan Wasiirka Cusub ee Wasaarada Wafaafinta  Somaliland Md.Axmed Cabdi Xaabsade waxa uu yidhi “ Xaaji Axmadoow waxa lagaa doonayaan in adiga oo kaashanaya wasarada diinta Umad in aad jianaysaan Umadan inaad toosisaan,Umadan in aad hormood u noqotaan, hadii aad idinku wakhtigiina dadka siisaan  oo aad wakhtgiina hurtaan, oo  aad umada jihaysaan waxaan shaki ku jirin in inbadan ladinka sheekayn dooni sida uu Ilaahayba Quraankiisa ku sheegay, waxa ay tahay in aad umadan u samaysaan barnaamijyo huru marinaya Diinta, dhqaalaha, dhaqanka, waxana naga baalna culimo ahaan in aanu Xukuumada la shaqayno.” Ayuu Sh. Maxmed Aadan.

0 comments:

Post a Comment