Tuesday, February 22, 2011

Hay'adda ICG oo sheegtay in dowladda KMG ah ay lumisay fursado badan oo ay wax ku qaban lahayd

Talaado, 22 Feberaayo, 2011 (Burcotoday) – Hay'adda xasaradaha dunida ee ICG ayaa wrabixin ay soo saartay ku sheegtay in dowladda KMG ah ee Soomaaliya ay lumisay fursado badan oo ay wax kaga qaban kartay dalka, sidoo kalena muddadii labada sano ah ee ay jirtay aysan ka faa'iideysan taageeradii ay beesha caalamka siiyeen.

ICG waxay sheegtay in dowladda Soomaaliya ay wax ka qaban wayday maamul xumo haysata iyo musuqmaasuq dhexdeeda ah, taasoo warbixinta ay sheegtay inay tahay mida ugu weyn ee ay dowladdu wax ka qaban wayday.

Hay'adda ICG ayaa warbixinteeda ku xustay in wasiirada xukuumada marka ay warqada ku qoran yihiin ay yihiin kuwo aad u wanaagsan, balse marka siyaasad ahaan la eego khilaafka iyo kala qaybsanaanta dowlada ka dhex jirta aan la aamini karin inay horumar gaari karaan inta aan la gaarin bisha Ogoosto ee sannadkan oo xilligooda ku eg-yahay.

Inkastoo baarlamaanka Soomaaliya oo xilligiisa ku kororsaday muddo saddex sano ah ayay hay'addu sheegtay in loo baahan yahay in dareen la siiyo sidii loo xallin lahaa cillada maamul ee dowlada dhexdeeda ka jirta, iyadoo sheegtay in haddii DKMG ah aysan qaadin tallaabooyin ay ku saxayso khaladaadkeedka aysan waxba ka qaban karin dalka.

Warbixinta ICG oo aad u dheereyd ayaa waxaa lagu sheegay in beesha calaamka looga baahan yahay inay xoojiyo taageerada ay siiso ururrada kale ee dalka ka jira si ay howlahooda u horumariyaan.

Hay'addu waxay sidoo kale sheegtay inaysan cadaalad ahayn in guuldarooyinka oo dhan dusha laga saaro madaxweyne Sheekh Shariif, balse marka la eego qaabka dowladu ay u dhisan tahay ay eeda inteeda badan yeelanayso xukuumada.

Madaxda dowladda Soomaaliya ayay hay'addu sheegtay inay yihiin kuwa ugu musuqmaasuqa badan dalka tan iyo markii ay bilaabatay qaabka KMG ah ee Soomaaliya 2004, waxaana ICG ay sheegay in waxqabad ahaan marka la eego ay DKMG ah aad uga hooseyso dowladii ka horreysay.

ICG, waxay sheegtay in xiriirka wadashaqeyn ee u dhexeeya dowladda KMG ah iyo maamullada dalka ka jira ay yihiin kuwo aad u hooseeya, gaar ahaan marka la eego is-qabqasiga u dhexeeya Puntland iyo dowladda KMG ah iyo sidoo kale fashilkii ku yimid heshiiskii dhexmaray DKMG ah iyo ururka Ahlusunna, inkastoo dowladdu ay ku doodayso inuu heshiiskaas weli jiro.

ICG waxay warbixinteeda ku sheegtay in xiriirka aan fiicnayn ee u dhexeeya DKMG ah iyo maamulada dalka ka jira ay yihiin kuwo muujinaya waxqabad la'aanta dowladda Soomaaliya.

Dowladaha reer galbeedka oo dhaqaalaha ugu badan ay ka hesho dowladda KMG ah ee Soomaaliya ayaa la sheegay inay u arkaan in dowladdu tahay mid musuqmaasuq badan.

Hay'adda ICG waxay warbixinteeda ku sheegtay in ciidamada dowlada Soomaaliya aysan ahayn kuwo waxtar leh, awoodda DKMG ahna ay ku tiirsan tahay ciidamada AMISOM ee tiradoodu tahay 8,000-askari ee ka socda ururka Midowga Afrika.

Talooyin loo jeediyay AMISOM, DKMG iyo Beesha Caalamka:
ICG, waxay kula talisay DKMG ah inay xoojiso xiriirka ay la leedahay maamullada dalka ka jira, ayna dib u nooleyso heshiiskii ay sannadkii hore la gashay Ahlusunna Waljamaaca iyo inay dhameystirto howlaha horyaalla iyo qoridda dastuurka inta uusan xilligeedu dhammaan.

AMISOM ayay hay'addu kula talisay inaysan qaadin weerar weyn iyadoo aan ka baaraan degin siyaasad ahaan iyo qibrad ahaan goobaha ay ku qaaday. iyadoo soo-jeedisay in la kordhiyo tiradooda lana gaarsiiyo gobollada ay maamullladu ka jiraan.

Beesha calaamka ayaa iyagana loogu baaqay inay inay dowladda Soomaaliya ka joojiyaan caawinada ay siiyaan bisha Ogoosto ee sannadkan haddii ay wax ka qaban waayaan xaaladda dalka, ayna u weeciyaan taageeradaas maamullada kale ee dalka ka jira oo u muuqda kuwo ka wanaagsan xagga waxqadka DKMG ah.

0 comments:

Post a Comment