Wednesday, February 23, 2011

Shaqalaha Hayada Wadaniga ah “CANDLELIGHT ERIGAVO” oo si Muwaadinimo leh Tagero ugu Sameyey Cisbitalka guud ee CEERGABO

Ceerigaabo-(Burcotoday)-Dhalinyarada ka shaqeeya hayada CANDLELGHIT O si hagar la ana ugu deeqday sodon lawdh oo jayga wadooyinaka ah dhakhtarka weyn ee ceerigabo .iyadoo marwalba ay hayada ay ka shaqeyan u heelan hawlaha wax loogu qabanayo dadyowga tabaleysan iyo bulsho weynta inteeda kale .


Dhalinyarada aqoontooda ku gartay iyagoo wax tagero iyo amaan ku helayn inay dhibtaa ka qaybqaatan  isagana     u ruriyaan lacagta ku baxaday ayaa hadana malintii labaad sameeyey inay ku kala bixiyaan meelihii aad ka u liitay ee boodhka iyo saxo xumadu ka jirtey ,meelahaas oo ahayd meel aad looga caban jirey mudo badan ayaa maantana ah meel wanaagsan oo dadku caadi umari karan wax siigo ahina kaga kacayn dadka bukaanka ah ee jiifa dhakhtarka
 .

Waxaa iyana taagero weyn oo kala bixinta iyo hagajinta ah siiyey ciidanka milateriga oo oo si hagarla an aula qabytay iyo shaqaalaha cisbitaalka weyn oo ku sugnaa goobtaas  .


Hadaba waxaa halkaa ku sugnaa madaxda hayada oo magaciis la yidhahdo mohamoud abdulahi aden (KHAAN) isagoo  warbixin kooban naga siiyey  hawshan iyo doorka ay ka qaadteen ayaa wuxuu hadalkiisa ku bilaabay ‘anagu waxaanu nahay dhalinta wax usoo baratay dadkeeda iyo dalkeeda hawshan aanu manta wanaana ma aha mid aanu cid waxkaga soo qaadanay mana aha mid aanu wax ku doonayno lakin markanu aragnay dhibatada ka jirta dhakhtarka oo ah mid u baahan inyaroo samir iyo lacaga ayaanu isu xilqaanay inaanu shaqaalaha hayada CANDELIGHT ERIGAVO inaanu iska ururino lacagtas oo u soo iibino ilaa sodon lawdh oo jayga wadooyinka ah islamarkana waanu ku guulaysanay oo ilaah wuu nala garab galay siday ahaydna way noogu fushay hawshi ,mantana waad aragtayo dadkii bukay iyo dadkii kale eek u sugnaa way ka ladan yihiin dhibtii”
Wuxuu kaloo intaa raaciyey inay dhalin yarada ugu baqayaan war wixii dadka iyo dadlka wax tar u ah halaga qaybqaadto oo yaan wax laga sugin cid debeda inooga timaad .

Ugu danbayntii mar aanu wax ka weydiinay dadyowga bukaan jiifka ah eek u sugan dhakhtarka ayaa waxay noo sheegen inay u ducaynayaan dhalinta isu xilqaantay hawshan oo aah mid mudo dheer wax laga qaban waayey.
c/naasir khaalid siciid
hadhwanaagmedia

ceerigaabo

0 comments:

Post a Comment