Tuesday, February 22, 2011

1924 kii ayaa Marsuum Suldaan Beelaha Yoonis Nuux lagu dejiyey Ceelka Hargeysa

Written by Caaqil Abdulrahman Hassan   
Feb 21, 2011 at 07:31 PM
12 Dec. 2008 kii  Jimce.
Haji Abdikarim Hussein Xafidahullaah oo ah Oday Dhaqmeed, Qaamuska Reer Somaliland ah oo Maalin iyo Taarikh kasta Kaalin weyn oo mug leh ka soo qaatay Dhismaha Somaliland tan iyo Isticmaarkii ayaa Khudbad dhinacyo badan taabanaysa ka jeediyey Madal laga dhegaysanaayey Warbixin ay hawlihii Diiwaangelinta ee Gobolka Hargeysa ka soo diyaariyeen Golaha Guud ee Beelaha Cidagale oo lagu qabtay Star Hotel 12 Dec. 2008.
Mar Haji Abdikrim uu ka hadlayey Taariikhda Hargeysa, waxa uu sheegay in Magaalada Hargeysa loogu yimid Beelaha Ciidagale iyo Arab, Magaaladanna ay aasaaskeeda ay lahaayeen oo hareeraha Beelo kale ka soo dageen, muddo dheer ka dib. Waxse uu xusay in Beelaha Nuh Isamil ee Sacad Musa ay maal galiyeen oo ay ku xigeen beelaha Makaahil Isxaaq iyo Cabdulla Sacad. Hadal Murtiyeedkan Haji Abdi karim waxay xusaysaa Taariikhda intu u soo joogay iyo inta uu Raadkeeada u soo gaadhay, waxanan ka soo qaadan doonaa Qodobadan:
  • Caleema Saarkii Suldaan Diiriye 1838 kii ee Ceelka Hargeysa iyo Imaatinkii Isticmaarkii waxa u dhaxaysay 46 sanno, halka Sheekh Madar iyo Xertiisii ay Hargeysa soo gaadheen hal sanno ka dib 1884 kii, Xilligaas oo ay jireen Ceelasha:

  1. Ceelasha Xakamane iyo Af Weyne ee ku yiil Dabada Cadaadda
  2. Ceelka Beerta Suldaanka ku yiil
  3. Ceelka Beerta Hadhwanaag ku yiil
  4. Ceel ku yiil kobtaa Fooqa Jajabku ku yaalo
  5. Ceelka Halaye
  6. Ceelka Dhoqor ee Aw barkhadle
  7. Labada Ceel ee Galbeedka Xaraf iyo Arabsiyo
  8. Dhinaca Bari na Ceelka Dhubato iyo Ceelka Siig 
Ceelashan siman ee Hargeysa intooda badan way qodnaayeen kolkii dadkii iyo Bulshadii deganeyd laga riixay, waana laga cabaayey tan iyo goortii la degay oo ku sinayd dabayaaqadii Qarnigii 17 aad, Biyaha Hargeysa weysada way ka horeeyeen!!!
  • Cudurka Duumadu kama jirin Ceelka Hargeysa iyo Nawaaxigeeda oo hodan ku ahaa Dhir iyo daaqba. Dhirtaa waxa ka mid ahaa labada geed ee kala ahaa Erginta iyo Dacarta, halka labadaa geed ay ka baxaan ee lagu arko kama jirto kumana noolaato Kaneecado!! Labadaa geed oo soo dhawaaday, waxa ay dabar go een kolkii la jaray ee dhulkii la balloodeeyey. Kaneecada Ceelka Hargeysa Yuus mooyee cid may soo ridi jirin mana dilin. Aagga harooyinka, Hara Gar Duur iyo Hara Digeed ayey wax ku dishay. Waa halka ninkii Ogaadeen uu ka yidhi markii laga riixay Harooyinkaa ,, Wallee Dhul Quruxdii iyo Dumo uga nimid,,. Dhulka wixii ka hooseeyey Harooyinkaas laguma arag Cudurka Duumada.
