Saturday, June 2, 2012

Ciidamadda Puntland oo Badda iyo Berrigaba ka soo weeraray Laasqoray, Askari ka tirsan Somaliland-na ku dhaawacday


Ciidamadda Puntland oo Badda iyo Berrigaba ka soo weeraray Laasqoray, Askari ka tirsan Somaliland-na ku dhaawacday

Waxay la wareegeen gacan ku hanta Laasqoray markay Somaliland digniino laga siiyay ka gaashaaman weyday
Laasqoray(Waaheen) Dagaal subaxnimadii shalay  dhex maray ciidanka ilaalada xeebaha gobolka Sanaag iyo laba markab oo kasoo kicitimay dhinaca magaalada Cadan ee dalka Yemen una soo jeeda dhinaca magaalada Laasqoray ee ku taal xeebta waqooyiga gobolka Sanaag waxa ku dhaawacmay inta la hubo hal askari oo dhinaca ciidanka ilaalada xeebaha Somaliland ah halka dhinaca maraakiibta oo sida la sheegayo ay saarnaayeen rag hubaysani iyaga aan la ogayn ilaa hadda wax khasaare ah oo gaadhey.
“Hal askari ayaa nagaga dhaawacmay annaga iyagase (maraakiibta) war uma hayno waxana maraakiibtan saarnaa rag hubaysan oo rasaas nagu furay”. Sidaas waxa yidhi Taliyaha ciidanka ilaalada xeebaha gobolka Sanaag Maxamed Yuusuf (Otor) oo isagoo sida uu sheegay dhexda ku sii jira una sii jeeda Ceerigaabo aannu khadka telefoonka kula xidhiidhnay.
Maraakiibtan oo laba ah ayaa la sheegayaa inay sideen qalab loogu tala galay deked cusub oo Laasqoray laga samaynayo sidoo kalena ay jiidanayeen guryo samaysan oo loogu tala galay degsiimada hawlwadeennada dekeddan, waxayna si nabad ah ugu soo xidheen kuna sugan yihiin gudaha magaalada Laasqoray.
Dhinaca kale ciidammo xooggan oo adeegsanaya baabuur iyo xataa laashash qoryo saaran yihiin oo dhinaca Puntland kasoo jeeda ayaa iyaguna halkaas u jooga xoojinta iyo sugitaanka socodsiinta hawlaha dekeddan cusub kuwaas oo sida la sheegay waqtigan difaac kaga jidha meel (Xaydhayeele) jahada galbeed ka xigta Laasqoray.
Waxana taas barbar socota guud ahaan bulshada degaankaas ku dhaqan oo markoooda horeba gacan siinayey shakhsiyaadka dhinaca Puntland ee hawshan dhexda u xidhayoo ay ka mid yihiin Wasiirka Arrimaha Gudaha Gen-C/laahi Axmed Jaamac (Ilkajiir). Guddoomiyihii hore ee Baarlammaanka Puntland Axmed Cali Xaashi, Ganacsade-Feysal Xawar iyo saraakiil kale ayaa haddana waqtigan waxay si weyn dareen cadho leh ka muujinayaan dagaalkan dhexmaray maraakiibtan iyo ciidanka ilaalada xeebaha Somaliland “Annaga ka sokow Puntlad ama Somaliland weerarkan Ina Otor si xooggan ayuu degaan ahaan noo taabtay”. Sidaas waxa yidhi mid ka mid ah odayaasha degaanka Laasqoray kasoo jeeda.
Taliyaha ciidanka qaranka gobolka Sanaag Suldaan-Muuse Jaamac (Delef) oo isagana aannu wax ka weydiinney warar sheegaya in ciidanka qaranka ee fadhigoodu yahay Laasqoray ay qayb ka yihiin oo ay taageerayaan ciidanka Puntland ee difaaca ugu jira Somaliland ayaa yidhi “Arrintaas waxba kama jiraan”. Wuxuse taliyuhu qiray inuu jiro xidhiidh dhexmaray isaga iyo shakhsiyaadka taageersan Puntland ee Laasqoray ku sugan isagoo yidhi “Haa Feysal Xawar waa ila soo xidhiidhay oo waxan ku idhi majiro dagaal Somaliland oo xilligan Laasqoray kusoo jahaysani”.
Dhinaca kalenaTaliye ku xigeenka ciidanka Ilaalada Xeebaha Somaliland Col. Cabdi Xirsi Ducaale oo aanu Khadka Talefoonka kula xidhiidhnay si aanu arintaasi wax uga waydiino, ayaa xaqiijiyay inay Ciidankooda isku dhaceen Dablay hubaysan oo la socday Maraakiib ku soo jeeday Degmada laasqoray, kuwaasoo ilaa hada ujeedada ay halkaasi u imanayeen aan la ogayn.
Taliyuhu waxa uu sheegay inay Ciidankoodu joojiyeen Maraakiibtaasi, ka dibna Rasaas loogu jawaabay, taasina ay dhalisay iska hor imaadkaasi.

0 comments:

Post a Comment