Saturday, June 2, 2012

AMISOM oo Maanta Addis ku dejinaya Qorshe Afar Aag Lagaga Weerarayo Deegaamada ay Al-shabaab ku Hadhay ee Somaliya


AMISOM oo Maanta Addis ku dejinaya Qorshe Afar Aag Lagaga Weerarayo Deegaamada ay Al-shabaab ku Hadhay ee Somaliya

Addis-ababa(Waaheen)-Xarunta Midowga Afrika ee Magaalada Adis ababa waxa maanta lagu wadaa inuu ka furmo kulan shan Geesood ah oo ay wada yeelanayaan dalalka ay ciidamadu ka jioogaan Soomaaliya ee amisom.
Kulankan oo ay goob-joog ka noqonayaan Wadamada UGANDA, KENYA, ITOOBIYA, JABUUTI iyo BURUNDI ayaa lagaga arinsanayaa wejiga labaad ee dagaalada ka dhanka ah kooxda Al-shabaab ee wali haysta gobolada Koonfureed magaalooyin ka mid ah, qaarna lagala wareegay bilihii ugu dambeeyay.
Warar ku dhow dhow shirka ayaa sheegaya in waxyaabaha ugu mihiimsan ee lagu soo qaadayo ka mid yahay qorshe ah in alshabaab lagu furo 4 aag oo cusub, ka dib markii maalmihii u danbeeyay ciidamada al-shabaab laga saaray Degmada Afgooye iyo Afmadow.
Wakaalada wararka Itoobiya ee ENA ayaa shaacisay in saraakiil ka socotay dalalka Uganda,Itoobiya,Kenya,Burindi iyo Jabuuti kulanka Maanta ka qeybgalayaan, kuwaasoo soo bandhigi doona sidii loo dedejin lahaa weeraro qorsheysan oo 4 aag lagaga qaado degmooyinka ay wali gacanta ku hayaan al-shabaab.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in bisha June amisom ay qorsheyeneyo fulinta qorshaha ay 4-ta aag ugu fureyso a-lshabaab, kaasoo lagu bartilmaameedsan doono degmooyinka ay ka mid yihiin Balcad,Baraawe Marka, deegaanada Bay iyo Bakool, iyo dhanka Gedo

0 comments:

Post a Comment