Wednesday, February 2, 2011

Wasiir Xaabsade Oo Digniin Culus U Jeediyey Puntland,Waxyaabo kalena ka Hadlay.

PDF Print E-mail
Wednesday, 02 February 2011
Gooni Isku Taaga Somaliland-Na Ku Tilmaamay Mid Aan Gorgortan Iyo Wada Hadal Gali Karin “Xilkan La Ii Magacaabay
 Mid Ii Qalma Maaha, Waxaanse Ugu Qancay, Kooxaha Ku Dhuumanaya Laascaanood Ee Mudaharaadka Abaabulay Waa La Ogyahay Talaabo Ayaa Laga Qaadi Doonaa, Beesha Caalamku-na Haddaanay Na Aqoonsanayn Yaanay Khal Khal Noola Iman” Wasiirka Warfaafinta Axmed Cabdi Xaabsade  Waraysi Khaas ah
Hargeysa, (Burcotoday) - Wasiirka Cusub ee Wasaarada Warfaafinta iyo Wacyi galinta Axmed Cabdi Xaabsade oo barito xilka si rasmi ah ula wareegi doona ayaa jawaab kulul ka bixiyay hanjabaadii shalay ka soo yeedhay Wasiirka Amniga Puntland, isagoo sheegay in haddii ay faro galinta ka deyn waayaan Somaliland ay cawaaqib xumo kala kulmi doonaan, isla markaana digniin kulul u jeediyay kooxdii abaabushay Mudaharaadadii doraad ka dhacay magaalada Laascaanood, oo uu tilmaamay in talaabo adag laga qaadi doono.
Wasiirka Warfaafintu waxa kale oo uu beeniyey, in wax wadahadlo ahi aanay dhex marayn Somaliland iyo Somalia, dacaayadna ku tilmaamay in Madaxweyne Siillaanyo lagu wado Madaxweynaha Somalia, isagoo intaa ku daray in qadiyada gooni isku taaga Somaliland ay muqadas tahay, isla markaana aan wax wada hadalo ah lala galayn Somalia.
Wasiirka Warfaafinta waxa uu sidaas ku sheegay waraysi khaas ah oo uu shalay Wargeyska Haatuf ku la yeeshay Hargeysa, kaas oo sheegay in aan xilka loo magacaabay aanu u qalmin, balse uu u qaatay inuu wax kaga qabto dhibaatooyinka ka taagan gobolada bariga Somaliland, waxaanu tacsi u diray shacbiga reer Somaliland geerida naxdinta leh ee ku timid habeen hore Mujaahid Ibraahim Maygaag Samatar oo ku geeriyooday dalka Japan.
Ugu horayn Wasiirka Warfaafinta Axmed Cabdi Xaabsade oo aanu wax ka weydiinay sida ay u arkaan xukuumadd ahaan hanjabaada ka soo yeedhay Wasiirka Amniga maamulka Puntland ee shalay sheegay in Somaliland ciidamadeeda kala baxdo Sool iyo Buuhoodle, waxa uu yidhi “Horta marka hore waxaan tacsi u dirayaa shacbiga reer Somaliland geerida ku timid Mujaahid Ibraahim Maygaag Samatar, oo ahaa siyaasi ruug cadaaya oo dalka taariikh weyn ku leh, Ilaahayn naxariistii jano ha ka waraabiyo. Wasiirka amniga Puntland iyo maamulkiisa waxaan u sheegayaa in dhulka Sool Sanaag iyo Cayni ay ka mid yihiin Somaliland ee aanay ka mid ahayn Puntland, xuduuda faca weyn ee ay leedahayn waa mid ay Somaliland ilaashanayso oo lama taab-taan ah, xuduudaha adduunkuna maaha kuwo ku salaysan qabiil, balse waa xuduudo ku dhisan qaranimo iyo Sooyaal taariikheed oo ku fadhiya jirtaankiisa kana muuqda khariirada dhulkiisa gaarka ah, xuduudaha Somaliland-na waa lama taab-taan aan lagu badali Karin qaab hayb ku dhisan”.
Wasiirka Warfaafintu mar uu ka hadlayay dagaalka ka dhacay Kal-shaale, waxa uu yidhi “Shaqaada ka aloosan deegaanka Kal-shaale ee u dhexeeya beelaha walaalaha ah ee Qori-lugud iyo Buuhoodle beelahaasi wey dhici jirtay inay is faro saaraan, balse wey ka heshiin jireen waana la dhex gali jiray oo la dhamayn jiray, haddana gacantaa lagu hayaa oo waa la dhamaynayaa, dadkii labad dhinac ka kala dhintayna waanu ka tacsiyadaynaynaa Ehelkii ay ka geeriyoodeen, waxaan ugu digaynaa faro galinta ay Puntland ku soo samaynayso dhulkii Somaliland inay faraha kala baxaan, haddii ay joojin waayaan faro galintaa ha ogaadaan iyaguna in arrimo waaweyni ay na dhex mari doonaan oo ay ka qoomamayn doonaan, madaxdhaqmeedyada iyo isimada beelaha dhibaatadu dhex martay-na waxaan ugu baaqayaa inay qaboojiyaan oo dadkana dejiyaan, dadka xumaha wada ee dhagta u taagaya Kal-shaale waa la dhamaynayaa, horena go’aan waa looga gaadhay ee waxabaa yaan Mashruuc laga dhigan xaalada Kal-shaale”.
