Monday, February 21, 2011

Tifaftiraha Wargeyska Waaheen oo Xorriyadiisi loo soo Celiyey

Feb 20, 2011 at 03:26 PM
Hargeisa(Qaran news)-Tafaftiraha Guud ee Wargeyska Waaheen Maxamuud Cabdi Jaamac (Xuuto) ayaa Maanta si rasmi ah loogu soo celiyey Xoriyadiisii ka dib markii uu muddo bil ah ku xidhnaa Xabsiyada Hargisa iyo Gabiley.
Tafaftiraha oo maanta markii Xoriyadiisa loo soo celiyey Magaalada gabiley ay ka soo Galbiyeen qaar ka mid ah hawl-wadenada Waaheen ayaa sheegay in Xaaladiisu aad u fiicantahay,isla markaana uu aad ugu faraxsanyahay sii deynta la sii daayey,isaga oo Xusay in intii uu jeelka ku jiray aanay wax dhibaato ahi soo gaadhin.
Tafaftiraha ayaa sheegay in Xayiraadii Booqashada ee ay Xukuumadu ku soo rogtay markii uu ku Xidhnaa jeelka Magaalada Hargeisa ay sabab u ahayd, maamulka Jeelkaasi oo aan gacanta ugu jirin Dawlada Somaliland balse ay maamulaysay Hay'ada UNDP oo dib u dhis ku samaysay dhismihiisa,isla markaana aanay Xukuumaddu si rasmiya ula wareegin wakhtigaasi.
waxaanu isaga oo arimahaasi ka hadlaya yidhi "wallaahi wax dhibaato ah oo aan kala kulamay may jirin intii aan ku jiray jeelka waxaan ahayn duufaanta iska caadiga ah ee ka jirta jeelasha iyo cidhiidhiga,gaar ahaan jeelka Gabiley oo aad u yar, laguna soo xidhay maxaabiis aad u tiro badan aan loogu talo gelin,waxaanan ku baaqayaa in jeelkaasi wax laga qabto oo laga kala dhimo Maxaabiista ku jirta, jeelka Hargeisa markii aan ku jiray waxaa jirtay in la iidiido dadkii isoo booqanyey,taasna waxa keentay Jeelkaasi oo aanay dawladu la wareegin shaqadiisa ee ay gacanta ku haysay Hay'ada UNDP oo maamulaysay, loomana ogalayn cid soo gasha, markaasi sidaas ayaa ahayd sababta la iigu diiday dadkii i soo booqan lahaa."
sii daynta Tafaftiraha Wargeyska Waaheen Maxamuud Cabdi Jaamac(Xuuto) ayaa ka dambeeyey Cafis uu dhawaan Madaxweyne Siilaanyo u fidiyey Isaga iyo Boqor Raabi,kaasoo muddo haatan laga joogo laba todobaad uu ku dhawaaqay madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo),balse sida la sheegay ay dhexda u galeen qaar ka mid ah Masuuliyiinta Madaxtooyada Somaliland oo aan raali ka ahayn in tafaftiraha la sii daayo,iskuna deyey inay meesha ka saaraan Cafiskaasi madaxweynaha in kasta oo aanay u suuro gelin,iyada oo todobaad ka hor la sii daayey Boqor Raabi oo mar la wada cafiyey.
Tafaftiraha guud ee Wargeyska Waaheen ayey hore Maxakamada Gobolka Hargeisa si ka baxsan shuruucda dalka iyo Xeerka Saxaafada Somaliland ugu Xukuntay 3 sanadood oo Xadhig ah iyo 6 milyan oo SL.SH, Xukunkaasi oo Qareenka u doodayey Tafaftiruhu ku tilmaamay mid sifo sharciga iyo gadhsoorka waaqafsan kana baxsan xeerka dacwada lagu soo oogay, iyada oo Xukunkaasi uu Qareenkiisu markiiba makaxakamada kaga dhawaaqay in uu ka qaadan doono Ambiil, waxaana markale Dacwada Tafaftiraha Waaheen ka bilaabantay Maxakamada Rafcaanka ee Gobolka Hargeisa,taasi oo iyada oo lagu gudo jiro uu Madaxweynaha Somaliland ku dhawaaqay Cafiska uu u fidiyey Tafaftiraha Guud ee Wargeyska Waaheen Maxamuud Cabdi Jaamac (Xuuto) iyo Boqor Raabi.
Dhanka kale, intii uu soo baxay Cafiska Madaxweyne Siilaanyo u fidiyay Tifaftiraha Waaheen waxa mu’aamaradayn ka dhan ah Cafiskaasi inaanu meel marin isku dayay Saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Somaliland oo ka biiya-diiday go’aanka Madaxweynaha, iyagoo ugu dambayntii ay Madaxtooyaddu amartay in Xeer Illaalinta Guud ee Qaranka in ay Cafiskaasi ay waafajiso waxa ay ku tilmaameen nidaamka loo maro Cafiska.
Ugu dambayntii Xeer Illaalinta Guud ee Qaranka ayaa ku war-gelisay Qareenka inuu qoraal codsi Cafis ah ka soo qoro Rafcaanle Maxamuud Cabdi Jaamac (Xuuto) kaasi oo uu si wayn uga biyo-diiday, tilmaamayna in Cafiska Madaxweynuhu fidiyay awgeed ay u joojiyeen Dhagaysigii iyo Garsoorkii Maxkammada Rafcaanka, waxaanu u dhignaa Qoraalka Rafcaanluhu sedan “ Ujeedo Ka noqosho Rafcaan, Anigoo ah Rafcaanle Maxamuud Cabdi Jaamac (Xuuto) waxaan halkan ku caddaynayaa in aan ka noqday isla markaana aan joojiyay Rafcaankii aan ka qaatay xukunkii ay igu riday Maxkammada Gobolka Hargeysa, ka dib markii Madaxweynaha JSL uu cafis ii fidiyay, isla markaana aan qaatay Cafiskaasi.
Xukunka Maxkammada Gobolka Hargeysa igu riday oo summadiisu ahayd MGH/DDL/1007/2010 kuna taariikhaysnaa 25/01/2011.
Allah Mahad Leh
Rafcaanle
Maxamuud Cabdi Jaamac
Iyadoo Madaxweynuhu tix-raacayo qoraalkaasi Rafcaanlaha wuxuu Digreeto Madaxweyne ku soo saaray Cafiska uu u fidiyay Tifaftiraha Wargeyska Waaheen waxaanu u dhignaa qoraalkaasi sedan

