Monday, February 21, 2011

Ciidanka Qaranka Somaliland Oo La Wareegay Fadhiisimadii Kooxda SSC Ee Taageerada Ka Haysta Maamulka Budhcad baddeedka ee xaruntiisu Garoowe Iyo Tirada Maxaabiista Laga Qabtay

Burco (BCT) Ciidanka qaranka Somaliland ee ku sugan jiida hore ee duleedka Buuhoodle ayaa gebi ahaanba la wareegay subaxnimadii hore ee saaka saddex goobood oo fadhiisin u ahaa Maleeshiyada Nabad -diidka SSC ee taageerada ka haysta maamulka budhacad-badeedda ee xaruntiisu tahay Garoowe.  Talaabada ciidanku kula wareegeen goobahaa oo fadhiisin u ahaa Maleeshiyadaa ayaa ka danbaysey. Kaddib markii ay cutubyo ka tirsan ciidanka Qaranka Somaliland ku ruqaansadeen saaka subaxnimadii hore halkaa, iyagoo gacanta ku dhigay 29 maxbuus oo ka mid ah malayshiyadaa iyo hal gaadhi oo kuwa gaashaaman ah, isla markaana kala wareegay fadhiisimadii dhufayska u ahaa kooxda oo kala ah Maygaagle, Sool joogto iyo Hagoogane. Ma jiraan warar rasmi ah oo sheegaya halka ay ku danbeeyeen malayshiyadii goobahaa deganayd, balse warardhinaca Buuhoodle ay ka heshay shebekada wararka ee Araweelonews ayaa sheegaya inay firxadkii kooxdaasi galeen gudaha magaalada Buuhoodle.Wararka ka imanaya aaga hore ee fadhiisimada ciidanka qaranka ayaa sheegaya in mid ka mid ah ciidanka qaranka uu soo gaadhay dhaawac fudud, iyadoo aanay jirin cid ku dhimatay.Dhinaca malayshiyada ayaanay jirin warar faafhaahsan  oo sheegaya inta uu leegayahay khasaaraha soo gaadhay, balse waxa jira warar sheegaya inay ilaa 4 ka mid ah malayshiyadu dhinteen, dhawaacuna tobaneeyo yahay.  Talaabada ay qaadeen ciidanka qaranka Somaliland ayaa cabsi ku abuurtay dadka magaalada Buuhoodle  oo malayshiyadu ka dhigatay gabood ayku gabadaan.  Malayshiyada nabaddiidka ah ee SSC ayaa taageero siyaasadeed iyo hub
ka helay dhowaan kooxda dawladda ku meel gaadhka ee Somalia iyo  maamulka
Budhcadbadeeda ee xaruntiisu tahay Garoowe. Sidoo kale waxay hub iyo saanad milateri
ka heleen dawladda Eretria ee sida weyn uga qayb qaadata qalalaasaha iyo
mushkiladaha dagaalada ka socday Somalia labaatankii sannadood ee u danbeeyay

0 comments:

Post a Comment