Tuesday, March 1, 2011

Madaxweyne Siilaanyo Oo Qasrigiisa Ku Qaabilay Wefti Maal-gashadayaal ah Oo Ka Kooban Todoba Xubnood

War-saxaafadeed uu ka saxiixanyahay Afhayeenka Madaxtooyada Mr Cukuse, oo Kulankaasi lagu faahfaahiyey ayaa goor dhawayd soo gaadhay xafiiska warqabadka Hadhawnaag Media, waxaanu u qornaa sidan:

War-Saxaafadeed

Madaxweynaha JSL Mudane: AXMED MAXAMED MAXAMUUD (SIILAANYO) ayaa Qasriga madaxtoooyada maanta ku qaabilay Wefti 7 xubnood ka kooban oo Maal-gashadayaal ah kana socda Dalka Maleysiya.

Madaxweynuhu waxa uu Xubnaha Weftiga uga Waramay Siyaasada Xukuumada Somaliland ee la Xidhiidha Maalgashiga Dalka, waxaanu Madaxweynuhu si faah-faahsan u cadeeyey inay Dawlada Somaliland Gacmo furan ku soo dhawaynayso Cidkasta oo maalgashi ku samaynaysa qaybaha kala duwan ee khayraadka Dalka. Sida:-

Beeraha, Kalluumaysiga, Bada, Ganacsiga, Macdanta, Shidaalka iyo IWM.
 

Madaxweynuhu waxa uu sheegay in ay Shuruucda Maalgashiga iyo Nabada taala  Dalku u fududdaynayso una suurta gelinayso, cidii Danaynaysa in ay maalgashato Somaliland.

Xubnaha weftiga ayaa iyaguna sheegay sida ay ugu faraxsan yihiin kulanka madaxweynaha iyo sida loogu soo dhaweeyey Dalka, waxaanay sheegeen in ay Nabadgelyada Somaliland iyo Khayraadka Dihin ee yaallaaba ku dhiiri gelinayaan maalgashiga dalka ee ay u yimaaeen.

Dhinaca Xukuumada waxa madaxweynaha ku wehelinaayey ,Madaxweyne ku xigeenka JSL &  Chief of Cabinet-ka Madaxtooyada JSL.

Dhinaca Weftiguna waxay kala ahaayeen Sidan :-

1.        Dato Ir. Aziz bin Mustafa                        Director of JPZ & Advicer
2.       Shamsul Anuar bin Shasudin     Director, Cosign Sdn bhn
3.      Nik Arshad bin Nik Mohamed     Director, Kumpulan Senireka
4.     Nik Azlan bin Nik Mohamed        Director, Kumpulan Senireka
5.      Idris bin Mohamed Noh              Director, Arab Saudi
6.      Rosli bin Abu Bakar                              Broadcast
7.       Hassan bin Samian                                Regional Manager, Propel Abu Dhabi, UEM




 





ALLAA                         MAHAD                             LEH


Cabdillaahi Maxamed Daahir  ( Cukuse )
    Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.


0 comments:

Post a Comment