Xeer Madaxweyne No: 0144/022011 ee Cafis Madaxweyne, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland:
Markuu Arkay:          Qoddobka 90aad xubintiisa ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland,
Markuu Arkay:          Qoddobka 149 ee Xeerka Ciqaabta Guud iyo Qodobka 255 ee Xeerka Habka Ciqaabta,
Markuu Arkay:          Xukunka Maxkamadda Gobolka Hargeysa MGH/DDL/1007/2010 ee 17/02/2010
Markuu Arkay:          Qoraalka codsiga ah ee uu Maxbuusku soo gudbiyay iyo rafcaan ka noqoshadiisa,
Wuxuu Go’aansaday
In laga bilaabo taariikhda manta uu cafis gaar ahaaneed u fidiyo Maxbuus Maxamuud
Cabdi Jaamac (Xuuto), oo ay Maxkamadda Gobolka Hargeysa ku xukuntay saddex sano
oo xadhig ah.

Allah Mahad Leh,

Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo
Madaxweynah Jamhuuriyadda Somaliland
Ugu dambayntii ay Xeer Illaalintu fartay Ciidanka Asluubta in sida ugu dhakhso badan Xorriyadiisa loogu soo celiyo Tifaftiraha Waaheen, waxaanu u dhignaa qoraal ay u gudbisay Talisk Ciidanka Asluuta sidan “Anigoo Tix-raacaya degreetadda Madaxweynaha JS lee sumadiisu tahay JSL/M/MX/249-370/022011, ee 19/02/2011, ahna Degreeto cafis Madaxweyne lambar No.0114/022011, kuna cafiyay maxbuuska magiciisu yahay Maxamuud Cabdi Jaamac (Xuuto) kaasoo ku xidhan Xabsiga Gabiley.
Sidaasi darted, iyadoo la fulinaayo amarka degreetada Madaxweynaha JSL waxaa lagaa codsanayaa in sida ugu dhkhso badan loo sii daayo maxbuuskaasi sare ku xusan.
Allah Mahad le
Xasan Axmed Aadan
Xeer Illaaliyaha Guud eee Qaranka

0 comments:

Post a Comment