  • 1885 kii Sheekh Madar iyo Xertii uu watay kolkay yimaadeen waxa Hargeysa ku qaabilay Suldaan Diiriye waxana lala dejiyey Sheekh Haruun oo  Xaafadda Jameeco Weyn sii deganaa, ahaydna Xarun iyo Saldhig lagu barto Quraanka iyo Culuumu Diin. 
  • May 1891 kii ayaa la bixiyey Magaca British Somaliland Protectrate ka dib Heshiiskii Soohdimaha ee dhex maray Boqortooyadii Ingiriiska iyo Talyaaniga.
Imaatinkii Lord Delamere :
Delamere wuxu markii ugu horeysay Somaliland uu soo cago dhigtay 1891 kii isaga oo sannad walba ku soo noqon jiray oo sahan iyo Ugaadhsi u iman jiray. Sannadadii hore waxa saldhig u ahaa Deegaanada Berbera iyo Burco. Hatafkiisa kowaadna ee socdaalkiisu ahaa sidu ugu gudbi lahaa Dalka Kenya, ayaa lagu talo siiyey in Saldanada Ciidangale ee saldhigeedu yahay Hargeysa uu ka heli karo Cudud iyo Gaadiid Jid Marinka dhulkaa gudban ee uu ku gaadhi karo Kenya. Gu gii 1894 kii ayuu soo gaadhay ceelka Hargeysa isaga oo wata saddex Rati oo midna fuushan yahay, labana u raran yihiin, nin Turjumaan ah oo H Jeclo ahaa iyo laba nin oo Body Guards ah oo Hindiya (Kujuraati).

Haji Meygaag Cilmi Geedi ( Meygaag - Ilka dheere ) la Taliyaha Suldaan Diiriye iyo Lord Delamere:
Sida in badan aynu ku maqalnayTaariikhda, suuganta iyo maansooyinka, Magaalada Hargeysa waxa la odhan jiray oo loo Yaqaanay Herer, taas waxa ka marag ah gabayada ay ka mid ahaayeen, ka uu tiriyey Ina Cabdulle Hassan:
Gadh hunguriya habar Younis iyo Herer nin joogaa leh
iyo kii Xasan - Tarabi uu lahaa:
Daarood intan dilis lahaa ama la doodaayey
Doqonkii Ogaadeen intaan dabin u qoolaayey
Geeleena dayr dhalay intaan dal u sameynaayey
Ayuun baaba dayr lagu xakabay dooxyadii Harar
Goor ma iyo sidee ayaa Magacii Herer loo bedelay Hargeysa?
Lord Delamere ayaa Suldaan Diiriye iyo Haji Meygaag weydiiyey Magaca Magaalada. Waxay u sheegeen in Herer la yidhaahdo. Delamere waxa uu ugu jawaabay ,, There are too many Herers in East Africa,, isaga oo ku lamaaneeyey Herer ta Ethiopia. Waxa markiiba magacii Herer bedelay Haji Meygaag oo yidhi,, Magaaladan lama yidhaahdo Herer ee waxa la yidhaahdaa Hargageys,,. Siiqadii danbe na waxa laysku dhuftay labadii erey Harga geys oo laga dhigay Hargeysa. Haji Meygaag wuxu ahaa Mustashaarka Suldaan Diiriye, sidaas ayaa Xukuumadda Ingiriisku ku diiwaangeliyey Magacii Hargeysa ee Haji Meygaag uu bixiyey.
Lord Delamere waxa uu Suldaan Diiriye ka codsaday in uu Magaalada meel ka dejiyo, in uu Nabad gelyadiisa uu sugo inta uu magaalada degan yahay iyo in uu gacan ka siiyo sidii loo jid marin lahaa ilaa Kenya, haddii ay Ciidan iyo Gaadiid (Awr)tahay. Waxa la dejiyey oo saddex Teendho uu ka dhistay boqcadda Qudbiga ka taagan yahay. Saddex Teendho mid isagaa geli jiray, Midna waxa uu ku qaabil jiray Suldaan Diiriye iyo Haji Meygaag, ka saddexaadna waxa u hoyan jiray Turjumaanka iyo Gaadhka.
