Wednesday, February 2, 2011

Budhcad Badeed Soomaali Ah Oo Ka Codsaday Dowladda Koonfur Kuuriya In Loo Ogolaado Inuu Dalka Iska Joogo.

Seoul (Burcotoday)- Wargeys ka soo baxa dalka Koonfurta Kuuriya ayaa qoray in mid ka mid ah Budhcad badeedka Soomaalida ah ee lagu xidhay xabsi ku yaala dalka koonfurta kuuriya   oo ah 21-jir ah ayaa ka codsaday sarkaal katirsan dambi baarista Koonfurta Kuuriya in loo ogolaado uu dalka iska joogo oo aan dib loogu celinin Soomaaliya.

Shan kamid ah Budhcad badeeda Soomaali oo ay todobaadkii hore gacanta ku dhigeen ciidamadda badda ee Koonfur Kuuriya  ayaa sheegay in noolasha taala xabsiga lagu hayo ay aad uga wanaagsan tahay tii ay ku haysteen Soomaaliya,  Wargeyska ayaa soo xigta sarkaalka dambi baadhiska isaga oo leh, “Kuwa kale ee Burcad badeeda ah waxay sheegeen in noolasha xabsiga ay ku jiraan ay ka wanaagsan tahay mid taala hoteladda Afrika qaarkood,”.

Afhayeen u hadlay booliska ciidamada badda ee magaaladda Busan oo ah halka lagu hayo 5 Budhcad badeed ayaa sheegay inay siiyeen cunto wanaagsan, qabays kulul ayna ula dhaqmeen si bani’aadanimo ku jirto.

Ciidamadda badda ee Koonfur Korea ayaa Khamiistii lasoo dhaafay xoog kusoo furtay,Samho Jewelry’s oo laga leeyahay Koonfur Korea iyo 21-shaqaale oo saarnaa, waxaana weerarka lagu dilay 8 Budhcad badeed ah, halka Captainkii markabkana uu ku dhaawacmay,Shanta Soomaalida ah ayaa dhawaan lasoo taagi doonaa maxkamad, waxaana haddii lagu helo dambiga Budhcad badeednimada ay mutaysan doonaan xabsi daa’in.

0 comments:

Post a Comment