Saturday, June 2, 2012

Maamulihii Kastamka Berbera Cali Bul-bul oo Galabta Shil Gaadhi ku Geeriyooday iyo Bahda Waaheen oo Tacsi u diraysa


Maamulihii Kastamka Berbera Cali Bul-bul oo Galabta Shil Gaadhi ku Geeriyooday iyo Bahda Waaheen oo Tacsi u diraysa

Berbera(BCT)-Waxa Galabta ku Geeriyooday Cisbitaalka guud ee Magaalada Berbera Marxuum Cali Bul-bul oo ahaa Maamulihii Kastamka Berbera, kaasoo galabta saddexdii Gaadhi uu Watay kula dhacay meel wax yar u jirta Kaantaroolka Berbera.
Marxuumka ayaa geeriyooday markii Cuisbitaalka la geeyay, waxaana Maydkiisa goor dhawyd loo soo qaaday dhinaca Magaalada Hargeysa oo lagu aasi doono.
Cali Bul-bul ayaa dhawrkii sanadood ee ugu dambeeyay ka tirsanaa Shaqaalaha Kastamka Bebera, waxana sanadkii 2010 laga dhigay Xisaabiyaha Kastamkaasi.
Dhamaan Masuuliyiinta iyo Shaqaalaha Waaheen Media Group, iyagoo ka tiiraanyaysan Geerida Naxdinta leh ee ku timi Marxuumka, waxay Tacsi u dirayaan Qoyskii, Qaraabadii iyo Qaranka Somaliland ee uu ka baxay.
Annagoo si Gaara uga Tacsiyadayna Bahda TV-ga HORN CABLE, gaar ahaana Wariye Xamse Cali Bul-bul oo uu ahaa Aabihii, waxaanan leenahay Ilaahay Samir iyo Imaan saadiqa ha inaga siiyo dhamaan intii uu ka geeriyooday.
INAA LILAAHI WA INAA ILAYHI RAAJUCUUN.
BAHDA Burcotoday 

0 comments:

Post a Comment