Saturday, February 26, 2011

Gudigii Aasitaanka Baraagaha Kalshaale oo Saaka Ka Anbabaxaya Magaalada Burco

Burco-(Burcotoday)-Gudi uu madaxwyanaha somaliland u xilsaaray aasitaanka Barkadihii dhibta badan ka dhalatay ee Kalshaale ayaa saaka ka subaxii hore ka jarmaaday magaalada Burco iyagoo ku sii jeeda deegaankaasi oo la filayo in maanta si rasmiya ay u aasaan baraagahaasi.

War degdeg Ah: Aqal Dhise Shan Makhsin  Ah Oo Ku  Yaala Xaafada New Hargeysa Oo Uu Dab Qabsaday MaantaGudigani aya isugujira xildhibaano,Agaasimaha Wasaarada Maaliyada,Maamulka Gobolka Togdheer iyo wax garad ka soo jeeda deegaankaasi kuwaasi oo fulinya amarkii madaxweynha ee ahaa in la aaso baraakaha khilaakfa weyn ka dhexdhaliyay beelaha wada dega deegaanka klashaale.
Deegaanka kalshaale ayaa ahaa mid uu khilaaf weyni ku dhexmaray beelaha Buuhoodle iyo qorilugud kaaso oo ka dhashay ka dib markii beelsha Qorilugud ay halkaasi ka samaysay 3baraajood taasi oo ay diideen beesha Buuhoodle iaygoo ku tilmaamay in deegakani uu yahay mid ay iaygu leeyihiin.
Dagaal Dhexmaray labada Dhinac ka dib ayaa Deegaanka Myagaagle waxaa laysu soo horfadhiisiyay labadii belood taasi oo ay dhexgaleen ergooyin ka kala socday Somaliland ioy Buntland oo ku dhexdhexaadiyay inay wadadegaan balse beesha Buuhoodle ayaa iaygu ka biyadiiday goaankaasi ku salaysanaa shareecada ee la qaaday.
Ugu Danbaytii Khilaafka Deegaanka Kalshaale ayaa sababay dhimashada Dad ku dhaw 60qof labad dhinacba waxaana lafilayaa in aasitaanka baraagahani ay wax weyn ka taridoonaan khilaafkii dhuleed ee deegaankaasi dhexyiilay Beelaha walaalaha ee wada dega .

0 comments:

Post a Comment