Sunday, April 15, 2012

Shirkii Golaha Dhexe Ee Xisbiga Kulmiye Oo La Soo Gabo-Gabeeyey Laguna Doortay Qaar Ka Mida Hogaanka Xisbigaas.

Shirkii Golaha Dhexe Ee Xisbiga Kulmiye Oo La Soo Gabo-Gabeeyey Laguna Doortay Qaar Ka Mida Hogaanka Xisbigaas.


(Hadhwanaagnews) Sunday, April 15, 2012
Shirkii Golaha Dhexe Ee Xisbiga Kulmiye Oo La Soo Gabo-Gabeeyey Laguna Doortay Qaar Ka Mida Hogaanka Xisbigaas iyada oo xil ka qaadis buuq badan dhalisay xilkii lagaga qaaday gudoomiye ku xigeenka koowaad ee xisbiga kulmiye.


Hargeysa(HWN)shirkii golaha dhexe ee  xisbiga kulmiye oo maanta ku jiray maalintii labaad ee shirkaasi ayaa waxa lagu doortay  gudoomiye ku xigeenka koowaad,labaad,sadexaad iyo  xoghayaha guud halka dib loo dhigay xilka gudoomiyaha xisbiga kulmiye ilaa inta la gaadhayo shir weynaha xisbiga iyada oo uu xilkana sii hayn doono gudoomiyaha hada ee xisbigaasi  md:Muuse Biixi Cabdi.
Shirka golaha dhexe ee xisbiga kulmiye ayaa waxa shir  gudoominayey gudoomiyaha golaha dhexe ee xisbiga kulmiye md:Jaamac Shabeel.
Shirka golaha dhexe ee xisbiga kulmiye oo si weyn loogu dhag taagayey natiijada ka soo bixi doonta ayaa waxa lagu doortay xubno noqon doonta hogaanka xisbigaas iyada oo xilkiina laga qaaday gudoomiye ku xigeenka koowaad ee xisbigaas md:C/raxmaan C/qaadir.
Shirka golaha dhexe ee xisbiga kulmiye ayaa waxa kale oo lagu ansixiyey  39 xubnood oo ka mid noqon doona golaha dhexe ee xisbiga iyada oo ay xubnahaasi buuxiyeen  jagooyin ay hore u baneeyeen xubno ka tirsanaa xisbiga kulmiye.
Shirka golaha dhexe ee xisbiga kulmiye oo socday mudo laba cisho ah ayaa waxa lagu doortay  qaar ka mida hogaanka xisbiga kulmiye waxaanay kala yihiin.
1.      Gudoomiye ku xigeenka koowaad ee xisbiga kulmiye waxa loo doortay muj:Maxamed Kaahin Axmed
2.      Gudoomiye ku xigeenka labaad ee xisbiga kulmiye  waxa loo doortay Xildhibaan  Waabeeye oo ka tirsan mudanayasha golaha wakiilada Somaliland
3.      Xoghaya guud ee xisbigana  kulmiye waxa loo doortay  md: Xasan Siciid Yuusuf
waxa dib loo dhigay doorashada gudoomiyaha xisbiga kulmiye iyada oo mudo hal sano ah dib loo riixay shirweynaha xisbiga kulmiye.
Waxa kale oo lagu ansixiyey qodobo  u ogolaanaya masuuliyiinta xisbiga kulmiye inay ka wada tirsanaan karaan golaha dhexe ee xisbiga kulmiye iyo golaha wasiirada ee xukuumada.
Shirka golaha dhexe ee xibiga kulmiye oo ay hadhaysay jaah wareer iyo buuq ka dhashay xil ka qaadista gudoomiyaha ku xigeenka koowaad e xisbiga kulmiye md: C/raxmaan C/qaadir ayaa waxa uu ku soo dhamaaday jawi aad u kacsan iyada oo inta badan marti sharaftii ka soo qayb gashay shirka golaha dhexe ee xisbiga kulmiye ay sheegayeen inaan sifo sharciga waafaqsan loo marin xil ka qaadista gudoomiyaha ku xigeenka kowaad ee xisbigaas iyada oo loo adeegsaday in ciidamo police ahi debada uga saaraan hoolka uu ka socday shirka golaha dhexe ee xisbigaas.
Gudoomiye ku xigeenka koowaad ee xilka laga qaaday md:C/raxmaan C/qaadir ayaa isagu warbaahinta u sheegay inaanu aqoonsanayn  go,aanka xilka lagaga qaaday isaga oo xusay in lagu soo doortay shirweynihii u danbeeyey ee xisbiga kulmiye.
Isku soo wada duuboo waxaan ilaa hada la garanayn saamaynta togan ee ay xisbiga kulmiye ku yeelan doono xilka qaadista gudoomiye ku xigeenka koowaad ee loo adeegsaday ciidamada plice-ka ee xooga kaga saaray hoolka uu shirku ka socday iyada oo sababta dibada loogu saarayna ay keentay ka dib markii uu C/raxmaan C/qaadir isku dayey inuu ka jawaabo warqad  eedayn ah oo uu soo qoray gudoomiyaha xisbiga kulmiye taas oo loo adeegsaday xil ka qaadista C/raxmaan C/qaadir.
Xisbiga kulmiye ayaa inta badan ku  faana inuu yahay xisbi dimuqraadiya balse waxa la dhawri doontaa saamaynta ay ku yeelato qaabka loo maray xil ka qaadista gudoomiye ku xigeenka koowaad ee xisbiga
Si kastaba ha ahaatee shirka golaha dhexe ee xisbiga kulmiye  ayaa lagu doortay qaar ka mida hogaanka xisbiga, isaga oo ku soo dhamaaday  jawi aad u kacsan.

0 comments:

Post a Comment