Wasiirka Mar aanu weydiinay sida uu u arko  Mudaharaadka ka dhacay Laascaanood ee lagu sheegay in ujeedo badan ay ahaayeen dadkii Mudaharaadayay, waxa uu yidhi “Mudaharaadkaasi dadka samaynayay may ahayn dad dan u haya Somaliland gaar ahaan reer Buuhoodle dan u haya maaha, waa dad waligoodba samayn jiray Mudaharaad noocas ah oo horena talaabooyin looga qaadi jiray, haddana talaabo  laga qaadi doono, waana la yaqaanaa oo la fahamsan yahay, waana la ogyahay waana la daba socdaa, waxaan u sheegayaa shacabka reer Laascaanood inaanay kooxdaasi dib idin ku dhex dhuuman doonin ee talaabo laga qaadi doono”.
Wasiirka mar aanu weydiinay waxa uu ku soo kordhin doono xilka loo magacaabay iyo dareenkiisa ku wajahan maadaama uu hore u soo qabtay jagada guddoomiyaha Baarlamaanka Somaliland, waxa uu yidhi “Horta marka ugu horaysa xilka la   i magacaabay meel i qalanta maaha, laakiin waxaan ugu qanacsanahay meesha inaan wax kaga qabto talaabooyinka Somaliland dhexdeeda ka dhacaya gaar ahaan dhulka Sool iyo Cayn dhibaatooyinka ka socda inaan wax ka qabto oo aan soo afjaro, anigoo madaxweyne Axmed Siillaanyo-na aqaana dadkana aqaanaa ayaa xilkaasi la ii magacaabay, waanan ku kalsoonahay hadda Wasaarada la ii dhiibay”.
Wasiirka mar aanu weydiinay damaca madaxweynaha Puntland Faroole ku sheeganyo Sool, Sanaag iyo Buuhoodle inay isku qabiil yihiin oo Puntland ka tirsan yihiin beesha caalamkana khariidad uu ku muujiyay in Puntland ay ka tirsan yihiin, waxa uu yidhi “Muran kama taagna Sool, Sanaag iyo Cayn inay Somaliland ka tirsan yihiin dal ahaan iyo dad ahaanba, haddii dadka qaarkii xumaanta wadaa ay hayb qabiil u hanqal taagayaan qabiil qaran laguma noqdo, Puntland waxaan u sheegayaa inay iskaga quustaan damacooda qabiilka”.
Wasiirka mar aanu weydiinay in madaxweyne Siillaanyo loogu balan qaaday inuu noqdo madaxweynaha Somalia, shirar la iskugu keenayo Somaliland iyo Somalia uu caalamku wado, waxa uu yidhi “Waxaan ummada u sheegayaa arrimahaasi waa dacaayad loola jeedo in madaxweynaha lagu wax yeeleeyo gooni isku taaga Somaliland-na waa muqadis, gorgortan iyo wada hadalna ma gali karto, cid looga daba fadhiisanayo iyo cid looga habranayaa-na ma jirto, Somalia markay maamul dhisato waa loo wada hadli karaa sidii laba dawladood oo jaar ah xidhiidhna yeelan kara, maxaa loogu hanqal taagayaaba iyagiibaa ku jira xaalad argagax leh nnkii tiisaba daryeela ayaa tu kalena ku dara, waxaanu leenahay kooxaha Somalia isku dilaya waar ummada jaah wareerka ka daaya, beesha caalamkana waxaanu ugu baaqaynaa haddii aanay na aqoonsanayn inay khal khal na galiyaan maaha”
Lasoco cadadka danbe oo uu kaga hadlayo Xeerka Saxaafada iyo mawqifka uu ka tagaan yahay xadhiga Saxaafada xorta ah ay xukuumaddu ku hayso iyo qorshaha uga meel yaala xidhiidhka xumaaday ee Saxaafada iyo xukuumadda u dhexeeya.

0 comments:

Post a Comment