Wednesday, February 9, 2011

War Deg Deg Ah. Madaxweynaha Somaliland Oo Maanta Si Rasmi Ah Cafis Ugu Fidiyey Boqor Raabi iyo Gudoomiyaha Wargeyska Waaheen Md. Xuuto

Hargeysa (Burcotoday)- Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa maanta si rasmi ah cafis ugu fidiyey Boqor Raabi iyo Gudoomiyaha Wargeyska Waaheen Md. Maxamuud Cabdi Jaamac Xuuto.


Cafiska Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Siilaanyo uu u fidiyey labadan xubnood ayaa waxa ay ka dambaysay ka dib markii kulkan balaadhan uu Madaxweynuhu saaka Qasriga Madaxtooyada kula yeeshay Guud ahaan Salaadiinta iyo Cuqaasha Somaliland, ka dibna ay salaadiintaasi Madaxweynaha ka codsadeen in uu cafis u fidiyo fidiyo Boqor Raabi iyo Gudoomiyaha Wargeyska Waaheen Md. Maxamuud Cabdi Jaamac Xuuto, oo labaduba ku kala jira Xabsiyada Magalada Hargeysa iyo Gabiley.


Waxa sida uu Oodweynnews u xakhii jiyey mid ka salaadiinta Madaxweynaha la kulantay, waxa uu Madaxweynuhu u sheegay in uu Salaadiinta ka aqbalay Cosigoodaa, isla markaana uu amray siidaynta Boqorka Raabi iyo Wariye Xuuto.

Sida oo kale waxa siidaynta labadn masuul xakhiijyey Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland Md. Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse).


Xigasho Oodweynenews

0 comments:

Post a Comment