Saturday, June 2, 2012

Degmada Afmadow oo si buuxda u gashay gacanta ciidamada DKMG ah, Raaskambooni iyo kuwa Kenya


Degmada Afmadow oo si buuxda u gashay gacanta ciidamada DKMG ah, Raaskambooni iyo kuwa Kenya

Af-madow(BCT) Ciidamada dowlada KMG Somalia, Xarakada Raaskambooni iyo kuwa Kenya oo ilaa saaka hareeraha ka joogay degmada Afmadow ee gobolka Jubada ayaa wararkii ugu dambeeyey waxay sheegayaan in galabnimadii maanta ah ay gudaha u galeen degmadaas si buuxdana ula wareegeen.
Wararka ayaa intaa ku daraya in ciidamada huwanta ay dhowr jiho ka soo galeen degmada Afmadow aysana jirin wax rasaas ah oo halkaas ka dhacday ka dib markii xoogagii Al-Shabaab ee la dagaalamayey ay isaga baxeen degmada saaka.
Ciidamada galay degmada Afmadow ayaa dad goob joogayaal ah ku sugan degmadaas waxay sheegayaan iney ka muuqatay feejignaan dheeri ah, waxayna ku faafeen gudaha degmada, iyagoo lugeynaya, waxaana la sheegay in mid ka mid ah koontroolada magaaladaas laga maqlay rasaas kooban oo aan la ogeyn waxa ay tahay.
“Ciidamada soo galay waxaa hogaaminaya taliyaha ciidamada dowlada KMG Somalia ee gobolada Jubooyinka, Jen. Ismaaciil Saxardiid, gudoomiyaha Xarakada Raaskambooni Shiikh Axmed Maxamed Islaan (Axmed Madoobe) afhayeenka kooxdaas C/naasir Seeraar iyo saraakiil kale oo badan” sidaa waxaa yiri goob jooge ku sugan degmadaas oo magaciisa diiday.
Ciidamada ayaa hadda wada howlgalo miino baaris ah oo ay ka sameynayaan saldhiga Booliska, xarunta degmada iyo kontrolada ku yaala wadooyinka laga soo galo lagana baxo degmadaas si ay uga hor tagaan miinooyin loo maleynayo in ay goobahaas ku aaseen xoogagii Al-shabaab ee saaka magaaladaas ka baxay.
Ciidamada huwanta oo wata taangiyo iyo hub kale oo oculus oo ayaa la sheegay in xoogooda ay dhinaca kale u dhaafeen degmada Afmadow iyagoo u kala jiheystay wadooyin u kala baxa magaalada Kismaayo iyo degmada Jamaame oo sida la sheegay saaka ay ku baxsadeen xooqagii Al-shabaab ee degmadaas gacanta ku hayey, waxaana dadka degaanku ay sheegayaan in xaalada degmada ay hadda tahay mid degan saraakiisha ciidamada huwantana ay ku war geliyeen dadka degmadaas ku haray iney is dejiyaan.
Degmada Afmadow ayaa ah degmo istaraatiiji ah oo magaalada kismaayo u jirta 140-km, waana caasimada labaad ee gobolka Jubada hoose, waxayna noqoneysaa degmadii ugu weyneyd gobolka Jubada hoose ee ay gacanta ku dhigaan Ciidamada huwanta ee Kenya ay horkaceyso, waxaana ay qeyb ka noqoneysaa magaalooyin badan oo bilihii u dambeeyey ka baxay gacanta Al-shabaab.

0 comments:

Post a Comment