Sunday, June 17, 2012

Barcelona Oo La Soo Wareegtay Xiddig Mucjiso Ah Oo Aad U Da’ Yar Oo U Dhashay Dalka Brazil.


Barcelona Oo La Soo Wareegtay Xiddig Mucjiso Ah Oo Aad U Da’ Yar Oo U Dhashay Dalka Brazil.

Barcelona ayaa xaqiijisay inay la soo saxiideen xidig aad u da’  yar oo kasoo jeeda dalka ku caan baxay ciyaarista kubada cagta ee Brazil ciyaaryahan Artur Miani ayaana ah xidig mustaqbal ifaaya ku leh ciyaarta kubada cagta mustaqbalka fog.
Miani ayay la yaab ku noqtay in lagu daro akadeemiyada aduunka ugu caansan ee La Masia bishii May ka dib markii gabar la dhalatay ay ka shaqo bilowday website-ka rasmiga ah ee kooxda reer Spain.
Waxa uu helay warqad ka socota Barcelna jimcadii taas oo u xaqiijineysa inuu ku baasay tijaabooyin uuna kusoo biiri karo akadeemiyada kooxda bisha September.
“Tani waa sharaf aad u weyn,” aabaha dhalay Artur  Adilson Miani ayaa u sheegay Globoesporte.
“Wuu ciyaaray kulankii caruurta nolashiisa ma uusan arkin tan ka hor.
“Waxa uu u adkeystay safarka. Aad ayaan u faraxsanahay”
“Wiilkeyga waxaa ogolaansho uu ka helay mid ka mid ah kooxaha ugu waa weyn caalamka”
“Waa lix sano  jir, sidaas darted ma awoodi karo inuu kaligiis socdo.Mana Ka tegi karo wadanka hadda, sidaas darted hooyadiisa ayaa inta badan la joogi doona halkaas.”

0 comments:

Post a Comment