1894 kii ayaa Delamere ayaa dhaawac culus gaadhay mar uu libaax soo weeraray. Cabdilaahi Maxamuud Hiraab ,, Shuuriye,, oo ka mid Ciidanka Saldanadda ayaa ka badbaadiyey libaaxii una suurto geliyey in uu isticmaalo qorigiisi. Weerarkaas Delamere noloshiisa intii danbe oo dhan wuu gacan la aa. Sannadkii danbe jagadii ay Teendhooyinku ka taagnaayeen ayuu guri ka dhistay.
1896 kii ayaa Delamere iyo Ciidan Boqor oo 200 Rati u rarnaayeen ka baxeen Hargeysa oo uu watay Hussein Hassan Robleh.  Sannadkii danbe ayey gaadheen badhtamaha Kenya. Maanta Hoyga Hidaha iyo Dhaqanka ee Nayroobi waxa yaal Xasuus Qorkii Delamere iyo Sawiradii raggii jid mariyey oo uu ka mid yahay Hussein Hassan sawirkiisii. 
Haji Abdikarim isaga oo hadalkii sii wata waxa uu yidhi ,, Waxa la yidhi Suldaan Diiriyaw aqalkaa gal. ,, Waar daartan wax igu qufuli maayaane, Sheekh Madar kutubta roobka ha kala galo ayuu yidhi. Dixda waxa ka sareeya xukun baa la yidhi. ,, Waar tuulahan aniga wax i dhigi maayaane, Sheekh Madar ha xukumo ayuu yidhi. Ilaa daantan iyaga ayaa xukumaayey, ammaan iyo sharaf bay ku lahaayeen, iyaga ayaa magaaleeyey, Reer Nuh Ismail iyo Illaahay baa magaaleeyey, ayuu Haji Abdi karim ku soo gunaanaday
Waxa sidoo kale jirtay, Beelaha Isaaq ee Huwanta Ciidagale, Arab iyo Ayuub ayaa  cudud iyo waran caaradiis ku soo guuray kuna degay dhulkaas, Beelaha kale Nabad iyo dhul loo baneeyey ayey ku soo dageen. Dhul riixa iyo colaadu marna ma damin, hawd iyo galbeedba. Waxan halkaa tilmaami doonaa daba yaaqadii qarnigii 19 aad, Ciidankii Huwanta ee Ciidangale waxay marayeen nawaaxiga Dhurwaale, Jigjiga Xaad iyo Fiyaanbiiro oo ilaa hadda ay ku dhaqan yihiin Beesha Muuse Celi Arab ( Bursuug ). Xoog iyo Cududna ilaa maanta ku degan oo dhulka meel iyo bannaan ka degay, waa beesha uu ka soo jeedo Suldaanka Guud ee Beelaha Isaaq ee Kililka 5aad  ee Somalida Suldaan Abdi Ali Shagaxle.
Magaalada Berbera oo si wacan loo degay, ahaydna Xarun Ganacsi oo waxna laga soo dejiyo, waxna ka dhoofaan, kuna xidhneyd Yeman, Bombay India iyo Dalalka Khaliijka  sida Shaariqa. Waxa saldhig weyn oo Badda ah ka sameystay Berbera Isticmaarkii si u Badweynta Hindiya iyo Marinka Ganacsiga uga ilaashado iyada oo uu soo holcaayey Dagaalkii Kowaad ee Aduunku. Khilaaf Ganacsi oo ba an oo dhex maray Beelaha Nuh Ismail ayaa lagu kala qaxay Berbera. Younis Nuh iyo Makaahil Isxaaq ayaa u guuray Bulla Xaar Ganacsigoodiina halkaa ka bilaabay. Dekeddii Bulla Xaar wax badan may sii shaqeyn, sababa dhacay awgeed:
  • Ganacsigii Maxmiyaddii Cadan iyo Dekedda Berbera oo isku xidhmay. Shaqaalo badnaa oo Somalilanders ah oo ka shaqeyn jiray Bureeqa Refinery iyo Ciidamada Badda ee Isticmaarka ayaa iyana qayb weyn ka ahaa Kobcinta iyo dhaqdhaqaaqa Ganacsi ee Berbera oo inta badan cidhiidhi iyo saameyn weyn ku yeeshay dekeddii Bullaxaar ee Tartanka la gashay Berbera
  • Duufaan ba an oo ku habsaday Bullaxaar oo Magaaladii ba aasantay oo Raadkeedii ilaa maanta uu ka muuqdo Magaalada.
