Saturday, February 26, 2011

War degdeg Ah: Aqal Dhise Shan Makhsin Ah Oo Ku Yaala Xaafada New Hargeysa Oo Uu Dab Qabsaday Maanta

 Hargeysa (BCT) –Aqal Dhisme ah oo ku kala yaala xaafada  New Hargeysa ayaa uu dab qabsaday maanta abaaro 10:30 hudurnimo, gurigaasi  oo ka dhigaya tirada Guryaha gubtay mudo Bil Gudaheeda ah 36, aqal oo dhamaandood ku yaal Magaalada Hargeysa.

 

Wararkii ugu dabeeyey ee dabkaasi ayaa waxa ay sheegaan in goor dhaweyd uu dab qabsaday Aqal daar ah oo ku yaal xaafadaha New Hargeysa , dabka qabsaday guryahaasi gubatay maanta ma jiraa cid wax ku noqtay, marka laga yimaado Hintii uu dabkaasi Burburiyey.


waxana ay warku sheegayaan in uu Dabkaasi Gurigaa qayb ka mid ah iyo wixii hani hoos yaalay uu baabiyey halka intii kalena laga soo gaadhay oo lagu guulayatay bakhtiinta dabkaasi isaga oo aan wada  guryahaas.


Gurigani ayaa waxa uu Xaafada New Hargeysa kaga sii yaalaa Goobta la yidhaa Baarliin, waxa Guriga maanta Gubatay oo ah Aqal shan maqsin ah leh Muwaadin reer Somaliland ah oo maga ciis ala yidhaa Cali Xasan.


waxa guriga wakhtigaas uu dabku kacay ku sugnaa laba  qof, waxa ay sheegeen in ay ku baraarugeen ololka iyo qiiqa ka kacay jiingada guriga ah ku jireen.


waxa Markiiiba goobtaasi gaadhay gaadiidka Dabdamiska  iyo Kooxo Saxafiyiin ah, dadaal dheer ka dib waxa lagu guulaystay in dabkaas la joojiyo.


Gubashada guryahan ayaa waxa ay noqtay dhibaato aad u weyn uu warwar ku noqtay Guud ahaan dadweynaha Magaalada Hargeysa gaar ahaan kuwa ku dhaqan xaafada New Hargeysa oo ah goobta ugu saamaynta badab ee dabkani uu dhibaatda u weyn u geysatay.


0 comments:

Post a Comment