1924 kii oo Marsuum Suldaan lagu soo dejiyey Beelaha Younis Nuh ee Sacad Muuse Ceelka Hargeysa:
Sida Taariikhdu aynu ku hayno Reer Nuh Isamil mar ma soo wada degin Hargeysa, waxana soo horeeyey Younis Nuh oo ka soo hayaamay Bullaxaar. Waxa Beeluhu ay iska soo horeysiiyeen Odayaal Maal Qabeen ahaa si loogu ogolaado Degitaanka Ceelka, Taariikhdaas oo ahayd 1924 kii. Waxay ka soo dirteen fariin meesha la yidhaahdo Dhamal - Dhafaruur oo geed hoostiis uu maqaaxi ku haystay nin isla reerkaas ahaa oo la odhan jiray Cabdilaahi Ducaale ,, Gaboobe,,. Laba wiil ay soo dirteen, waxana ay ku yidhaadeen Jaambir Kahin Suldaan Hassan u taga ii u sheega in aanu halkan ku suganahay kuna sugeyno. Fariintaasi ka dib waxa loo diray laba nin oo la kala odhan jiray Ibrahim Shide Xareed (Naaleeye - Qarfaan) iyo Cali - Dayr Hussein Hassan. Odayaasha hormoodka ahaa waxa ka mid ahaa Haji Xawaadle Madar, Haji Ali Guhaad iyo Haji Ildab iyo odayaal kale oo badan. Sidii ayaa odayaashi ku yimaadeen oo Shir lagu qabtay Beerta Suldaanka lagu dejiyey Hargeysa Xaafadda laba Nuh. Maamulka Saldanadda ee Dib u Dejinta waxa hayey Sheekh Mohamoud Sh. Haruun sh. Ali, halka Ibrahim Ali Robleh ( Caga dhig dhig ) na uu ahaa Camp Boss qoys kasta uu qaydi jiray barta uu ka degaayo xaafadda.
Reer Ahmed Nuh way ka danbeeyee, waxana ay ka soo guureen Ciise Muuse oo Kacdoon Deegaan Doon ku muujiyey Berbera, Murankooduna waa uu soo dhawaaday. Waxana Daliil u ahaa Tixda Omer Uustareeli oo ahaa oday Reer Ahmed kuna haystay Meherad xilligaa Reer Ahmed uu gacanta ku hayey Ganacsiga Berbera, Gabaygiisa waxa ka mid ahaa:
Haddii Ciise Muuseba Berbera Caawa iga sheegtay
                                       oo uu Cidagale ii diray iyo Ceelkii Harar Waalo
iyaba waa cibaarooyinka Aakhir saben oo caawa la arkaa
Tixdan gaaban ee Haji Omer waa Markhaati cad oo tilmaamaysa xaqaaiqa iyo siyaabaha wax u socdeen sidii ayeyiyana ku degeen
Waxa sannadkaa sidan hore Taariikhda ku xusay ku soo dhammaaday Degitaanka Hargeysa Beelaha Rasmiga ku ah ee Daaud Garxajis, Arab Sh. Isxaaq, Ayuub Sh. Isxaaq, Isxaaq Carre iyo Nuh Ismail oo ay weheliyaan Makaahiil Isxaaq iyo Cabdalla Sacad.
Waa inoo Qormada 4 aad oo aan ku eegi doono , Falanqeynta Buugga uu qoray Mud. Abdi Risaaq Caqli ee uu soo bandhigay Qoraaga Axmed Cabdi Dalmar Sep. 03,2009 Iyo Cahdigii Suldaan Abdillahi Suldaan Diiriye Suldaan Hassan 1942-1967 kii.
Waxan Illaahay ka baryayaa dhammaan inta aan magacyadooda ku xusay qoraalkan in uu naxariistii janno ka waraabiyo  Aamiin.
Caaqil Abdulrahman Hassan Haji adan
Ludvika   Sweden
benhassan39@yahoo.com

0 comments:

Post a Comment